Xayaysiis: Bilicdiisu kay liidataa wuu ka baqayaaye (Waxa tiriyey: Siciid Maxamuud Gahayr)

 

Caawa uun baan Facebook ku arkay ummad bogaadinaysa iyo kuwo buuri ku tufaya dhallinyaradii xayeysiiska dharka ka sameeyay Hargeysa. Kaddibna wiil ka mid ah raggii hawsha ku jiray ayaan wareystay, waxaanu inta diiddan ku tilmaamay “Badawyo laga keenay baadiyaha iyo kuwo bilic-xun oo ka baqaya inay bannaanka is-keenaan”. Wuxuu sheegay inay tahay shaqo bannaan.

Wiilkani isaga oo sheegaya sida xayeysiisku u yahay shaqo laga sameeyo lacag badan, isla markaana baaq u diraya inta dhaliilaysa waxa uu yidhi:

Baagamuundo anigoo ah buu, baaqu ii yimiye

Intaan biir ka soo ganacso idhi, booli maan gadine

Xayeysiisku waa shaqo bannaan, waana loo boogaye

Waa beeca ficil kaabayoo, baahi loo qabaye

Balyuunniyo wax lagu xoogsadaa, biniga doolaare

Burjiyaalna waa laga dhistaa, baro la seexdaaye

Beekhaamba waa tuu ku helay, bawnka faraweyne

Badladaha judhii aan xidhaa, beenso loo huraye

Best suudh ah, shaadh biida iyo, garanno cow boya

Markaan soo bandhigay waa kuwaa, boobay aadmiguye

Waa baratakool-xumo inay, nagu biqleeyaane

Badawgiyo garaad-laawehaan, boowe garanayne

Sidii bahalka kii fool-xun baa, been cad soo qora’e

Bilicdiisu kay liidataa, wuu ka baqayaaye

Iyagoo bakhtiyay haddana, dibinta buuraaye

Bulshayahay adduunyada kalaan, beretemaynnaaye

Barbarteennu hawl bay qabteen, baaxadloo culuse

Ku bogaadin mooyee wax kale, beerku muu filinne

Baadiyaha dar laga keenayow, buuqu guul ma lehe

Ku soo biir, bilaa camal arlada, baanayaa jira’e!