Sidee Xisbiyada Soomaaliland Ku Bilaabmeen? ! W/Q:(Axmed- kayse Cali Rooble)

Dastuurka Soomaaliland ee la ansixiyey 2001-dii ayaa sheegaya in loo guuro hannaanka xisbiyada badan. Si taa loo hirgaliyo, xukuumaddii wakhtigaa talada haysay ee madaxweyne Cigaal hoggaaminayey ayaa ku dhawaaqday urur siyaasadeedkii ugu horreeyey oo ahaa UDUB (Ururka Dimuqraadiga Ummadda Bahawday). Shirweynihii ururkaas waxa la qabtay bishii Julay, 2001.

Waxa ku xigay oo isna lagu dhawaaqay urur siyaasadeedkii labaad oo ahaa UCID (Ururka Cadaaladda iyo Daryeelka) oo ay hoggaaminayeen dad qurbo joog u badan. Waxa madax ka noqday Faysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo dad kale oo qurbo-joog u badan.

Intaa kaddib, waxa si toos ah u ibofurmay ku dhawaaqista ururada siyaasadda. Waxa shirweyne qabsaday ururo badan oo ay ka mid ahaayeen BIRSOL oo uu hoggaaminayey Axmed Sandoon, SAHAN oo ay hoggaaminayeen siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Muuse Biixi iyo Cali Warancadde. Sidoo kale, waxa lagu dhawaaqay HORMOOD oo ay hoggaaminayeen kooxdii UFFO, ILAYS oo ay hoggaaminayeen rag qurbo-joog ah oo ay ka ahaayeen Ibraahim Talaabo, Axmed Xaashi iyo Axmed-Keyse.

Ugu dambeyn, waxa shirweynayaashii qabsaday ururada ASAD iyo KULMIYE. Labadan urur waxa ka dhacay wakhtigii isdiwaangalinta, ha´yeeshee, gudidii diwaangalintu way ka aqbashay in ay isdiwaangaliyaan.

Ururka ASAD waxa hoggaaminayey rag ay ka mid ahaayeen Saleebaan Maxamuud Aadan, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Maxamed Kaahin Axmed iyo Ibraahim Dhagoweyne.

Markii hore ururka ASAD wuu diidanaa in ay isdiwaangaliyaan oo waxay wadeen fikir ah in shir beeleed la qabto. Sidoo kale, KULMIYE wuxu ku dhashay wakhti kooban oo ah geeridii Cigaal kaddib. Axmed-siilaanyo oo lahaa fikirka ururka KULMIYE wuxu hore u sheegay in uu siyaasadda ka nasanayo, wuxuuna tagay dalka Ingiriiska.

Ka hor intii aan la qaban doorashadii goleyaasha degaanka, ururkii ILAYS wuxu ku biiray UDUB. Bishii diisembar 2022 ayaa la qabtay doorashadii u horreysay ee goleyaasha degaanka. Waxa ku soo baxay doorashaas saddex urur oo u gudbay xisbinimo; UDUB, KULMIYE iyo UCUD.

Ka hor doorashadii madaxweynenimada, ururadii dhacay ayaa ku biiray xisbiyadii soo baxay. ASAD waxay u kala jabeen labo garab. Garab uu Saleebaan hoggaaminayey waxay galeen UDUB. Garabkii kale oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Kaahin, Ibraahim Dhagoweyne iyo Cabdiraxmaan Aw Cali waxay galeen KULMIYE. Sidoo kale, ururkii HORMOOD ayaa isna ku biiray xisbiga KULMIYE.

Dhanka kale, ururkii BIRSOL ee uu hoggaaminayey Axmed Sandoon oo noqday xubnihii golaha degaanka ee Hargeysa wuxu galay xisbiga UDUB. Sidoo kale, ururkii SAHAN wuxu u kala jabay labo garab. Garab uu ka mid ahaa Muuse Biixi waxay galeen KULMIYE, garabkii kale oo uu ka mid ahaa Cali Warancadde waxay galeen UDUB.

Waxaan ka mid ahaa dadkii goobjoogga u ahaa dhismaha ururadan siyaasadda, kana soo qaybqaatay. Waxaan ka qaybgalay dhammaan shirweynayaashii ururadan lagu dhisayey, marka laga reebo UDUB.

Wixii aan soo arkay iyo waxa hadda socda marka la eego, waxa la odhan karaa wali ma fahamsanin xisbi siyaasadeed wuxu yahay.
Xisbigu qof ma aha. Xisbigu hagbad ma aha. Xisbigu reer ma aha.