Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.8aad, (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub)

 

Xasan Al Banna iyo doorkii caqiidada

Rabbi ha janneeye waxa uu qoray qoraal uu si xeeldheer ugu soo dhawaynayo fahanka caqiidada oo la yidhaa “Caqaa’id”. Waxa uu u kala falkaya dhadhaarada ay leeyihiin, waxa uu dul istaagaya arrimaha lama dhaafanka ah isaga oo kor ka xaadin iyo saafidba ku sheegaya. Kolka aad u kuur gasho qaabqoraalkiisa carabigu waa mid aad u sarreeya, sona godliya dhawaanshaha fahanka. Sida uu iskula helayo erayada maanku jeclaysto iyo sida erayba eray kugu dhiibayo ayaad gunta ka soo taabanaysa dulucda qoraalkiisa.

Caqiiqada uu sharaxaya ee uu haystay waa caqiidadii ay ku sugnayeen saddexdii qarni ee Suubbanuhu ammaanay ee Cabdillaahi ina Mascuud warinayo, Bukhaari iyo Muslinna soo saareen; “Qarniyo waxa u gobsan oo u khayr badan qarnigayga, ka ku xigaa khayrka ku xiga, ka ku sii xiga xagga khayrka ku sii xiga.”

Waa caqiido sugaysa in Ilaahay SWT loo sugo; magacyadiisa iyo sifooyinkiisa uu leeyahay oo aan tashbiih iyo ta’wiil midna lagu samayn. Caqiiqada sheekh Banna Rabbi ha janneeye waa in addoonku garto in Korreeye yahay kaligii oo aanay jirin cid wax la wadaagta oo uu kali la yahay rabbinimadiisa, magacyadiisa, sifooyinkiisa iyo ficilkiisaba. Oo ay tahay in addoonku dhabaysto oo rumaysto in Alle SWT yahay ka kaligii wax abuura ee isagu mulkiya kuna tasarufa ee ay u dhammaystiran tahay daatooyinkiisa iyo ficilkiisuba ee wax walba og ee wax walba koobay ee gacantiisa ay ku jirto boqortooyada iyo lahaanshaha kownka.

Dilkii Naqraashi iyo hadalkii Imaamka

Kolkii uu taabo galay Ikhwaanku wuxu samaystay unug dhallinyaro oo xuuraan doon ah. Isla xilligaa ayuu Maxamuud Naqraashi Baasha oo raysalwasaare ka ahaa Masar ku dhawaaqay mamnuuciddii Ikhwaanka. Wiil dhallinyaro ah ayaa ka gadooday dhawaqa Naqraashi ka soo yeedhay, ka dib xabbad uu ku dhuftu u god galay Naqraashi.

Imaam Banna Rabbi ha janneye markii u maqlayba qoraal buu soo saaray uu ku dedifaynayo waxa dhacay dhaqdhaqaaqana ka bari yeelaya inu lug ku lahaa. Isaga oo ka hadlaya wuxu yidhi; “Ikhwaanku lug kuma lahayn falkaa dhacay, cidda dishayna kama mid aha Ikhwaanka.”

Dilkii Imaam Banna

Dilkii Naqraashi ka dib culays badan baa soo fuulay dhaqdhaqaaqan, ilaa la sheego dilka Imaamku inu daba socday aargudasho looga aar gudayey Naqraashi.

12/2/1949 ayey ahayd kolkii ifka laga qariyey godka lagu janne. Dil qorshaysan ayaa ciidammadii Jamaal Cabdinaasir ay laami dhexdeed ku toogteen sheekh Banna.

Culimadii ammaantay Imaam Banna

Culimadii iyo haldoorkii Muslimiinta ee ammaanay imaamku aad ayey u badan yihiin, halkanna ku soo wada koobi kari mayno. Ragga ammaanay waxa ka mid ah Callaama Xasan Nadawi, “Imaamku wuxu ahaa; Daaci, mujaahid, macallin, iyo murabbi dadka tarbiyadeeyey.”

Sida oo kale waxa ammaanay sheekhii xadiiska Albaani, “Haddii aannu jirin Xasan Al-Banna, dhallinyar badani sinimooyada iyo makhaayadaha ayey wakhtigooga ku lumin lahayeen.” Sida oo kale waxa ammaanay; Callaama Qaradaawi, Sayid Saabiq, Bakar Abu Sayid, iyo culimo aynaan halkan ku soo wada koobi karin.

La soco qaybta sagalaad……Talo iyo tusaale ba waa xagginna.

Hoos ka akhriso qaybtii 1aad ilaa 7aad:

Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.7aad

Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.6aad

Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.5aad

Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.4aad

Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.3aad

Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.2aad

Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.1aad

Facebook: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Rakuub.wordpress.com