Waxyaabaha lagu qiimeeyo Hadal-yaqaannimada (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Waxyaabaha lagu qiimeeyo Hadal-yaqaannimada.
1. Mar kastuu hadlayo, wuu qoddobeeyaa hadalkiisa. Waanu soo koobaa, isagoo ujeedadii taabanaya.
2. Mar kasta wuxuu noqda qof mowduuci ah, kama baxo mowduuca laga hadlayo. Mana dar-jiidho
3. Mar kastuu sheekaynayo, wuxuu ku daraa sheekooyin xiiso leh, oo xidhiidh la leh mowduuca uu ka hadlayo
4. Mar kasta oo uu khudbad jeedinayo, wuxuu ku bilaabaa waxaanay kuwuu ka horreeyey ku bilaabin
5. Mar kasta oo sheekaynayo, wuxuu ku ladhaa hadalkiisa maahmaah, xigmad amma tix gabay ah, oo xawaasha iyo geedo u noqota hadalka
6. Mar kasta wuxuu u hadlaa si furfuran, oo ay ka muuqato, kalsooni. Tusaale kasta oo soo qaato waa lagu qoslaa amma sacab badan ayaa loo tumaa
7. Mar kasta hadalkiisu ma badna, waayo hadalka farah badani wuxuu lumiyaa xigmada iyo macnaha
8. Mar kasta erayada xigmada xambaarsan meel fog kama doono, wuxuu ka soo qabtaa meel dhaw
9. Mar kasta wuxuu la fadhiistaa odayaasha ka weyn, si uu uga barto taariikhdii hore iyo dhacdooyinkii dhaqan ee dadkii hore lahaaheen, si uu tusaale ugu soo qaato markuu hadlayo.
10. Mar kasta hadalkiisu waa rimood, uu qofku doono ku kaxeeyo amma mawqifka uu wato kaga dhaadhiciyo. Isagoo adeegsanaya erayada beerlaxawsiga ah
11. Mar kasta ciduu la hadlayo, ayuu sii baadhaa, waxay jecel yihiin inay maqlaan ayuu hadalkiisa ku badiyaa, si dadku ugu soo joogsadaan.