Xaqiiqooyin Aan La Dafiri Karin Oo Ku Saabsan Nolosha!! W/Q: C/raxmaan Hayaan

  1. Noloshaada adigaa maamulkeeda oo dhan iska leh dhinac kasta oo aad u jeediso. Isku day inaad meel fiican naftaada dhigto.
  2. Dadku waxa ay ixtiraamaan lacagta, qofka ma ixtiraamaan
  3. Ma jiro qof ay muhiim tahay guushaada ama guuldarradaadu, aan adiga ahayn, mana jiro qof guushaada kugu siinaya shaanbad aqoonsi ama kuugu imanaya inuu kuu hambalyeeyo.
  4. Adduunka qofna ma helo waxa uu u qalmo ama ma gaadho meesha uu u qalmo
  5. Cuntada u cun sida daawada, haddii kale daawada ayaad u cuni doontaa sida cuntada.
  6. Marka aad dhalato waa lagu jecel yahay, marka aad dhimatana waa lagu jeclaan doonaa, balse inta u dhaxaysa adigu is maaree.
  7. Waxa jira faraq weyn oo u dhexeeya inaad banii aadan tahay iyo banii aadannimada. Inyar uun baana dadka fahmi karta
  8. Haddii aad doonayso inaad dheerayso kaligaa soco, balse haddii aad doonayso inaad in badan socoto dad la soco, waxa looga jeedaa marwalba ujeeddadaada iyo halka aad u socotaa waa inay kuu cadyihiin.
  9. Inaad qof ciil iyo cadho maskaxda ugu haysaa, waxay la macno tahay inaad qof u oggolaatay inuu bilaa kiro ku dhex noolaado maskaxdaada.
  10. Marka uu qofku ku jecel yahay, xataa sida uu magacaaga ugu dhawaaqo ayaa ka duwan dadka kale. magacaaga ayaa afkiisa si nabad ah oo qurux badan uga soo baxaya.
  11. Dhagahaagu waligaa mushkilad kuuma soo jiidaan, illaa carrabkaagu bad ku galiyo, sidaa daraadded dhagayste fiica iska noqo.
  12. Waalidkaa u mahadnaq, ma ogid mana ogaan kartid wixii ay dhib u soo mareen adiga awgaa
  13. Ma jiro qof waligaa ku barbar taagnaanayaa aan waalidkaa ahayn.
  14. Dadku afkaarta wanaagsan waxa ay ka jecel yihiin muuqaalka wanaagsan
  15. Qofka aad ugu jeceshahay ayaa dhaawaca ugu weyn kuu gaysta
  16. Guushu waxa ay ku bartaa adduunayda, guuldarradana adduunyadaa ku barata.
  17. Haddii aad qof wanaagan tahay, dadku waa ay ku isticmaalayaan halkii ay kaa jeclaan lahaayeen.
  18. Waxa laga yaabaa inaanad abaal-gu k uhelin wanaagga aad samayso balse waxa la hubaa in aad ciqaab ku mudato hal qalad oo aad samayso
  19. Waxa jira dad badan oo xukun iskaga kaa rida, balse inyar baa ku taqaanna, dad dhif ahina waa ay ku fahmayaan.
  20. Dadku wakhtiga islama badalaan, balse waxa is baddala dareenkooda iyo hab-fikirkooda markaasay dadkuna is badalaan.
  21. Way fududdahay inaad hesho qof muuqaal qurux badan, maskax badan lacagna haysta, balse waa ay adagtahay inaad hesho qof qalbi wanaagsan.
  22. Waxa jira wax badan oo lagu dhoolla caddayn karo balse waxa aynu inta badan ku qosolnaa waxyaabaha taban.

 

Cbdrxmngeni@gmail.com