Xaqa maqan oo isqancin iyo isku tanaasul lagu raadiyaa waa astaanta bulshada ilbaxa ah (WQ: Mowlid Omer Kibar)

Abtiyaal dhammaanteen way inna soo daashatay colaada sokeeye iyo laba dhalasho wadaaga oo isku qudh-baxa. Waxan in badan u soo joognay midhaha laga dhaxlo sokeeye colaadi dhexmartay iyo wixii laga dhaxlay. Dhaaxaan u soo joognay gacal iyo sokeeye kala irdhoobay, waxbadan baan u soo joognay colaad sokeeye oo maxsuulkeedu noqday, in guul iyo guuldaraba laabadaba guryaheena laga ooyo.

Markaa waxan Abtiyaal waxan si naxariis leh u codsanayaa, in tabashada lagu raadiyo, hab nabadgalyo ah, idinka oo aan xaqiina ka tanaasayn.

Maanta uma baahnin dhiiga dhallinteena oo mar danbe daata. Markaa Abti innaga oo aan lafta jabinaynayn waxaan xaq u leenahayna aan ka tageyn aan xaqa maqan baadi-doono.

Aqoonyahanka, cuqaasha, dhallinyarada iyo dhammaan inta caqliga u saaxiibka ah ee jecel samaha iyo wada noolaanshaha shacabka reer somaliland-na waxan ka codsanayaa, aan ka wada shaqayno sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa guud ahaan bulshada Somaliland. Isla markaana, afkeena iyo adinkeenaba ka dhowrno hadalada dabka ku sii shidi kara cabashada jirta.

Dawladana midh baan odhan lahaa; si kal furan iyo dulqaad masuuliyadi ku dheehan tahay, ha loo dhegaysto tabashada ay qabaan reer Awdal iyo guud ahaan meelaha kale ee ay ka jirto tabashadu.

Is qancin iyo isku tanaasulku, waa midh dhaqan inoo ahaan jirtay oo aan ku soo caano-maalay, waana jidkii ay in badan oo innaga hoosaysa maantu ku soo yagleeleen qaranka Somaliland.

Gunnaanadkaygu wuxu yahay, illaahay baan ka magan galnay dhib iyo tafaraaruq ku yimaada bulshada walaalaha ah ee guud ahaan gayiga Somaliland.