Sidee dhacdooyinku inoogu kala horeeyaan? todobaadkan saddex dhacdo ayaa la qaadaa dhigayaa: buulkii khayriyada ka taagnaa ee cagafta la geliyay, laba garoon oo hanti guud ah oo dowladu si hoose uga gadayso qowlaysato inagu dhex nool; iyo natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare.
๐จ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐: Waxay tusaale u tahay maamul xumo, aragti daro iyo tookh. Waxaase kasoo uraya musuq maasuq iyo hanti dowladeed oo sifo sharci daro ah lagu leexsaday. Si, tuhunkaas bulshadu qabto meesha looga saaro, waxay ahayd, haddii dowladi jirto, in hanti-dhowrku si daah fur u baadho, wixii qalad ah ee uu helo xeer ilaalinta u gudbiyo, kadib kuwa danbigaasi ku cadaado, maxkamad lagu soo taago. Imikaba ashkhaas bulshadu garanayso ayay dimadoodu dhaawacan tahay oo maxkamada Public Opinionku xukuntay, waxaase fiicnaa in maxkamad sharci ay xukunto ama bari yeesho. Laakiin u fiirso, anigu waan afeeftay oo waxaan idhi haddii dowladi jrito.
๐จ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐: Waa musiibo aad u wayn, waayo degmada arintani khusaysaa waa degmo ka aradan adeega bulsho ee dowladi bixiso oo dhan. Waa degmo hafran, hafarkaasna ogol. Bulshada waxa la gudboon inay in abaabusho, gudi madax banaan oo daacadnimo laga rajaynayo ay doorato, kuwaas oo lasoo warbixiya boobka loo maleegayo boqcada yar ee kasii hadhay wixii la wada lahaa.
๐จ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐: inta aan ogahay cid si cilmiyaysan u gorfaysay oo guul daradu inta ay leeg tahay ina tustay waxa jira Xasan Daahir – Weedhsame. Wuu ku mahadsan yahay feejignaantiisa iyo baraarujinteena. Wax barashadu waa halbeega horumarka dalka. Marka wax barashadu dunto, dhamaan qaybaha kale oo noloshuna way dumaan- bulsho wax barashadeedu liidato oo talaabo hore u qaadayna lama sheegin. Dowlad xilkas ah oo nafteeda ixtiraamaysa, bulshadeedana la xisaabtan ka ogol, haddii natiijada Soomaaliland usoo baxday usoo bixi lahayd way is casili lahayd, oo doorasho degdeg ah ayaa la qaban lahaa. ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข ๐ธ๐ข๐น๐ข๐ข๐ฏ ๐ฌ๐ถ ๐ช๐ฅ๐ฉ๐ช ๐ฅ๐ฐ๐ธ๐ญ๐ข๐ฅ ๐น๐ช๐ญ๐ฌ๐ข๐ด ๐ข๐ฉ ๐ฐ๐ฐ ๐ฏ๐ข๐ง๐ต๐ฆ๐ฆ๐ฅ๐ข ๐ช๐น๐ต๐ช๐ณ๐ข๐ข๐ฎ๐ข๐บ๐ด๐ข!!
Isu geynta sadexdaa arimood iyo boqollaalka kale ee sida joogtada ah aynu uga qaylilaynaa, inoogu filan daliil in nimaadka wadanka ka taliyaa ku fashilmay wixii loo igmaday- beyond a reasonable doubt. Inagoo difaacayna qadhiidhka kasii hadhay dowladnimadii, xalku waa in isbedel degdeg ah oo nidaamkan gunta ka rujiya la helo- taasna laga wada qayb qaato.
Qore: Dr-Abdikarimย D Hassan
Bandhige@gmail.com