Xasuusta Macallin Faarax Shuun (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Sannadkii 1997-kii, markii aan diyaargarowga ugu jirnay bilawga waxbarashada sare ayaan xogwaraysi tagay, si aan u ogaado macallimiinta wax noo dhigi doonta. Ka hor inta aanay duruustu si rasmi ah noogu bilaabmin, hal macallin ayuu magaciisu aad iigu soo noqnoqday. Waa bare sare Faarax Cabdillaahi Fariid oo loo garan ogaa “Faarax Shuun”, Rabbi naxariiso janno ha ugu deeqee.  Anigu markaa, arag ha danbeeyee, maqalkiisa ayaa xataa kow ii ahaa. Cabdillaahi Xaaji Indhanuur (hadda madaxda Telesom ka tirsan) oo iga xog-ogaalsanaa, qiyaastiina Muqdisho macallinka ku yaqaanay, ayaan u waraysi tegay. Kuye waa macallin weyn oo jaamacaddo badan wax ka soo dhigay.

“Ayaan baad leedihiin haddii macallinkaasi wax idiin dhigo,” ayuu niyada iigu sii qaboojiyey.

“كل أمر لا يبدأ باسم الله الرحمن الرحيم فهو أبتر

Xadiiska kor ku qoran ayuu macallin Faarax far aad u qurux badan sabuurada ugu qoray, maalintii u horaysay ee uu fasal noo soo galo, goor aan malaynayo inay ahayd maalin ka mid ah bishii Octoober ee sannadkii 1997-kii. Sidaas ayuu macallinkii inta badan aan magaciisa maqlayay fasalkii u horreeyey magaca Alle ugu bilaabay. Fasalka sidaas ku bilaabmay, la yaab ma leh inuu noqday mid jid fiican jideeyey oo barako badan.  Xadiiskaasna maalintaas ayaan bartay.

Prof. Faarax Shuun

Sida uu noo sheegay macallin Faarax, dugsiga hoose waxa laga qoray degmadda Saylac. Kooxdii labaad ee dugsiga halkaas ka bilawda ayuu ahaa. Ardaydii u horreysay ee dugsiga Saylac lagu furo, sida uu macallin Faarax noo sheegay, waxa ka mid ahaa, Xuseen Ceelaabe Faahiye (AHN) oo muddo dheer wasiir ka soo ahaa dawladihii kala danbeeyey ee Soomaaliya. Sannadkii 2019 ayuu qarax ugu dhintay Muqdisho. Dugsiga dhexe iyo sare, macallin Faarax hoygii Cammuud ayuu ku qaatay ka hor inta aanu waxbarasho jaamacadeed oo heerar kala duwan ah ugu bixin dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka…  Halkan ka akhri maqaalka oo dhammaystiran

Halkan kala xidhiidh Cabdiraxmaan E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

 

Hoos ka ka akhri qaar ka mid ah maqaalladii hore ee Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud:

S. A. Guuleed: Geeddiga Guusha (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud) | Bandhige- Wararka Somaliland iyo faallooyinkooda

Hiil Haween (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud) | Bandhige- Wararka Somaliland iyo faallooyinkooda

Lahashada Laba Fac (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Sahanka Raage (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Ha tilmaamine tus (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Xusuusqorkayga Xajka (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Beerta Nasashada (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Marti Sharfan (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Saaxiibbo kala hadhi waayey (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Karoona iyo Aw Diiriye kala war la’aa (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Xasiloonida Xamar (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Abuurta Alle (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Sheeko xikmad leh: Damac iyo Dalxiis (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)