Xaaladda Kulmiye Iyo Duruufaha Siyaasaddeed ee ku Gadaaman Maxamed Kaahin Iyo Xasan Gaafaadhi (WQ: Mustafe Axmed Maxamed Geeddi)

Jawiga Siyaasaddeed ee Somaliland ay wajahayso iyo isbadalka siyaasadeed ee ku dhisan deeggaamada iyo arragtida qabaa’ilka ayaa u muuqda markan mid qaadday jiho cusub oo siyaasaddeed.
Isbadalka ka dhacay Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo isa-seega siyaasaddeed ee ku habsaday Jeegeentii Xisbiga kulmiye, ayaa u muuqda mid keeni kara dheeli wayn oo ku dhacay siyaasadda Somaaliland,  Doorashadii Gudoomiye Xirsi Xaaji Cali Xasan ee loo doortay Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga Waddani, ayaa ahayd burburkii ugu waynaa ee ku dhacay jeegaantii uu in badan kusoo ciidamiyey Xisbiga kulmiye  talada dalkan labada jeer ku hantiyey.
Inkasta oo ay siyaasaddu tahay surmo-seegto aan la saddaalin karin, haddana waxaa muuqata labbada jiho ee ay kala qaadeen labbada Xisbi ee Waddani iyo Kulmiye. waxaanad modaa in ay muuqato ifafaale rumayn kara guul wayn oo uu gaadho Xisbiga Waddani markisiii horaysay, sababo badan awgood oo ay ugu horrayso isa-seega Madaxwaynaha Somaliland MD. Muuse Biixi Cabdi iyo Degeenka Bariga Burco oo aad u kala aamin baxeen,kadib mudo badan oo tabasho iyo dagaal siyaasaddeed u dhexmarayey siyaasiyiinta ugu waawayn degeenkaasi iyo Madaxwaynaha oo ahaa mid siyaasaddeed,mid Ganacsi iyo mid Madax-dhaqameed, wuxuu sababay kala fogaanshaha deegaamadii Jeegaanta ku ahaa siyaasadda Kulmiye taas oo dhalisay in aan la is aamini karin mardanbe .
Maanta iyo Xaalada Xisbiga Kulmiye oo la daala dhacaya dhaawaca iyo dhirbaaxada kasoo gaadhay khilaafkii iyo dagaalkii Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Kulmiye dhexmaray, kaas xisbiga gaadhsiiyay meel addag, ayaa markale Xisbigu wuxu wajahayaa khilaaf ama tartan dhexmaraya masuuliyiinta xukuumada gaar ahaan  Wasiir Kaahin iyo Wasiir Gafaadhi kaas oo aannay cadayn halka u ku dhamaanayo.
Labadan oday oo midkii la cugtaa-ba aannu wax wayn ka badalayn dhaawacii gaadhay Xisbiga,marka loo eego marxalada siyaasaddeed ee lagu jiro, waxay u muuqataa in aan xisbiga haysan fursado ama jaanisyo uu ugu soo laabta kursiga dalka ugu sarreeya mar danbe ,
XAALADDAHA IYO DURUUFAHA SIYAASADEED EE KU GADAAMAN  KAAHIN IYO GAFAADHI .
Maxamed Kaahin Axmed hadii Xisbiga lagu wareejiyo waxay ka dhigantahay in Madaxwayne Biixi uu ka tanaasulay Musharaxnimadisii teermka 2aad. sababto ah Kaahin  waxay isku deeggaan hoose yihiin Gudoomiye Xisbiga Waddani  Xirsi Xaaji Cali oo loo doortay Xisbiga Waddani taas oo macanaheedu yahay, waa in aan Kaahin Musharxnimada Madaxwayne Biixi wax tageero ah uga keeni karin Bariga Burco. waxaana dhaawac siyaasadeed gaadhsiyay doorashadii loo doortay Xirsi Gudoomiyaha Waddani . Dhanka kale Hadii Wasiir Gaafadhi Xisbiga lagu wareejiyo taas macanaheedu waa in Madaxwayne Biixi uu ku jiro damac uunna yahay musharax mar labaad. taasina waa in Madaxwaynuhu aaminsanyahay in uu kala badh Beesha Bariga Burco uu gacanta ku dhigi karo hadii uu Gudoomiyenimadii Gaafaadhi siiyo, taas laftigeeduna waa xisaab khaldan iyo arragti khaldan oo Bariga Burco maanta Madxawayne Biixi ayaa sharaxan ma aqbli karayaan mar kale, bal ee waxay u badantahay in ay dagaal la galaan tageero ha joogte  ,”waxayna u dhici kartaa in ay u fakarraan ka coddeeya, Xisbigana kala hadha”
Xisaabta Siyaasaddeed ee ah in Madaxwayne Biixi uu ka tanaasulo musharxnimada iyo Gudoomiyaha Xisbiga, iyamaa u dhow in loo cimaamado Musharxnimada Kaahin iyo Gaafaadhi, waxay u badantahay arragtidayda shaqsiga ahaan  in Maxamed Kaahin loo cimamadayo Musharaxnimada dhawr qodob dartood,
1- in uu Madaxwaynuhu fiirsho saxiibtinimada kala dhaxaysa isaga iyo Kaahin ama la fiirsho is fahamka iyo xidhiidhka dhinac walba leh ee u dhexeeya Beesha Madaxwayne Biixi iyo Maxamed Kaahin shaqsi ahaantiisa ee deggaankaas xidhiidh wanaagsan la leh, taas oo ay u badantahay in kaahin hadii u musharax noqdo in u helayo  90%  taggeerada Beesha Madaxwaynaha Biixi  lkn gaafaadhi way adagtay in uu tageero ka helo Beesha Madaxwaynaha, Burburkii ku yimi jeegeenta ayaana sabab u ah,  mana jiro xidhiidh ka dhaxeeya Gaafaadhi iyo Deeggaanka Madaxwayne Biixi, midaas waxay jaanis u tahay Maxamed Kaahin, balse waxa iyana adag in Beesha Bariga Burco ay si midaysan u dhisto Kaahin oo ay u arkaan in uu mudo badan kaga gudbanaa dagaalkii siyaaasadeed ee kala dhexeeyay Madaxwayne Biixi. sido kale waxa Mharaxnimada Kaahin dhawacaya siyaasiyiinta Beeshiisa ee mucaaridka ah, markale waxa saamayn ku yeelanaya dareenka guud ee bulshada Somaaliland oo ay adgatahay in ay doortaan mar kale hoggaan leh tariikh “Askarinimo” aadna u doonaya isbadal siyaasadded.
Aad ayay u adagtahay in Kulmiye mar 3-aad ku guulaysto talada dalka, marka si guud loo qiimeeyo dareenka iyo moraalka dadwayanaha Somaliland oo aaminsan in aan xukumada Madaxwayne Biixi aanay wax badan dalka ka qaban oo ay dadka la hortimaado. waxayna u muuqata in kulmiye u muuqdo Xisbi wakhtigisii lasoo dhaafay,
Dhawaca ugu wayn ee Xisbiga gaadhay wax sabab u ahayd in Madaxwayne Biixi 4-sano kusii adkaystay haysashada Gudoomiyaha Xisbiga iyo khilaafka siyaasadeed ee kala qariyey deegaamadii laf-dhabrta u ahaa Xisbiga kulmiye.
Falanqayntaydii Caawa intaas ayaan ku dhaafayaa
Facebook . Mustafe ahmed Geedi
Whatsap. 0659555532
W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi
Burco -Togdheer