Weftiga Garaad WiilWaal qodob Yaan laga yeelin. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Heshiis kasta oo adduunka ka dhaca, dhinac ayaa lagu khiyaameeyaa, oo dhinaca kale ayaa guulaysta. taasi waa sunnaha guud ee heshiisyada caalamka ka dhaca. guusha ama guuldarrada waxa keena hadba kooxda wadahadalka la galaysa cidda ay is-hayaan. Garaad WiilWaal wuxuu kow ka ahaa raggii balaayada Laascaanood Soomaalilaan kaga dhacday ka soo aasaasay Jigjiga. hasayeeshee maanta hadduu nabad wado, ma xuma. qoddobka aan laga yeeleyn waa in loo wadahadlo SOOMAALILAAN iyo maamulka Khaatumo.
Haddii ay taasi dhacdo, waxa micnaheedu yahay inay Soomaalilaan aqoonsatay Khaatumo inay tahay maamul ka madax bannaan. waxa ay ogolaatay in gobolka Sool iyo Sanaag bari ay yihiin maamul-goboleed ka madax bannaan Soomaalilaan. hadhowna ay Soomaalilaan kula doodaan sowtaad heshiiska ku saxeexday Khaatumo inay tahay maamul, dee nooga kac dhulkayga Ceerigaabo aanu maamulee. Doodda odhanaysa in Cali Khaliif lagula hadli jiray magaca Khaatumo, Cali Khaliif dhul muu haysan ee magaca shandad lagu sito ayuu ku socoday, laakiin kuwa hadda joogaa dhul ayey haystaan.
Sidu qorshuhu yahay, Firdhiye guddi ayuu soo magacaabi, Soomaalilaan guddiga nabada ayey diri, si ay labada dhinac u wadahadlaan. madax dhaqameedka Habar Jeclo waxa ay doonayaan oo u daran in laamiga Laascaanood iyo Caynaba uu nabad ahaado oo uu ganacsigoodii oo noloshoodu ku tiirsanayd uu u soo noqdo, laakiin qaranimada dalka ayaa ka weyn taasi.
Like

Comment
Send