Xeerarkii Guusha Ee Baraak Obaama Q.2aad (WQ: Kamaal Axmed Cali)

XEERARKA GUUSHA EE BARAKA OBAMA (2)

 

Waa qaybtii labaad ee Qormadii aynu ku eegaynay qodobbo laga ururiyey hadallo kala duwan oo uu madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama jeediyey. Marar uu ka hadlayey fureyaasha guusha iyo jawaabo uu ka bixiyey, waxa u suurtageliyey guulaha uu gaadhay.

4. FAR KELIYI FOOL MA DHAQDO

Diric keli ahaantii .. Daleel guusha kama helo, .. Dadkaa geesi lagu yahay.. ~Duncarbeed.

In aad samaysato dad kula qabta hawsha kuu taallaa waa garabaha ugu fudud ee aad ugu duuli karto guusha aad hiigsanayso.

Waa been in qofku guusha uu gaadhayaa ay tahay mid isaga dadaalkiisa oo keliya ku imanaysa, waxaa jira sababo dadaalka ka horreeyey oo halkan soo gaadhsiinaya qofka. Sida korniinkii iyo waxbarashadii oo mahaddeeda ay leeyihiin dadkii maalgeliyey oo waalidku ugu horreeyey.

Marka uu qofku hayaanka guusha bilaabo waxaa jira dad ku garab taagan; waxaa ka mid ah xaas iyo carruur waqtigii uu siin lahaa iyaga uu kaga mashquushay dadaalka guusha uu ugu jiro. Marka uu hawsha gudo galana waxaa jira dad hareera taagan oo aanu ka maarmayn; saaxiibbada qaar baa ka mid ah, sida oo kale inta hawsha gudaheeda kula jirta ayaan dadaalkooda la dhayalsan karin.

5. HA SADQAYN WAX KA WEYN WAXA AAD DOONAYSO

Marar badan ayaa ay dhacaysaa in hiigsiga aad leedahay iyo halka aad u socotaa kaaga xidhmaan in aad sadqayso karmaadaada iyo ballan oofintaada. In aad sadqayso qiyamkaaga iyo mabaadii’daada. Waxa ay u badan tahay mararka aad siyaasadda u socoto, xilalka iyo guusha doorashooyinka marka aad u ordayso, oo ay siyaasiyiin badan ku kallifto in ay tuuraan danta guud iyo in ay ku wacad furaan dadka ay sheeganayaan in ay metelaan.

Laakiin, weligaa ha ka fikirin guusha adiga oo aan ka fikirayn mabaadii’daada ay tahay in aad dhowrto, ha gelin isku day kasta oo aad ku khamaarayso sharaftaada. Waxaa xaqiiq ah in hoggaamiyeyaasha iyo ganacsatada guulaystay ee aynu sida xiddigaha u daawanaa aanay ku iman maalgashi shakhsi ah oo ay isku sameeyeen iyo dadka oo ay ku qanciyeen qofka ay yihiin.

Laakiin waa natiijo ka dhalatay ujeedo weyn oo ay lahaayeen oo u rumowday, waa guul ka dhalatay horumar ay sameeyeen oo looga marag kacay. waa waxsoosaar tayo leh oo ay sameeyeen, waa wacad oofin ay u sameeyeen shaqaalahooda, macaamiishooda, saamileydooda iyo bulshada oo dhan. Waa wanaag isu tagay oo dhinacyo kala duwan uga marag kaceen.

Waxaa marar badan dhacda in qofku uu ku istaago meel ka sokeysa halkii marka hore uu hiigsigiisu ahaa, kaddib marka halka uu markaas marayo uu guul ku gaadho, isaga oo aaminaya in inta uu hayaa ay ku filan tahay.

Si kasta oo aad guul iyo magac ama maal u hesho, marna ha ku hakan meel ka sokeysa halkii uu hiigsigaagu ahaa.

6. CUDUR-DAARKA JOOJIS

Waxaa in badan dhacda in qofku uu ka wahsado qabashada hawlaha ka xiga gaadhista guusha. Isaga oo naftiisa u samaynaya marmarsiinye; tusaale ahaan in hawsha aanu waqti u ahayn, in xaaladda uu markaas ku jiro ee maaliyadeed ama caafimaad aanay u saamaxayn iyo in hawlo ka muhiimsani ay u yaallaan, in sannadkan uu dib uga dhigo qabashada hawshaas, iwm.

Gaabis kasta oo naftaada ka yimaadda ku canaano oo runta u sheeg in ay ku qaldantahay, qaban kari waaga hawshaas u taallay. Si kasta oo laga yaabo in aad cudur-daarro niyadda ugu hayso, ama aad u ogtahay arrimo caqabad kugu noqday, oo aad is tidhi kama gudbi kartid, ku sii soco jidka, illaa aad ka gudubto.

 

Kamaal Marjaan