Xasuuqii 4 feb 1991 ee Gobolka Awdal.(WQ: Bashir Maxamed Bashir)

Inuu qallinku qeexo weedha cinwaanka kor ku qoroni, uma baahna raadsashada cadaymo ama qiil samayn, balse waayaha taariikhda iyo wacdiga noloshii la soo maray ayuun baynu bogogeeda ay dhaxalka uga tagtay caruur iyo cirroole ka dhex akhrisanaynaa dhacdooyinkii madoobaa ee maanka iyo qalbiyadda raadka ku reebay. Waa waajib iyo lagama maarmaan in wax laga ogaado wixii tegay ee taariikhda baalka madow ka galay “Taariikhdu waxbay Hagtaa; Dadkuna Waa Haybiyaa”.

Sooyaalku ma duugoobo, deegaan wal iyo dad kastaana waxay leeyihiin maalmo madow iyo maalmo farxadeed oo ay xasuustaan. Wixii dhib ah ee shacab ku dhacayna waxa ay taariikhdu u xustaa ama loo xasuustaa in lagu cimro qaato, ilama haboona in ay xasuustaasi dhaliso fidmo kale ama ay keento maalmo kale oo lagu xasuusto fal naxdin leh.

Ma nihin looma ooyaan, lama xusaan iyo dad dhiigoodu raqiis Yahay intii 28 sano kahor sifada xaqdarada ah ku dhimatay Alle Ha U Naxariisto, waan xusaynaa Maalintani inta ay nololi jirto bogcad madow ayay inoogu taalaa xasuuqaasi 4 Feb 1991.

Borama oo nabad lagu joogo oo tusaale cad u ah in dadkuba aysan saansaan dagaal qorshaysan dhicistii Dowladi Dhexe kadib ayaa wax mar kaliya lagu war helay dabaabado, tikniko hubaysan, rasaas iyo weerar gaadmo ah.

Milicso xasuuqii naxdinta badan qalbiyadda bulsho weynta Reer Awdal ku reebay ee dhacay 4 Feb 1991, waxaa dhabada soo qabsaday Jabhada SNM, oo ka soo kacay fadhiisimahoodii Soohdimaha, waa isniin maalin cadceedu falaadhaheeda dhulku wada gaadhay, cirku ma lahayn daruur, saansaa colaadeed ma muuqan……. balse waxaa isa-soo daba-galay tikniko iyo ciidamo hubaysan oo u jeedadoodu tahay xasuuq, gabood fal iyo isir-sifayn.

Maalintaasi waxa ay ahayd maalin xanuun, murugo iyo hilkaad badan. Maalintaa waxa dhacay xasuuq aan loo kala Aaboyeelin iyo gabood fal aad u fool xun, waxaa 12 saac gudahood la dilay in ka badan 700 qof, si toos ah iyo si saf-mareen ah, waxaa dhaawacmay boqolaal qof, Waxaa guryaha ka cararay oo Magaaaladda ka qaxay guud ahaan Shacabkii daganaa, waxa la bililiqaytay hantidii meheradaha dhex taalay wixiil maal iyo moodba lahaaa.

Jabhada SNM waxa ay maalintaas xasuuq ba’an u geysteen Shacabkii dumarka iyo waayeelka u badnaa ee suuqyada tubnaa. Dilalkii badheedhka ahaa ee ay SNM u geysatay Bulshadii aan wax dambiya lahayn ee ay weerarka gaadmada ah ku xasuuqday!!!!!
Jabhadii SNM waxa ay baas rasaasa iyo hub culus ku garaaceen shacabkii caruurta, dumarka iyo birimageydada u badnaa ee guryaha, ardaayada, wadooyinka iyo suuqa tubnaa. Waxa ay fadhataysteen guryihii, waxa ay gubeen meheradihii, maalintaa waxa boqolaal mayd ahi wadhnaayeen dariiqyadda dhex mara Magaaaladda, nawaaxigeeda ilaa baadiyaha deegaanka.
Maalintaasi waxa ay ku xusan/qoron tahay baalasha madow ee sooyaalka taariikhda, waxaana mid aan la illaabayn ah sidii Xumayd ee Jabhadii SNM ay dadka sida saf-mareenka ah ay rasaasta birimageydada ula dhaceen. Waa Godob Aan Hadhi Dooninin!!!

W/Q Bashir Maxamed Bashir
Borama, Awdal