Xasan-Ganey iyo xoorkii laga dhamay (WQ: Axmed Aw Geeddi)

Waa saddexeeyaha saddex hal abuur oo suugaantoodu saameyn wacan igu yeelatay, ninka  aan sifeynayaa  waa Xasan Xaaji Cabdilahi (Xasan Ganey)  oo ah hal-abuur ay dhif tahay in tixihiisa oo kale laga soo dhex helo taxanaha suugaanta Soomaalida, fanka iyo suugaanta ayuu geedi labaad raray.

1974-kii ayuu marqudha ka dhex hanqadhay maanka saareyda iyo inta suugaanta jecel, waxa uu badka  keenay riwaayad la odhan jiray “Dab-jacayl kari waa” oo geyiga Soomaalidu degto xushay,  waa riwaayad jacayl ah oo aanu mawduuceedu ka fogeyn riwaayadihii berigaa la dhigi jiray,  hase yeeshe, waxay dheertahay  fan-masraxeedka kale, meexaano iyo murti aan carjabin, waa mawhibo ceegaagta maskaxda curiyaha had iyo goorna suugaantiisa baadi sooc u ah, waxa kale oo ku googo’an geeraaro aan duugoobin oo farshaxan iyo fal-suubanaani ka muuqato oo kaftanka iyo xifaalaha jilayaasha dhex maraya meel sare gaadhsiiyey, badheedhahay ma filayo riwaayad “Dab jacayl kari waa” maad iyo qosol ku haysataa in ay jirto.

Inkastoo taxanaha suugaantiisu tahay tog aan tiro iyo xisaab toona lagu koobi karin, haddana dhacdadii labaad ee hal-abuurku hambalyeeyeen waxay ahayd markii uu ka qayb galay silsilad maanseedii Deeley oo dabayaaqadii 1979-kii magaalada Muqdisho ka curatay. Xasan waxa uu kaga qayb galay maanso la yaab leh oo la yidhaahdo “ka dartaye ma dibibaa!!?”, maansadan oo habdhiskeeda iyo agabka ay adeegsatayba ku cusbaayeen dhegaha dadka. Gun iyo baar waxaa uu tixdiisa ku areerimay ciyaarta shaxda oo waayeelku gaar ahaan raggu ciyaaro. Haseyeeshee, markan inta uu geedkii kasoo raray ayuu suugaanta kusoo daray oo ninkii uu u gabyaayey oo isagu dawladda difaacaayey ragii Deeley bilaabayna haaraamay ayuu la shaxay oo ku yidhi “Adigu  shax yaraad tahaye hor degida qaado”,   marka uu qodob badheedhihiisa ka mid ah sheegaba waxa uu kusoo xidhaayey hog ka mid ah hogaga shaxdu leedahay. Waxa uu odhanayaa:

Dabuubtii xaqa ahayd

Dibnihii canaantoow

Dur hadaad wax ku heshaan

Ama shilinka daabaca

Waa delebe ila dheel.

Ilaa dhammaadka shaxda oo uu saaxiibkii si cad ugu sheegayo in uu ka badiyey, waxa kaliya ee u furanina ay tahay in uu gurto oo geedka shaxda ka huleelo weliba aanu ilaabine uu duceeyo, waa sida ay tahay caadada shaxdu marka toban jeer lagaa badiyo, waxaanu ku gebogebeeyey;

Dawdabiyo qoor lebi

Dadban iyo horqaad lihi

Digadii hulaaqdaye

Duul duulka dhuxuluhu

Yey duurka gaadhine

Damiyaay ninkii yidhi

Dawadeena weeyaan

Duub taa ku kala saar

Lixley baa dilaacdaye

Dib u dhaca af jinacley

Duhurkii guray tidhi

Damacna yaanu kaa gelin

Dib inaad u jebisee

Iisheeg da’daadoo

Aad inoo ducayside

Tixdani cadaawad badan ayey u soo jiidey curiyaha, taasoo ka timi laba dhinac, mid waa xukuumaddii markaa jirtey oo tixdu sida tooska ah u durtey iyo niman Abwaano ah oo Deeleyda ka qayb galay oo u arkaayey in uu Xasan Ganey ka xarago qaatey.

Dhacdada saddexaad ee aynu xusi karnaa waa maansadii Gorgor oo tix ka qoto dheer aanan geyigeena ku ogeyn, waa maansada uu kula hadlaayey geel toosiyaha Hargeysa yimi ee Rida garan jantay. Haasaawuhu se intaas wuu ka xeeldheer yahay, maansaduna waa rido kulul oo taliskii Maxamed Siyaad lagu tumaatiyey,  waa amintii quus iyo hungo laga joogsadey kacaankii oktoobar. Waa maansadii waxay baac fogaan ka qabto ay fahmi waayeen hal-abuuradii waaweynaa qaarkood.

Bal ila eeg meerisyadan iyo humaagan madax daaliska ah, hogaankii dalka ayuu dhaliilayaa waxuuse sawirayaa sawir kale oo kaa aad uga fog. Waa Awr ganboor iyo dhicir daaqay oo markii laga eegaayey inuu dhinto garbaha shaash ku yeeshay oo durduro gaw ka siiyey!! Kursi, madaxweyne, xil iyo dawladnimo midna ma soo qaadin, warka daaqsin geel ayuu mariyey, waa falaadka lagu yaqaan hal-abuur farshaxana;

Mise laguma guuraan

Cayibkaa gabdhoobee

Gendigiyo dhukaankiyo

Guudaan u weheshee

Garaabiido qaadee

Isagoo an laga gubin

Lagu horay gal daayeer

Iyo goofka biirta ah

Geedahana ciin iyo

Gawracato daaqee

Intuu gooyey dhogortii

Gaameelo dheer iyo

Garbaha shaash ku yeeshee

Guux laba kacleeyee

Shaamareer ku geliyoo

Guubiskaad ku leedahay

Maalintuu gamboor cuno

Sawkii geelu dhiman jiray

Ma gefkaad ku naaxdaa

Geddenba yaa isku ogaa!!

Haddii aynu  hoomayno tusaale kale, waa tuducyada ku jira maansada Duufaan.  Geela awrka waa loo xulaa oo laba qaalin oo isku da’ ah oo qurux iyo qoodhba ka siman ayaa mid geela lagu daraa oo baarqab laga dhigaa, midna la dhufaanaa oo Koran la rarto noqdaa, oo waayo? Sawtii hore loo yidhi Haweenka iyo geelaba waa la hida-raacaa. Hadaba abwaanku geel iyo adhi midna ina bari mayo wuxuuse ina hoga tusaaleynayaa in ninka xil loo dhiibayaa ee dad iyo dal dhan lagu aaminayo la shirabo oo aan garab-daar lagu bokhrin ee loo gabalo eego.

Laba midabka deer-cada

Laba doobta wada rida

Da’da toban gu’ wada jirey

Deymada an kala dhicin

Markay doorashada tahay

Hiddihiyo dirkoodaa

Midna geel ku dari kara

Midna looga daayaa

Marka dulucda sheekada

Hoos loogu daadego

Halo doog ku rimayaa

Markay  qoodh u deyid iyo

Dillo sheeg u baahdeen

Hadda dawladnimadiyo

Danta guudna kaa mudan

Kumaa derejadaa geya?

Abwaanku waxa uu madi ku yahay falkinta heesaha dhaqanka, waxaana ka mid ah kuwa tisqaadey Dalsan, Sayla, Dhaqan, Gahaydhle iyo maansada faraha badan ee uu u bixiyey Magan oo ah qaylo dhaan uu doonayo inuu dadka ku baraarujiyo xaalufka lagu hayo geyiga iyo in guul daro weyni ka soo socoto haddii aan la daryeelin dhirta. Haddaba aynu is dul taagno heesta gahaydhle, waxa iiga muuqda labo sawir oo aanan weli ku arag maansadeena heestan horteed, oo muxuu yahay sawirkani? Ila garo oo abwaanku  sidii caadada u ahayd ayuu ina dhexgeynayaa aril lagu gayeystey oo geela, adhiga iyo lo’duba dhaleen. Aroosyada gawda laga saaray. Haseyeeshee, labada humaag ee aan isoo marini waa laba wan oo is dilaya iyo laba awr oo utini dhextaal oo isku muruxsaday laguse kala guntaday;

Oo jemel gurguurtoo

Gabal yari ku taaliyo

Mid kaloo galaalani

Gawda iska saareen

Oo baarqab gaafoo

Doobida garaaciyo

Mid kaloo gulaanoo

Ku cadhooda guuxoo

Godob hore tirsanayoo

Beri uu garbaha hudhay

Iyagoon is guri dhigin

Gurmad kala kaxeeyoo

Kala sheentey gaanaha

Qof kasta oo suugaan dhaadhi ahi waxa uu qiri karaa in Geney loo sakhiray dhisida doodaha, aminta uu laba qof iyo ka badani is caraadayaan amakaag iyo dhabanahays ayaa ku dilaya sida uu shakhsi kastaba xujadiisa u oogayo iyo cadaymaha uu doodihiisa ku kabayo. Bal hadaba dhugo heestan wiilka iyo gabadhu isku cadcadaadeen, ragu dumarka waxay ku xantaan in gashaanti kastaaba jeceshahay in ay muujiso meelaha ay u cudoontahay oo ay raga tusto si looga war hayo, dumarkuna waxay aaminsanyihiin in ragu yahay horror u haliilaya hilbaha gabdhaha islaameed. Fikradahaa lakala qabo ayay heestani ina baraysaa;

Wiilka: Waliidow lahaydeen

               Afartiina waaxyood

               Mid waliba halka u wacan

               Iyadoon wax ku xidhnayn

               Weedhaamisaanoo

               Walacdooda eedeen

               Ragna aad ku waydeen

               Waanan kaa wacdiyayaa

               Welefkii aad barateen

               Inta aanad waynaan

               Waqal tahay aan biyo dhigin

               Adigoon wayiigeyn

               Aan wadaagno caashaqa

               Waa hadaad wax garad tahay

                Hadii kale wiglada tumo

 

Gabadhii:  Waliidooy lahaydeen

                   Waranliyo doob guun

                   Hablaha weeraraayoo

                   Wadada isu taagoo

                   Inantay ka waayaan

                   Wejiga u xumeeyoo

                   Habluhuna wadiinbay

                   Wadanka uga tegeyaan

                   Ragna looga waakadey

                   Waanan kaa wacdiyayaa

                   Welefkii aad barateen

                   Waa haddaad wax garad tahay

                   Hadii kale wilwilo tumo.

Dood kale waxay dhex maraysaa hablo ilbaxdhaafay iyo kuwo cagaha dhulka ku haya;

Gabadha koowaad:

                           Taariikhdu waxbay hagtaa

                            Dadkuna wuu haybiyaa

                            Adduunkuna waa hayaan

                            Hirdooglaa lagu socdaa

                            Hogaankuna waa casriga

                            Naftaadana lama hagrado

                            Qeyrkaa ka hadh waa habaar

                            Heeryada aad sidata iyo

                            Haylahan waa laga ilbaxay

                            Makuu gacan haadiyaa

                            Hoobaanta makuu guraa

                            Haneedka ma kuu qabtaa

 

Gabadha labaad:

                          Habeenow hebedka geel

                          Hashaan maqasha iska celin

                         Haraatiyin kaanay dhalin

                         Markay hiigaan nirguhu

                         Jiilaalkiibay hadhaa

                         Hambana waa laysku nacay

                         Higaadana igu afgaro

                         Dharaarba ninkaan ka helo

                         Habeenkii kuma dhaxee

                         Hantidu way ii dhantahay

                         Hiddii lay wada yiqiin

                         Xishood hodan baan ka ahay

                         Xayii baan soo huwaday

                         Hablaha soomaaliyeed.

Dhanka geeraaradda ayaan iyana lagaga daba dhufan, riwaayadaha abwaanada kale sameeyaan waxa loo dhegeysan jiray heesaha laakiin Xasan Geney isaga geeraarada ay wadaaguhu toocinayaan ayey bulshadu si weyn u xafidi jirtey oo hal qabsi iyo kaftanba noqon jirey. Hablo timaha gaabiyey oo xarago iska baadhaya ayey wiilal geyaankood ahi ilaaqayaan;

Wiil: Gaari bay dhaar u ahayd

          Waatii aan goblamaayoo

          Hadba guud la jaraaye

          Gabdhayahow timihii

          Maxaa loo wada gaabshey

Gabadhii jawaabteedii ma xasuusto.

 

Wiil: Lugo aan gorgor baahday

          Seed loo gooyo lahayn iyo

          Gacmo aad moodo birqaab

          Iyo luquntii galawgaa

          Midba gees u luxdaanoo

          Idinkoo is godaayoo

          Golxiyo tuur isu yeelaad

          Guudka nooga baxdaane

          Xishoodkii gabdhaheena

          Geesteebaad ka marten?

 

Gabadh: Geyaankii dhulka joogey

                Markii guur laga waayey

                Gaabsigaa dan la moodoo

                Guntiimooyin khafiifa

                Ragaa noo geliyey

 

Wiil: Oo ninkii gacalooyin

          Galab aad kulantaanee

          Xaga guurka u leexdee

          Goblan yaad ku abaadin

          Ka gaashaamo yidhaahdana

          Aqal weyn oo guduudan oo

          Dhawr ganjeelo ku taaloo

          Sariir aan geyigeena

          Gebigiisaba oolinoo

 

          Gudaha laydh kaga yaaloo

          Gunta jiifto xareediyoo

          Kalluun uu dhex gurguurto

          Iyo kuraasi aad moodo giraanoo

          Afar geer iyo taayir

          Gees walba ugu ordeysiyo

          Gaadiidka yaala jabaan baad

          Gacalooy ku xidheenoo

          Geyaankii waad hindhisteen.

Abwaanku waa musawir farshaxan ah oo midabada maskaxdiisa ku keydsan cid qiyaasi kartaa aanay jirin, marka daruuraha cirka, jeegaanta roobka, mayeyga hooray, qoraxdoo liiqa dhigtay ama dhalatay, xidigaha dhalaalaya, ubaxa sardhada ka toosay ee afka dhiinka cas marsaday, ciida dheregtey iyo jidhaamaha rahu ka dhex qalaadayo marka uu sheeda ka sawiro adaa is weydiinaya jaamacada uu kasoo baxay, digriiga  uu sito iyo inta sanadood ee uu cilmigaa u rixleystey, waxay se ila tahay in uu habeen uun la soo toosay waayo horaa loo yidhi, hibo eebe ku siiyo habeen la is kama qaado.

Riwaayado doora ayuu daawatada usoo bandhigey kuwaa soo riwaayad kastaaba culeyskeeda aan dhulka laga jari kareyn, waxa kale oo uu gacan muuqata ka geystey riwaayadaha ay jaalayaashii sameeyeen, kuwasoo qaarkoodna uu heeso ku dhibaadiyey qaar kalena geeraaro iyo sheekaba uu ugu deeqay. Inkasta oo uu hal abuurku magaca ka simanyahay haddana murti looma sina Xasan-na tahan ayuu qayrkii ka horeeyaa, waa maarshaalka suugaanta!!

Qalinkii Abwaan Axmed Aw Geedi