Weji gabaxa ay Garaadadii Sool kala kulmeen Muqdisho (WQ: Cali Cabdi Coomay)a

Kulankii koowaad ayey habeen hore la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh. Kulankaasi wuxuu madaxweyne Xasan si cad ugu sheegay in xalkoodu uu yaalo Soomaalilaan, nabadda iyo wadahadalkunu yahay shaygu ugu horreeya ee ay tahay inay ka shaqeeyaan. Xasan Sheekh wuxuu faray wasiirkiisa arrimaha gudaha wixii dambe inuu kala shaqeeyo. Yacihii madaxweynaha waxba uguma hadhin.

Kulankii labaad waxa ay xalay la yeesheen Raysal wasaare Xamse, isna sidii madaxweynihii ayuu u sheegay inay nabad u hayaan. Wuxuu u sheegay ciddii nabad wax ku doonaysa inay miiska la soo fadhiistaan.

Maxay filayeen? Waxa ay filayeen in Soomaalilaan looga hiiliyo oo aragtida Puntland ee ah in Soomaalilaan Sool lagula dagaalamo lala qaato. Liiska ay siteen waxa ugu weynaa in wixii caawimo caalamku bixiyo intooda la siiyo oo aan Soomaalilaan loo soo marin. Wixii oo dhami wuu soo xidhmay.

bandhige@gmail.com