Xadhiga Coldoon caddaalad mise cadaawad! Qormada 1aad (WQ: Maxamed Siddiiq Dhamme)

Abdilmalik Musa Coldoon oo ah weriye reer Somaliland ah waxaan isku barannay horraantii bishii May 2017 Xabsiga dhexe ee magaalada Hargaysa, mar aanu ku xidhnayay 60 maalmood aniga iyo Yoonis Axmed Yoonis, intaa kahor waxaanu ahayn dad is-weji yaqaan oo aan si gaar ah saaxiib u ahayn. Waagaas wuxuu u xidhnaa dood jaban oo ahayd waxaad sawirro la gashay Madaxweynaha dawaladda Soomaaliya Farmaajo, waxaana lagu xukumay xadhig laba sanno ah inkastoo aanu dhammaysan ee uu kasoo baxay 100 maalmood kolkii uu xidhnaa Xabsiga.

Coldoon wuxuu ka mid yahay dadka dhifta ah ee ay ku weyn tahay hankooda ummadnimada iyo in baylaha bulshada la qabyo tiro, intaan bartayna wuxuu ka shaqaynaayay dan bulsho, dad caawin, soo jeedinta dareenka ummadda, samafal. Waa weriye aan doorbidin in uu kamaradda ku shaqaysto, taase beddelkeeda wuxuu jecelyahay inuu ka warramo arrimaha bulshada noloshooda saamaynaaya. Waana kaalinta maanta maqan ee ay tahay in ah daboolaan weriyayaasha jooga oo ummad la baraarujiyo.

Tacabkiisii, dedaalkiisi iyo naf-hurkuu sameeyay waa qaar sida cadceedda u cad, wuxuu badbaadiyay nolosha dad nool oo la dayacay, dadka dhimirka ka xanuunsanaya oo aan helin daryeel iyo nolol bani’aadannimo oo kaalmo u sameeyey bulshadana usoo bamdhigay kaddibna loo sameeyay gurmad badbaadshay, xayawaan geeri iyo nolol dhex jooga oo uu badbaadshay, intaas iyo inbadan oo aan la qori-karinba waa dhigaal iyo dhaxal if iyo aakhira u yaal. Wanaag iyo samaha falkiisa waa nin u diran oo aan ka daalin, ummadda Soomaaliyeedna sidaaasay u taqaan oo ugu jirta kaydka taariikhda.

Coldoon waa nin qalbi wanaagsan oo ummaddu u siman tahay, waxyaabaha aanan ku baran ee uu barida ka yahay waxa ka mid ah: dad kala-jeclaysiga, qabyaaladda iyo naxliga dad badani la bukaan ee inna aafeeyay, waa samadoon jecel wanaagga, walaalnimada iyo in dadku is jeclaado. Muddo 2017 waqti badan isumaanu helin maadaama aannaan isku qayb ahayn isna uu ku jiray baloog C, anniguna aan ku jiray baloog A, waxayse isku qol degenaayeen Yoonis Axmed Yoonis oo aan soo booqan jiray.

Waxaanu mar labaad 1 May 2019 aanu ku kulannay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa Coldoon oo laga soo qafaashay Magaalada Burco, wuxuu ku xidhnaa qol gaar ah, kolkii laysii gelinaayay qol qiyaas ahaan u jira 10 tallaabo ayuu maqlay maxaabiis i magac dhabaysa intuu kor u kacay ayuu iga bariidiyay shebegga qolka uu ku jiray. Inkastoo aanan la gaadhin bariido, intaanan salaantii dhamaynba waxa i tukhaantukhiyay askartii horena iigu riixay qolkii mugdiga ahaa, wuxuu ahaa maqsin aan daaqad lahayn, dhexdiisana uu ku yaal suuli saxaro ka buuxdo, qashinka tuulanna aad mooddo guddaafad, iftiin waxa u ahaa faamalaydh taako leeg.

Farxad iyo naruuro ayay maalintaa Coldoon u ahayd, maadaama uu dhib badan ku qabay saldhigga. Isbedellada dibadda ka jira ayaa saameeyay saldhigga, waxa jiray qol kasoo horjeeda ka Coldoon oo ay ku jiraan dhallinyaro is beel urursatay Coldoonna ku hayay cadaawad aanan jeclaysan. Waxaan si maangal ah ula teliyay dhallinyaradii una sheegay in ay tol yihiin hadba intii isku dan iyo duruuf ah, maxaabiis ahaanna aanu iska xigno ragga debedda ku loollamaya. Qabyaaladu kamay jiri-jirin xabsiyada dadku waxay ahaannjireen walalo, maantase kolkanalbaabka lagaaso hesha ayaa laguu abtirinayaa.

Warka waxa noo kala qaadi jiray iyo xaaladda aanu ku kala suganahay nin dhallinyaro oo fariid ahaa, Jibriil yare isna maxbuus buu nala ahaa, waxaan fari jiray farriimahaa waxaanu igusoo celin jiray jawaabta Coldoon. Fursad maan helin laygaga furo qolka madaama aan la oggolayn in aan arko nuurka qorraxada iyo dadka aan la xidhnahay, dad isoo booqda ehel iyo asxaabna ha sheegin. Lama oggolayn in ay nala sheekaystaan midkaayana maxaabiista nala xidhan, galab kasta kolka tirada maxaabiista la wadao waxa la weydiin jiray in cidi na salaantay maxaabiista.

Coldoon wuxuu ahaa nin quraan akhris badan Allena ku xidhan, waxaan maqli jiray markasta isagoo kor ugu akhrinaaya quraanka luuq wanaagsan oo dhegtu jeclaysanayso. Waxaan heshiisiiyay dhallinyaradi qalad fahansanaa ee moodayay in uu duminaayo daar ay leeyihiin. Waxaanay garwaaqsadeen inuu u halgamaayo nolol inna wada saamaynaysa bulsho ahaan ujeedka loo soo xidhayna mid siyaasadaysan yahay oo aan sharci lagu soo qaban ee uu dulamanyahay oo uu yahay dhibbane qarankiisu hagraday.

Subixii afraad oo ahayd Sabti ayaa naloo soo qaaday Maxakamadda si xadhiggayga loo xalaashado, Coldoonna loo soo qaato muddo kordhin xabsi sii hayn ah. Waxa nalagu wada xidhay katiinadda dhudhunka midig iyo ka bidix. Subaxaa waxa nalagu qaaday gaadhi qufulan oo ah kuwa argagaxisada loogu talo galay, maxakamada horteedana waxa dhoobnaa ciidan xooggan oo aad mooddo in ay ilaalinayaan cadaw shisheeye. Waxa joogay iyaguna hoggaanka iyo madaxda Xisbiga oo uu hoggaaminaayay Guddoomiye Xisgiga WADDANI.

Guddoomiyihii maxakamadda gobolka oo nala horgeeyay ayaanu uga warrannay tacaddiga, axmaqnimada iyo cabudhinta taal saldhigga dhexe, maadaama aan ehelkayo iyo asxaab toona naloo oggolayn, qolalka aanu ku jirro ee gaarka ah nadaafaddooda iyo noloshooda. Guddoomiye Cirro iyo hoggaamiye Xirsi ayaa ka codsaday in naloo beddelo Xabsiga dhexe oo ka wanaagsan saldhiga sidaas ayaanu ku tagnay Xabsiga. Waxa nala geeyay baloog A anniga iyo Coldoon waxaana nala dejiyay qolalka koowaad iyo afraad oo sintana isku haya.

La soco ………….