Xadhigii halgamayaasha “UFO”, doorkii Eng Faysal iyo cadaymo sugan. Q4aad (WQ: Drs. Hoodo Yuusuf)

Qormadii 2aad iyo 3aad waxaan ku iftiimiyay qaabkii iyo ujeedooyinkii uu Jeneral Gaani jeelka Xamar uga soo saaray Eng. Faysal Cali Waraabe oo u xidhna wax-iswaydaarin iyo Xatooyo.  Eng Faysal wuxuu yimid Hargeysa Julaay, 1981-kii waxaanu markiiba ku dhaqaaqay in uu ka shaqeeyo habkii uu isagu xidhi lahaa UFO, Jeneral Gaani iyo Daahir Ciid oo ahaa Taliyihii ciidamadii hangashta. Waxaan halkan ku iftiimin doonnaa ujeedooyinkii UFO iyo xubnihii hormoodka ka ahaa. Qormada 5aad waxaan kaga sheekayn doona shirkii ugu horeeyay ee Eng Faysal   Cali Waraabe ku wanjalay  halgamayaashi UF0, Ogost, 1981-kii. Kulankaas oo ka dhacay guri ku yaallay “Xaafada Shidka” ee ku qabsan Dugsiga Sheekh Bashiir, Hargeya.

B). Ujeedooyinka UFO

UFO Waxa ku bahoobay aqoonyahano, ganacsato iyo dhallinyaro isku hadafa, yoolkooduna wuxuu ahaa horumarinta iyo kaabida baahiyaha asaasiga ee Hargeysa.  Ururka UFO muu lahay xafiis, xeer-hoosaad, maamul iyo ujeedooyin qoran. Dadka qaarkii waxay u yaqaaneen RUDM “Ragga U Dhashay Magaalada” Waxay ahaayeen samo-falayaal waqtigooda iyo maalkooda u huray horumarinta dalkooda.

Waxay taageero ka heli jireen ganacsatada  iyo hay’ad  Jarmal oo la odhan jiray  – Germany Emergency Doctors”GED”. Waxaa hoggaanka hay’adaas Dr. R. Nuedeck uu ogolaadey in uu qalabeeyo Hargeysa Group Hospital oo uu keeno   sariiro, injiin, dhakhtarka carruurta (Pediatrician), dhakhtarka ilkaha (Dentist), dhakhtarka suuxdinta (Anesthesiologist).

Xubnaha UFO waxay gacmahooda  ku nadiifiyeen kuna xaadheen cisbitaalka guud,iyo cisbitaalka  TB ee Hargeya. Taliskii Siyaad Barre waxuu u arkay  xad-gudub iyo shaqadii dawladda oo faro-gelin lagu sameeyay. Waxay ay u fasirteen kicin dadwayne iyo abuuritaan xasilooni darro. Sidaa awgeed, waxay go’aan ku gaadheen in ay ka hortagaan oo damiyaan dabka qiiqaaya, waxaanay u adeegsadeen Eng Faysal Cali Waraabe iyo rag kale.

C). Hormoodka UFO

Xubnaha UFO way badnaayeen oo halkan laguma soo wada koobi karo. Qormooyinka dambe ayaan ku sheegi doona magacyada iyo xukunkii ku dhacay  28 kii eedaysane ee la hor-keenay Maxkamdda Badbaadada Qaranka  ee Hargeysa  28-kii Febarwari 1982-kii. Balse, waxaan hoos ku soo qaadanyaa 3 xubnood  oo kala ah: Prof. Axmed Jabane oo ah xubintii ugu horeesay ee la xidhay 2nd Noofambar, 1981-kii, Eng  Maxamed Baaruud oo ahaa xubintii labaad ee la xidhay 4kii Noofambar 1981-kii iyo  Aqoonyahan Axmed Xuseen Caabi oo uu gurigiisa uu ka dhacay shirkii OgOst 1981-kii. Shirkaas waxa soo qabanqaabiay Eng Faysal Cali Waraabe, hadafkiisuna wuxuu ahaa  in uu wadashaqayn  ka dhex-abuuro UFO iyo Taliska Siyaad Barre.

1). Mujaahid Axmed Dhabacuul “Jabane” 1951-kii waxa uu ku dhashay magaalada Beerato ee Gobolka Daadmadheed. Wuxuu ka qalinjebiyay Jamaacaddiii Lafoole sannadkii 1976-kii, waxaanu bare sare ka noqday 1st July Secondary School Hargeysa, markii dambena ka noqday Maamule-ku-xigeen. Waxaa aad loogu kulmi jiray guriga Axmed Jabane oo ku yaaley guryaha Hindiya-laynka. Furaha waa la haystay, hadduu joogo iyo hadduu maqan yahayba wuxuu ahaa guri u furan dhalinyarada magaalada ee halgankaa ku jiray. Axmed Jabane wuxuu wax ka qori jiray, qaybin jiray, soona saari jiray “Jaraa’idka UFO. Waxa caawin jirtay xaaskiisa Caasha Xuseen Qawdhan oo ka shaqayn jirtay Hay’adda FAO.

2).Mujaahid Maxamed Baaruud Caliwaxa uu ku hoos dhashay geed lagu magacaabo oo ku yaalla magaalada Awaare, Itoobiya sannadkii 1950-kii.Wuxuu ka baxay Dugsiga Sarre ee Sheekh bishii Juun sannadkii 1970-kii, tacliinta sarena wuxuu ku soo qaatay London University, 1977-kii, B.SC

Geology and Chemistry. Wuxuu madax ka noqday Warshadii Pepsi Cola, Hargeysa. Wuxuu wax ka qori jiray, qaybin jiray soona saari jiray “Jaraa’idka UFO”, waxaana caawin jirtay Xaaskiisa  Ismahaan Aadan Qormeeye.

3.) Mujaahid Axmed Xuseen Caabi, 1949-kii ayaa waxa uu ku dhashay Hargeysa. Sidoo kale isaguna waxa uu ka baxay Dugsiga Sare ee Sheekh bishii Juun sannadkii 1969-kii. Waxaanu shaqo ka bilaabay Grindlays Bank Hargeysa, markii danbena waxa loo bedelay Somali Commercial Bank, Muqisho. Axmed Xuseen wuxuu ka mid ahaa xubnihii ugu fir-fircoonaa ee ka qayb qaatay halganka UFO. Wuxuu kasoo jeedaa qoyska Reer Abtiga u ah, Eng Faysal Cali Waraabe. Waxa gurigiisa oo ku yaalay xaafadda Shidkha ee Hargeysa lagu qabtay shirkii ugu horeeyay uu soo qaban-qaabiyay Eng Faysal Cali Waraabe bishii Ogost, 1981-kii oo ku beegnayd Ramadaan.  Xubnaha ka soo qayb galay shirkaas waxa ka mid aha Eng Maxamed Baaruud, Axmed Xuseen Caabi, Faysal Cali Waraabe, Axmed Jabane iyo qaar kale.’It was the first mission of Faysal”

 

Drs Hoodo Yusuf, London, UK.

yhoodo@yahoo.com