Waxyi igu ma soo dago, hadana wax ima seegaan (WQ: Cumar-Sayid Qalombi)

“Waxyi igu ma soo dago, hadana wax ima seegaan.
Waxaan ahay nin waayaha aduun, wax uga muuqdaan”.

Waxaa laga joogaa mudo ku siman 7 bilood, markii Madaxwaynaha Qaranka loo dhaariyay Muj. Muuse Biixi Cabdi. Waxaanu golihiisa xukuumadda ee uu soo dhisay jirsaday mudo 7 bilood ah. Wax badan ayaa la qaatay, oo ay ugu mudantahay in hore loogu ruqaansaday xuduudeena Bari inta aan gacanta inoogu jirin.

Sidoo kale qaabkii kharashaadka dawladda ayaa la badalay iyada oo lagu saleeyay nidaam maaliyadeed ku dhisan wax-qabad la taaban karo (performance based budget), nidaamkii dakhli ururinta ayaa la horumariyay lana balaadhiyay. Waana ta keentay in Shaqaalaha dadka, kharashaadka dawladda iyo ciidamadeena dagaalka ku jiraaba aanu kharashaadkoodu hakad galin. Waanan ku amaanayaa Madaxwaynaha iyo Wasiirkiisa Maaliyaddaba sida wanaagsan ee ay horumarka uga sameeyeen arimahaa aan kor ku soo xusay.


Waxaase jira qabyo farabadan oo ka muuqda xubno ka mida Golaha fulinta ee xukuumadda Madaxwayne Muuse. Sida ay dad badan oo siyaasadda faaqidaa hilaadiyeen in aanay wasiradda xukuumadan qaar badan oo ka mid ahi sii shaqayn doonin in ka badan 6 bilood. Haatan waxaa soo baxaya wararka tibaaxaya in isku shaadhayn uu madaxwaynuhu ku samayndoono qaar ka mida golihiisa wasiirada.

Markaa ma laga yaabaa in Prof. Axmed ismaaciil Samatar loo magacaabo Wasiirka Arimahaa Dibadda Jamhuuriyadda Soomaaliland? Waxa aan aaminsanahay in uu yahay nin u qalma Wasaaradaas, aqoontiisana uga faa’iidayn kara dalka.

Cumar-Sayid Qalombi