Xamar ayaa carqaladaynaysa saldhiga (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Kuwii xukuumadu way qaylinayaan iyaga oo leh xamar ayaa carqaladaynaysa ciidamada ina qabsanaaya.

Waa wax lalayaabo, waxay ila tahay illaa kuwa ay leeyihiin baarlamaanka xamar mooshin ayay soo wadaan ka soo horjeeda saldhiga, iyo kuwa halkan ka qaylinayaa inay isku hadaf yihiin. Hadafkuna  waxa weeyi si shacabka Somaliland u taageero ciidamadan ajaanibka ah. looguna  sawiro dadka ka soo horjeeda saldhigani inay yihiin qaar xamar la socda oo taageersan xamar. Hadafku waa intaa uun.

Waayo dadku marka xamar la soo qaadaba sas ayay ka qaadaan, markaa barnaamij wal oo la doonayo in la fuliyo waa in dadka loogu soo bandhigo xamar ayaa ka soo horjeeda, kuwan diidana xamar ayay la  soocdaan.  Dadkii shacabka ahaa waxay noqdeen uun dad xamar lagu khuukhiyo, tolow shacabku goorma ayay shugux shuguxdan ka ilbixi.

Waxaan xusuutaa barigii dadku ku mashquulsanaayeen ictiraafka ayaa marwalba oo rabshad yara dhacdaba ay siyaasiyiintu odhan jireen, hadii aydaan rabshadaasi shichibyaw samayn waa layna ictiraafi lahaa, miiska ayuu saarnaa ictiraafkii. Markaas ayaa dadka lagu shaanbadayn jiray  dib u dhacaa ictiraafka ku yimid, shugux shuguxdii ictiraafka way ka  ilbaxeen.

Imikan barnaamijwal oo la fulinaayo oo qaldan xamar ayaa lagu shaanbadaynayaa si loo hirgalayo dadkana looga dhaadhiciyo.

Ma waxaad moodaysaa kuwan macaarad isku sheegayaa qudhadkoodu inay dhaaman kuwan ina iibiyay, waxba ma dhaamaan, ee fursad uun bay waayeen, mucaarid iyo muxaafad waa dur iyo daabac uun.  Waa filim caalamak lagu maamulo markaad durka diido daabicii uun baa laguu soo dhigayaa, waa isla ganbadii uun, ha ku dawakhin, dantaada aduunyo iyo taada aakhiro raaco inta illaahay faraj kuu furaayo, iska sabra sabir taagwaa.

Tolow shuguxshuguxada xamarna goorma ayay ka ilbixi,  waa goor xeedho iyo fandhaal kala dhacay. Markay taasi dhammaanta shugux shugux kale uun baa loo samayn, illayn adhi waligii shuguxshugux kama ilbaxo, siyaasina shuguxshugux uu u ruxo mawaayo.

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Tolow Soomaalidii looma ooyaanka ahaa yaa ku dilay bada Yemen

Ribo Ribo Rib

Tolow muxuu Kulmiye u riixayaa in doorashadu waqtigeeda qabsoonto?

Waxaynu galnay xaalad kala guur, tolow siday noqon

Dhidar onkod kiciyay

Dhallinyartaay xaaladdu way adag tahaye faashashka badsada

Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana

Dadkeenu ma istaahilaan in wadooyinka loo sameeyo

Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan

Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay

Golaha wakiiladu yay matalaan

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

 

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com