Xasuuqii Xeebta jasiira july 1989: sidee ayay wax u dheceen? (WQ: Calimahdi Jibriil Xasan)

Miyuu ina siinayaa Damiirkeenu in aan ilowno wixii dhacay 17.7.1989, hadii aynu islaanimo ku dhaafnay oo u aari-waynay Labaatan-jiradii maanta oo kale lagu Xasuusay Xeebta Jasiira keliya bal aynu xusno oo Faataxada u marno.

• Caawa oo kale 1989-kii Habeen Naxdin badan, daqiiqado Argagax leh iyo Ayaantii ugu danbaysay noloshooda ayay u ahayd Dhalinyaro inaga ina laa-leeg oo Ciidamadii arxanka darnaa ee Siyaad Barre ay Guryohooda kala bexeen si wada jir ahna loogu laayahay Xeebtii Dhiigga ee Jasiira (Duleedka Muqdisho)

SIDEE AYAY WAX U DHECEEN 17.7.1989

Muuse Cumar Mire (Cawil) oo ahaa 26-jir keligii ka badbaaday 47dii qof ee lagu Xasuuqay Xeebta Jaziira ayaa ka waramay wixii caawa oo kale ka dhacay Muuqdisho.

Habeenimo Saq-dhexe ayaa Guryaha loogu daatay Dhalinyaro da’doodu u dhaxaysay 20-30 jir isuguna jiray ‘macalimiin, Dhakhaatiir, Shaqaale Dawladeed iyo intii Muqdisho lagu tumhayay ee ahaa Mutacalimiin wax bartay kana soo jeeday Somaliland.

Waxa ay ahayd Xaalad argagax badan oo la soo deristay dadkii Cilmiga iyo Garaadka lagu tuhmayay ee reer somaliland, Ciidamadii Koofiyad casta oo uu hogaaminayo Gacan-ku dhiigle Maslax Maxamed Siyaad ayaa Guryaha ugu daatay. Cawil waxa uu sheegay in ay guriga ku soo jebiyeen 6 askar oo Koofiyad Cas ah (Ciidamadii Milateriga) ayna isagoo qaawan kala bexeen Gurigiisii. Waxa ay geeyeen meel aan aad uga fogayn xaafadiisa oo ay joogeen Ciidamo milateri ah iyo dad kale oo la soo qabqabtay iyagana.

Xaafadaha Hodan iyo Madiina oo ahaa labada meelood ee Reer Waqooyiga birma-geydadiisu ku sugnayd ayaa hawl-galku ka dhacayay Ugu danbayn waxaa la iskugu geeyay Xeebta Jaziira, markii ay arkeen goobta la geeyay in ay baddii tahay ayaa ay garawsadeen in wadkood galay oo la laynayo.

Cawed waxa uu sheegay in badhkood Ashahaadanayeen, kuwo ducaysanayeen kuwo kalena Qaylinayeen.

Waxaa halkaas amarka ku bixiyay Sareeye Gaas Maslax oo ahaa wiil uu dhalay Madaxweynihii Somalia, Maxamed Siyaad, waxaana fulinta lahaa oo dadka laayay Gaashaanle sarre Canjeex.

Waa la isku xidh xidhay si aanay u carcararin, Waxaana gaadhi uu saaranyahay qorri Baroon ah la istaajiyay meel 10m u jirta, ridihii Baroonka ayaana halkaasi si arxan darro ah xabadda ula dhacay, ilaa dhamaantood laga waayay mid nuuxsada.

Nasiib wanaag qofkii ilaahay dilayo uunbaa dhintee waxaa halkaas ku badbaaday Muuse Cumar Mire,

Magacyadii dadkii maalintaas la xasuuqay iyo deegaamadii ay ka soo kala jeedeen iyo wixii ay ka shaqaynayren waxa ay kala ahaayeen:-

1.Ibrahim Hasan Gelle( oodweyne) US-OMC-somalia

2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie (oodweyne)Besinessman

3..Saeed Mohamed Mumin( Salaxley) Ass.pro.Lafole S.N.U

4.Musa Abdi Gaas( Salaxley) Businessman

5.Hussein Ali Aden( Garadag)Businessman

6.Saeed Nur Musa( Garadag )businesman

7.Abdirahman Mohamed Bihi( Garadag)Businessman

8.Abiwahab Farah Ahmed(oodweyne) Student

9.Abdifatah Ahmed Jiir( garadag) Student

10.Matan Abdi Habashi( Bali-gubadle)Student

11.Mohamed Mohamud Abdi(oodweyne) Businessmanhoo

12.Ali Mohamed Abdi(Gebilay) Student

13.Abdi Mohamed Abdi (Berbera)Technician

14.Ahmed Yassin Omar Jama( Gebilay) Businessman

15.Mohamed Abdi Hassan( gebilay)Businessman

16.Ibrahim Hassan Ege(berbera) Technician

17.Abdi Muhumed Daud (gebilay) Businessman

18.hassan Abdi Muhumed (baligubadle) Businessman

19.Ali Mohamed Dirie(garadag) C.Serv

20.Jama Mohamed Abdi(gebilay) Trader

21.Abdi Osman Dubad(oodweyne)Trader

22.Husein Omar Husein(salaxley) Trader

23.Mohamed Musa Mohamed(oodweyne) Trader

24.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) (gebilay)Sportsman

25.Muhumed Abdillahi Warsame (Madigan gebilay)Trader

26.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan(gebilqy)Trader

27.Abdirahman Ahmed Dhimbil (gebilay) Civil servent

28.Hussein Muhumed Farah (gebilay)Civil servent

29.Mohamoud Bacadle (oodweyne) Civil servent

30.Jama Aden (barosin)(garadag) Civil servent

31.Abdirahman Mohamed Osman(beledi)(berbera)Trader

32.Warsame Dugsiye Reydal (G.B) Trader

33.Barre Osman Abdi (baligubadle) Trader

34.Abdirizaq Aydiid Mohamed (gebilay) Student

35.Hussein Osman Jama (gebilay)student

36.Khadar Mohamed Ahmed (gebilay) Student

37.Bihi Ibrahim Ahmed (gebilay) Student

38.Hassan Nur Hersi (gebilay) Student

39.Khadar nuur Jama (gebilay) Trader

40.Farah Ismail Awale (H.Y) student

41.Yusuf Abdillahi Roble (salaxley) graduate Dr.

42.Dahir Mohamed Jama Warfaa (oodweyne) Trader

43.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale)(salaxley) Trader

44.Fuad Abdillahi Ibrahim (baligubadle)

45.Daud SH. Ibrahim (oodweeyne).

46.Hussein Kheyre Abdi (gardag)

 

Maalintaas qadhaadhayd, Muuse Cumar oo keliya ayuu ilaahay u qoray in uu sii noolaado

Dadka la laayay marka laga yimaado dagaalkii Waqooyiga ku koobnaa waxaa jirtay ujeedo kale oo ahayd in 15.7.1989 waa maalin ka hor marka lalaayaye ay muqdisho ka dheceen mudaharaado, taas oo madaxdii isla garatay in maskaxda ka danbaysaa mudaharaadku tahay reer waqooyigii wax bartay oo aanay ahayn caqli koonfuri keeni karto.

Ilaahay ha u naxariistee miyaanay inaga mudnayn xus iyo xusuus aan xiskeena ka guurin, Rabbi ha janeeyo intii daraadeen loo dilay iyaga oon waxba kasban.