Waxbarashada haweenka ma innaga ayaa u baahan mise iyadaa inoo baahan? (WQ: Nawaal Maxamed Ibraahim)

Soomaalaay haddaad diin ku dhaqantaan, diintu waxbarashad haweenk heerka ay iska taagtay waa aynu naqanaa. Qofka in jahliga laga la dagaalamo qiimaha ya siisayna waynu ognahay balse diinta dantiina ayaad ugu adeegataan oo afar xaas baa la ii baneeyey ayaad ka taqaanaan.

Gabadha aqoonta leh waa hubaal inaanay carruurteedu ku ag gaajoonayn, ku ag dacaymayn iyo inay ubad ummadda wax tara soo saari karto.

Tusaale ninkii nalka(laydh) adduunka u shiday ee laamabda hindisay hooyadii ay guriga wax ku bartay. Maanta waxay aynu wax ku aragnaa waa ilayska iyo indhaheenna oo is caawinaya.

Dhacadooyinka dhibta ay waxbarasho la’aanta haweenku leedahay anigu maalin walba waan la kulmaa oo cisbitaalka aan ka hawl galo hooyooyinka iigu yimaadaa markay igu yidhaahdan eddo halkeen wax ka soo gataa een aan ku idhaa maqaaxidu waa eberk(0) qolkaaguna waa 712aad iyaga oo anfariirsan ayey sidaa ii eegaan. Eddo lamabaradu siday u dhigan yihiin ma garanayee kaalay khayr hele isoo iibi ayey yidhaahdaan.

Haweenka aan halkaa kula kulmo qaarkood 40 jir way ka yar yihiin. Qaarkood rag sare oo shaahaadooyin sare sita oo sannado badan qurubaha ku soo noolaa oo qiimaha ay aqoontu leedahay garanaya ayaa qab. Haweenku sima yidhaahdaan bal xisaabta iyo far Soomalid yar uun barta kuwa qabaan isma yidhaahdaan bal gabadhan lamabarada uun bar baska ha ku raacadee.

Qurbo iyo nolol rafaadkeeda leh oo sida hal cunug(ilmo) loogu koriyaa adag tahay ayuu 10 carruur ah kaga dhalayaa? Keebay eegtaa? Keebay edbisaa? Eebay dhakhtar gaysaa?

Hooyada halka ka hadlaysaa waxay ina tustay sida uu mujtamceenu u dhutinayo iyo sida aynaan waligeen qayrkeen u gaadhayn.

Bal ka waran ilmo dugsiga looga soo ashkatooday oo walidkaa keen la yidhi oo hooyadii isagu u turjumaya! Ma kula tahay in wixii lagu haystay uu si sax ah u sheegi doono? Ma kula tahay inuu haddii xitaa uu qalad galay uu naftiisa ku makhraati furi doono oo uu wax sax ah turjumi doono?

Haweenka 20 sanoo ama in ka badan waddan degana ee aan afkiisa ku hadli Karin ama aan diyaar u ahayn inay wax bartaana iyaga ayaa doortay inay noloshood mugdiga ku ciqaaban iyaga ayaa diiday inay iftiinka arkaan oo gudcurka miciin mooday.

Kuwa haweenku ha dhaleen oo ah guursadeen nagu dawkhiyyeyn waad aragtaan hooyo aan waxba barani dhibka iyo rafaadka ay mudatee waxbrashada haweenka aynu ognaa oo qof kastoo innaga mid ahi ha dhiiri galiyo oo qaybtiis ha ka qaato.

Tani waa ifofaalo wanaagsan waayo bukaanka murkuu isagu inuu buko oo baanasho u baahan yahay qirto ayuunaa dabiibkiisa iyo dawadiisa la helaa? In xal la helana wax ka horaysa in dhibta jiritaankeeda la isla qirto.

Bulshoyahay waynu bugnaaye ma is baannanaa??

#Waxbarashada haweenku waa lama huraan.