Waxbarashada gaadiid wadista W/Q:(Kamaal Marjaan)

Waxbarashada gaadiid wadista waxaa ka mid ah cutub lagu barto xeeladaha iyo aqoonta darawalka ka caawin kara badqabka waddo marista, gaar ahaan ilaalinta nafaha iyo hantida, iyo ka hortagga khataraha, (Defensive driving).

Casharrada lagu barto waxaa ka mid ah duruufaha qasbi kara in darawalku uu qaato go’aanno mararka qaarkood khilaafsan shuruucda iyo xeerarka waddo marista, haddii uu arko in xeer-jebintaas ay muhiim u tahay badqabka iyo nolosha aadamaha iyo hantida. Waa waxa aynnu u naqaanno laba daran mid dooro, tusaale ahaan in uu ishaarada jiidho si uu u badbaadiyo naf uu Cisbitaal kula ordayo (Gaadiidka gurmadka caafimaadka), iwm.

Darawalnidamdu waxa ay ka mid tahay xirfadaha looga tusaale qaato hogaamiyenimada.

Sida darawalka looga baahanyahay in uu la yimaaddo, istaraatijiyadaha iyo xeeladaha lagu yarayn karo shilalka, lagu xoojin karo badqabka dadka iyo hantida, taas oo ku imanaysa in uu dhugmo u yeesho duruufaha jira, in uu feejigni kula jaanqaado isbedellada kediska ah ee sida joogtada ah uga hor imanaya, iyo in go’aamadiisu noqdaan kuwo waqtigooda yimaadda, haddana uu sii odorosay in aanay ka imanayn cawaaqib xumo xaaladda sii xumeeyaa, si la mod ah ayaa looga baahan yahay hoggaamiyahana.

 

Qore:Kamaal Marjaan

Bandhige@gmail.com