Xafladdii Madaxtooyada 26 Juun iyo Weriyihii (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Sannadkii 2009-kii xafladdii madaxtooyadda habeenkii calansaaka, sida caadiga waxa la qabtaa xaflad weyn oo marti kala duwani ka soo qaybgasho. Iyada oo saacadu ku sii dhawdahay 12 habeennimo ee calanka la saarayo, ayuu gaajo dareemay mid ka mid ah suxufiyiintii xafladda u tebinaysay warbaahinta dawladda.

Waxaana shidnayd heesta ah ” caawana cawo aan qabaan la caweynayaa.” Suxufigii gaajada dareemayey ayaa isna yidhi ” caawana cashado go’daan ka cabsoonayaa.”

Waxa Qoray: Cali Cabdi Coomay