Xaqiiqda qarsoon ee caqabadaha Madowga iyo Cadaanku aqbaleen (WQ: Guuleed Cali Jabane)

Arrinta baryahan danbe baraha bulshada gaar ahaan facebook-ga aadka loogu hadal hayay ee caqabadaha Madowga iyo Cadaanku aqbaleen “Black & White challeng accepted’’ oo aan u haystay in ay ka bilaabantay gayiga Soomaalida, laakiin baadhis aan sameeyay markii danbe aan ku ogaaday in ay tahay arrin caalimi ah oo wareer ku riday maskaxaha dadyow badan oo dunida ku nool.

Haddaba arrintan oo soo bilaabantay bishii Ogos ayaa se dhulka Soomaalida soo gaadhay maalmihii u dambeeyay ee bisha September ayaa waxa bilaabay koox dhowr qof ka kooban iyaga oo sawiradooda ka dhigaya cadaan iyo madaw (Bilaa kalar) soona dhigaya barahooda ay facebook-ga ku leeyihiin kuna carinaya asxaabtooda in ay ka soo fal celiyaan arrintan iyaga oo iyaguna soo dhigaya sawiro kuwan la mid ah oo bilaa kalar ah, taas oo ay sheegeen in ay uga dan leeyihiin in ay la dagaalamayaan ama bulshada ka wacyi galinayaan guud ahaan xanuunka kansarka, gaar ahaan ka naasaha dumarka ku dhaca.

Iyada oo la arkayay dad badan oo soo dhigayay sawiro kali kali bilaa kalar ah ayaa haddana mararka qaar muuqanayay ashkhaas iyaga iyo aydoodu la soo galaya sawirada layskaga qaado kamarada hore ee mobileka (Selfie) oo bilaa kalar ah si ay uga fal celiyaan ama ula wadaagaan asxaabtooda.

Inkastoo kooxdii arrintan ka danbaysay sawirada ay soo galayeen ku lifaaqayay fariin kooban oo ahayd:

“Aynu soo dhigno facebookyadeena sawiro cadaam iyo madaw ah (bilaa kalar) si aynu u muujino dagaalka aynu kula jirno xanuunka kansarka (cancer).”

Laakiin fariintaa oo markii danbe dabar go’day iyadoo la arkayay sawiro kaliya oo bilaa kalar ah oo ay ku qoran yihiin ‘’Black and White Challenge accepted’’.

Arrintan oo ay aad u falanqeeyeen qaar ka mid ah jariiradaha ugu caansan Ingiriiska sida Mirror iyo Metro ayaa sheegaya in dad badani ku andacoonayaan in ay arrintani khusayso la dagaalanka kansarka, halka ay dadka qaarkii sheegayaan in aanay cadayn ujeedada ka danbaysay arrintani.

Mashruucan oo mar dambe soo gaadhay dhulka Soomaalida ayaa la arkayay dad badan oo Soomaali ah oo si dag-dag ah u aqbalay kana fal celiyay dhacdadan iyagoon war ka hayn ujeedada rasmiga ah ee ay salka ku hayso arrintani.

FG: In uu kugu dhaco xanuunka aqbalaada dag-daga ah waxa dhaama adiga oo uu ku hayo xanuunka ka fiirsashada waxkasta oo aanu garanaynin.

 

Guuleed Cali Jabane

B.A In Political Science & International Relations

Gulledjabane@gmail.com

00252 63 4464939/ 65 9942015