XAYAWAANKA IYO SIRDOONKA (2) W/Q: (kamaal marjaan)

Tijaabadii koowaad, saraakiil ka tirsan CIA ayaa bisaddan u qaaday beer dadweynuhu ku nasto, waxa ay ku dhoweeyeen laba nin oo si caadi ah goobta ugu sheekaysanayey, kaddibna waxaa soo baxday in farsamadani ay si fiican u shaqaynayso.
Laakiin shaqo badan oo daraasado, tababarro, curin teknoolajiyadeed, qalliino iyo tijaabin ah kaddib, markii la dhammaystiray qorshahaas 30 milyan ee doolar loo huray, CIA waxa ay hawlgelisay basaaskeedii koowaad ee bisad ahaa.
Inta gaadhi lagu soo qaaday ayaa la dhigay kambalka safaaradda Ruushka ee Washington, meel aan ka fogeyn ayaanay saraakiisha hawshan wadday ka soo sheedaaliyeen, waxa uu basaaskoodu fali doono.

Qaddar lama baajiyo ee bisaddii markii ay ka gudbaysay jid-weyne u dhexeeyey iyaga iyo safaaradda ayaa tagsi xawaare ku socdaa uu kala gooyey bisaddii, isla goobtii ayaanay ku naf baxday.

Dhimashada bisadda waxaa la dhintay, gebi ahaanba rejadii laga filayey qorshaha lacagta badan la geliyey ee CIA du ay bisadaha basaaska kaga dhigaysay.

Sida laga akhriyey dhukumantiyo sir ahaa oo laga helay aarkiifiyada jaamacadda George Washington, maalintaas ayaa CIA ay u aqoonsatay in uu guuldarraystay mashruucaasi, waxa aanay go’aansatay in halkaas lagu soo afjaro, dadaalkii lagu doonayey in bisadaha basaasiin laga dhigo.

Marka laga tago shilka dhimashada basaaska keenay ee mashruucan ka hor yimid oo muujiyey sida aan bisadda loo ilaalin karin, saraakiisha CIA waxa ay qirteen in tababarka basaasnimo ee xayawaanka bisaduhu uu aad u adagyahay. Sababahana waxaa ka mid ah dabeecadaheeda oo aan la xakamayn karin, gaar ahaan dhaqdhaqaaqeeda badan.

Si kastaba ha ahaato ee, xilligaas wax kastaa bilow ayaa ay ahaayeen, horumarka teknoolajiyaduna aad ayuu u liitay, sidaas awgeed ma jiro wax diidaya in CIA ay ugu dambayn mashruucaas dib uga shaqaysiiso.
Sida ay xayawaanno kale oo aynu arki doonnaba ay uga faa’idaysatay.

LA SOCO…