Waxaynu noqon dad xumaan jecel, haddaynaan ka mahad-naqin waxtarka Imaaraadka Carabta (WQ: Maxamuud Cali “Walaaleye”)

Ummad walba waxa dhigaal u noqda waxay qabsato ama cid kale ka caawiso, loona baahan yahay in ay ilaashato, isla markaana af iyo adinba ku taageerto intii ka qeyb qaadatay gaadhitaanka hadafkooda.

Hadaan u soo laabto dulucda maqaalkan, waxa muddooyinkii u dambeeyey si weyn aynu ula soconay waxtar dhinacyo badan leh oo xukuumadda Imaaraadka Carabta u fidinayeen ama u balan-qaadeen in ay ka fuliyaan Somaliland oo dhinacyo muhiimad weyn u leh bulshada oo ay ka mid ahaayeen biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo dhinacyo kaleba.

Horta Illaahay baynu mahad u celinaynaa inoo qoray helitaanka kaalmooyinkaa, marka xiga waxa lagama maarmaan ah in aynu u mahadcelino dadkii ka dambeeyey ama hormoodka u ahaa in aynu helo, oo ugu horeeyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed “Siilaanyo” iyo xukuumaddiisa oo abuurtay fursada aynu xidhiidh iskaashi oo qiimo leh oo ina dhexmaray waddammo badan oo dalka Imaaraadku ka mid yahay, isla markaana aynu aragno dhaxalka aynu imikaba ka faa’iidnay talaabadda ay qaadeen.

Sidoo kale, waxa in loo mahad-celiyo mudan, safiirka cusub ee dhowaan Somaliland u magacowday dalka Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar oo muddadii koobnayd ee uu xilkaa hayey dhab ahaan ay muuqatay sida uu u gutay waajibkii saarnaa, una abuuray jawi iyo isfaham aynu la yeelanay dalka loo xilsaaray, isla markaana uu dalka iyo dadkaba ugu soo helay mashaariico waxtar leh, la’aantii aanay suurtagasheen ama aynu odhan karno hadaanu la iman dedaalo dheeraad ah aan ku yimaadeen wakhti kooban.

Haddaba, waxa caado u ah qof walba in uu uga abaalceliyo qofkii waxtara haba yaraato waxtarkaasiye, laakiin, bal ka warama bulsho dhan oo weli aynaan arkin iyagoo uga mahadcelinaya dadkii iyo dalkii waxtaray, mise waxaynu odhan karaa, waxtar gebi ahaantiiba bulshada reer Somaliland uma baahna? Xaqiiqdii, way u baahan tahay, laakiin waxaad moodaa in aanay ku baraarugsanayn, ama qof walba ku eegayo qof kale in uu kaalintaa buuxiyo, balse la moog yahay in ay tahay waajib qof walba saaran in uu wanaaga dhiirigeliyo.

Waxaan ugu baaqi lahayn ummadda Somaliland guddo iyo dibedba in ay kaalin ka qaataan sidii dalkoodu horumar iyo wanaag u gaadhi lahaa, isla markaana qof walba kaalinta kaga beegan u buuxin lahaa, oo qof kastoo wax wanaagsan u qabta, haba ahaato waajib saarnaaye, inaynu uga mahadcelino, ilayn hadduu wax xumaan ah sameeyaba waynu ku dhaliili lahayne, inkastoo ay jiraan dad badan oo wanaag la sameeyo ka jecel in ay arkaan xumaan la sameeyo si ay ugu dhaliilaan qofka sameeyey, oo xumaan-jecel aynu ku magacaabi karno.

Ugu dambayn waxaan odhan lahaa, abaalweyn ayaan madaxda iyo shacabka dalka Imaaraadka Carabta ugu haynaa waxtarka dhinacyada kala duwan ee ay u qabanayaan shacabka reer Somaliland, taasoo keenaysa inay dareemaan sida loo dareensan yahay abaalkooda, looguna mahadcelinayo, oo sababi karta in ay sii kordhiyaan Insha Allaah.

Sidoo kalena waanu ogsoon nahay masuuliyiinta kaalinta ka qaatay helitaanka waxtarka Imaraadka Carabta oo ugu horeeyo safiirka Somaliland Baashe Cawil Cumar, abaalna waanu ugu haynaa, waxaanan leenahay, haka daalin in aad dalkaaga iyo dadkaaga ugu hiiliso aqoontaada adigoo gudanaya iyo waajibka ku saaran, waxtar kastoo aad soo kordhisana adduunkana abaal ayaaad kaga heli, aakhirana ajarkeeda Ilaahay baa ku siin. Aamiin.