Xabsiga Mandheera waa Xabsi Noocee ah? (WQ: Cismaan Abokor Dubbe)

Xabsiga Mandheera

Waxa saaka loo gudbiyey Xabsiga weyn ee Mandheera laba siyaasi oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, Xoghaye Guud Khadar Xuseen iyo Afhayeen Barkhad Batuun. Nidaamka garsoorku wuxu ka bilaabmaa saldhigga police-ka, jaranjarooyin badan kaddib wuxu ku dhammaadaa Xabsiga weyn. Quruxda dowladnimada iyo sarraynta sharciga ayay kamid tahay in nidaamkaas laโ€™ maro. Sababta oo ah qofna ma oga in beritoole uu noqon karo qofka u baahan sharciga iyo cadaaladda. Laakiin arrintani waxay u eg tahay in hayโ€™adaha nabad-gelyadu ka dul boodeen jaranjarooyinkaas oo dhan oo ay ku jiraan kuwii ugu muhiimsanaa, sida Dembi-Baadhista, Xeer-Ilaalinta, Judiciary gii (Maxkamadihii) iyo xaqii is difaacidda ee muwaadinka.

Masuuliyiinta Waddani ee la xidhay

Dhawr jeer ayay tan oo kale ka dhacday Somaliland, sida xiligii Cigaal oo mar Guddoomiyaha haatan ee Guurtida Saleebaan Gaal inta Airport-ka laga qabtay toos loogu gudbiyey Mandheera. Xiligii Riyaalena waxa sidaas oo kale loogu dhaadhiciyey Mandheera siyaasiyiin samaystay Xisbi aan distoori ahayn oo ay kamid ahaayeen Dr Gaboose, Eng Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid. Sidoo kalena waxa 2006dii habeen madow loo qaaday Jeeka Mandheera isaga oo aan xukunayn Suldaan Cismaan Suldaan Cali-Madar. Dhammaantood markii dambe waxay madax ka noqdeen xafiisyadii xidhay, waxaanay madax u noqdeen saraakiishii xidhay.

Xabsiga Mandheera waa Xabsi Noocee ah?

Jeelka Mandheera waxa iigu horreysay oo aan booqasho shaqo ku tegey dhammaadkii 2012 kii. Waa Xabsi u dhisan qaabka loo yaqaan; Maximum Security Prison, oo ah Xabsi ka ugu Adag. Waxa la dhisay dagaalkii Labaad kaddib, waxaana dhisay isticmaarkii Ingiriiska. Wuxu ku dhex yaalla Buuraleyda Golis, ee Gobolka Saaxil, wuxuuna caan ku yahay soo jireen-nimadiisa iyo taariikhdiisa guunka ah.

Waxa la sheegaa in uu yahay xabsigii Ingiriisku ku xidhay Halgamaagii Faarax Oomaar, inkasta oo markii dambe loo wareejiyey Jasiiradda Sacaadadiin. Sidoo kalena waxa la sheegaa in uu yahay Xabsigii uu ku jiri jirey Halgamaagii Reer Sanaag ee Xaaji Adan Afqalooc ee uu ka tiriyey Jiiftadii caan-baxday ee Gobanimada Hawlyari; Ruuxna kuma helaayoo; ee ku saabsanayd nolosha xabsiyada.

Xabsigan Mandheera wuxu hoy u ahaan jirey rag horyaal ka noqday siyaasadda Soomaalida. Waxa muddo 6 sano ah ku xidhnaa General Maxamed Faarax Caydiid oo 1995kii noqday Madaxweynihii Dowladdii Sal-Ballaar ee Soomaaliya iyo Col. Abdillahi Yusuf oo 2004tii noqday Madaxweynihii Dowladdii TFG. Sidoo kale waxa soo maray ruug-caddaayo Siyaasadeed oo ay kamid ahaayeen Cumar Hadraawi, Xirsi Magan, Mayorkii hore ee Hargeisa ee Mayor Cawl, iyo rag badan oo magac iyo maal ba lahaa. Waxaana muddo dheer madax ka ahaan jirey Col. Xasan Cabdi Khayre oo sanadkii hore ku geeryooday Burco, kana tirsanaa saraakiishii sare ee Asluubta.

Labadan siyaasi ee maanta la geeyey Xabsigaas caanka ah Khadar Xuseen iyo Barkhad Batuun oo ah masuuliyiin aan ku aqaanno aqoon iyo akhlaaq wanaagsan, waxan Xukuumadda ku biirin lahaa in ay xoriyaddooda u soo celiso sida ugu dhow. Iyagana waxan u rajaynayaa samir iyo caafimaad.

Waxa kale oo muhiim ah in aan xuso in qof raโ€™yi loo xidho ay kamid tahay dhaqamada duugga ah ee ay dunidu ka kortay.

Ilaahay ha u naxariisto Xaaji Cabdi Waraabe oo la hadlayey Axmed Siilaayo ayaa maalin ku yidhi; Madaxweyne dadku gacan kuula iman maayaan ee hadalka ay suuqa ka leeyihiin ha doon doonan.