Wiiqidda Wacyigelinta yaa wadda, Ma Dr. Gaboose mise Xukuumadda? (WQ: Xamse Cabdiraxmaan Khayre)

Abaabul kasta oo ka dhan ah looga-qaateenimada (Credibility) Dhakhaatiirta aqoonta u leh aafaddan Covid-19 waxay keenaysaa in dadwaynuhu ka aamin baxaan wacyi-gelintoodii iyo fariimihii ay bulshada la wadaageen taas oo keenaysa u baylahsanaan cudurka oo gaadhi karta dhimasho.

Dabcan Fariimaha ay inala wadaageen sax bay ahaayeen xataa haddii ay iyagu ku dhaqmi waayeen oo iyaduna jug kale ah . Haddaba Dhakhtarku isaga laftiisu haddii uu ku kaco wax keenaya kalsooni-darro bulsho lafteedu waa dhib waana masuuliyad darro. Haddii se ololaha wiiqidda sumcada aqoonyahanka Caafimaad ay hor-kacayaan heerarka hogaamineed ee dalka ugu sareeyaa waa nasiib-darro iyo dambi umadda laga galay .
Waxaan arkayaa olole heer Xisbi Xaakim ah oo lagu ekeeyay mid ka mid ah dhakhaatiirta kooban ee takhsuska u leh cudurada faafa oo dhowr goor dadwaynaha la wadaagay fariimo wacyi-gelineed oo wax-ku-ool ahaa.
Waxaan ka hadlayaa waa Dr. Gaboose oo qudhiisu sida uu uga jawaabay sawiradda baal-marsan wacyi-gelintiisii ay dhaliilnayd. Waxaana jirtay sidii isaga iyo maamulka cisbitaalka Hal-door ay arinka uga falceliyeen si ka haboonayd oo seegtay. Waana loo garaabi karaa marka lagu xisaabtamo dacaayadda iyo fashilinta sidaa u baaxadle ee ku dhacday iney ku keentay in ku haftaan. Wali se waxaan qabaa iney u furantay fursad ay dadka kaga raali galin karaan in aanay u dhaqmin habkii badbaadsanaanta ee loo baahnaa ee iyaga laf-ahaantoodu ku talinayeen.

Haddaba waxaa ummada dambi ka galay oo ay tahay in lagula xisaabtamo madaxwaynaha iyo taageerayiisha oo weerarka ay ku qaadeen aaminaada aqoon-yahanka caafimaadka, wacyi-gelinta iyo fariimahoodu ay sahli karto in dadku dhegaha ka furaystaan wacyi-gelinta iyo talooyinka guud ahaan dhakhaatiirta gaar ahaan kuwii Dr. Gaboose ummaddiisa ugu hiiliyay. Waxaa damiirka iyo masuuliyaddu tahay in xukuumaddu raali-gelin ka bixiso dhankeeda isla markaan joojiso nooc kasta oo dacaayad iyo wanjal ah oo hadda socda. Haddii aan taasi dhicin waxaa haboon in dadwaynuhu iyo bahda caafimaadku ka dhiidhido oo la garab istaago aqoonta iyo ehelkeedda.
Allaa Mahad leh,
Xamse Craxmaan Khayre