Weebartu ha shaqayso, Q.1aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Ahmed ALi Kaahin

Saxaabigii Anas Ibnu Maalik Waxa laga wariyay Allaah raali ha’ka ahaadee wuxuu yidhi waxaanu ahayn kuwo la fadhiya Rasuulka (Salaahu Calayhi Wasalam) wuxuu yidhi “ waxa idiin soo gali doona, hadda nin ka mida dadka janada” waxa soo baxay nin reer Ansaareeda, oo gadhkiisa waysadii ka da’ayso kabahana ku sita gacantiisa bidix.

Markii maalintii labbaad ay timid Nabigu wuxuu yidhi. (Salalaahu Calayhi Wasalam) sidii oo kale waxa soo baxay ninkii, sidii markii koobaad oo kale markii ay timid maalintii saddexaad Nabigu (Salaahu Calayhi Wasalam) wuxuu yidhi mid la mida odhaahdii sii hore. Waxaana soo baxay ninkii oo ku sugan xaalkiisii hore.

Markii Nabigu kacay (Salaahu Calayhi Wasalam) waxa raacay ninkii Cabdalla  Cumar ina Caas. hadalku wuu dheeraa balse waxa uu ku yidhi kana codsaday ninkii dadka janada lagu sheegay marti galin, lana joogo gurigiisa saddex cisho maadaama aan dhaartay oo reerkayagii wax na dhex mareen isna wuu ka aqbalay waanu marti galiyay Cabdilaahi.

Markii la martigaliya Cabdilaahi una hoyday saddex habbeen ninkii Janada loogu bushaareeyay. Cabdi laahi kumuu arag ninkii isagoo salaada saqda dhexe (salaatu layla) u kacaya marka laga reebo inta uu hurdo ee uu rog’rogaayo ayuu  Allaah xusaayay. Ilaa inta uu saalada subax u kacaayo.

Markii ay saddex habbeen tageen, waxaan ku dhawaaday in aan yarayso camalkiisa kadib waxaan ku idhi “adoonkii ilaahawo may jirin wax dhibaato ah oo reerkayaga na dhextaalay. Markay halkaa marayso ayuu daaray cajaladii uu duubay saddexda cisho iyo kuurgalkiisii in uu khayrkaa uu ninkaasi sameeyo soona dheegto si uu darajadaau gaadho isna. Isagoo lamaanaynaya hadalkii Rasuulka (Salaahu Calayhi Wasalm). Yidhi.

Ninkii janada loogu bushaareeyay ayuu warkii sii yaya waxaanu ku bilaabay waxaan ka maqlay Rasuulkii ilaahay (Salaahu Calayhi Wasalam) oo leh waxaa idinku soo bixi doona nin ahlu janaha ka mida saddex jeer saddexdii jeerna adaa soo baxay.

Markaa waxaan doonay in aan kuu hoydo camalkaagana eego kadibna kugu daydo, waxaan arkay adoon wax badan oo camala samaynayn. Waa maxay se waxa ku gaadhsiiyay  darajadaasi (Rasuulku Salaahu Calayhi Wasalm) kugu sheegay. Sirtaasaan baadhayay buu ku  yidhi nuxur ahaan.

Wuxu ugu jawaabay “may jiro ilaa waxa aad aragtay mooyaane” markaan tagay jeestayna, wuu ii yeedhay waxaanu yidhi may jirin ilaa waxaa aad aragtay mooyaane balse haddii laga tagi waayo “oon ahayn in aanan dareemay in aan u hayo wax khiyaamo ah, xasada ama nacay muslimiinta ama wanaag Rabbi siiyay cid kale.”

Intaas ka dib saxaabiguu wuxuu ugu jawaabay “waa tan ta ku gaadhsiisay, taas oo Aa’naan awoodin” waxaa wariyay Imaamu Axmad. Ama siduu u yidhi

Aayada suuratul( Shucaraa ku jirta (89) oo ka hadlaysa xaalada qiyaamaha cida badbaaday waa kaliya cidii la timid qalbi saafiya, kaasi oo Allaah kaligii u hogaansan dhamaan xumaana ka dheer, wixii ka dhacana  toobad keenaku maydha.

Sababtoo ah cid aan dambaabin ma jirto ambiyada Rabbi Subxaanah doortay ee uu ilaaliyay mooyaane, balse dambiyada kuwa waawayn ka fogaaday toobadana dhabta ahna guntaday. In qalbiga xumaan lagu hayaana waa dambiyada waawayn haddaan laga toobad keenin.

Camaladu waxay u qaybsamaan labba qaybood sida culimadu sheegeen camalka mid ficil ahaan baan u samaynaa oo jidhkaa sameeya, midna qalbi ahaan baan u samaynaa oo qalbigaa sameeya. Maalinta qiyaamaha waxaa lasoo bandhigi doonaa wixii laabaha ku hilnaa ama ku jiray. (Surada Caadiyaad aayada (10aad). Meesha xisaabtu taalaa waa halkaa “sirtu waa sida guduhu u shaqaynayo” allow na dhawr.

Sheekh Maxamed Saalid Maqaamiisi wuxuu dardaarmaa intaad camal kaaga qalbiga hagaaji ka hor camalkaaga ficilka, waana sida kaalinta maduxu uu ugu jiro jidhka ama madaxtooyadu ugu jirto dawlada, waxaa dadkii wanaagsanaa laga qoray ficil kasta haddaad dar ilaahay u samayso waligaa ka murugoon maysid.Dhinaca kale xadiiskii Nimcaan Ina bashiir Rasuulku (Salaahu Calayhi Waslam) wuxuu yidhi “ jidhka waxaa ku jirta xubin hadii ay hagaagto jidhkoo dhami hagaagayo”  Xasan Al Basri wuxuu ku fasiray waa Qalbiga.

Waxa taa sii xoojinaaya Xadiiskii (Rasuulku Salaahu Calayhi Wasalam) uu  yidhi (Ha isku cadhoonina, Ha is Xaasidina, ha isku daba jeedinina, ahaada adoomo ilaahay oo walaalo ah, xalaal uma ah muslimka in  walaalkii ka haajiro (gooyo) in kabadan saddex cishowaxa wariyay Bukhaari. Allaw Qalbiyada noo dhawr dhamaan dadkii wanaagsanana nala xidhiidhi. Erayga Weerbartu ha shaqayso waxaan ugu tagi doonaa qaybta Q/2aad Haddii Allaah Idmo.      Qalinkii : Axmed Cali Kaahin.                                      Ahmedckahin@gmail.com