Xidhiidhka diblomaasi ee Somaliland iyo Kiiniya (WQ: Rashiid Odowaa)

Xidhhidh muddo soo jiray ayaa ka dhexeeyay Kenya iyo Somaliland,waxay aaminsanyihiin dad badani inuu xidhiidhka Somaliland iyo Kenya uu Xoogaysto mar kasta oo ay Somalia xidhiidhkeedu Xumaado laakiin uu hoos u dhaco marka xidhiidhka Somalia iyo Kenya haddana uu Hagaago,dad kale ayaa iyagu aaminsan inaanu xidhiidhka Kenya ahayn wax sidaa u wayn uu yahay uun ganacsi qaad uun ku kooban halka dadย  badan oo reer Somaliland ahi ay qabaan inay Kenya Tahay Waddan Gobolka Muhiimad wayn ku Leh Isla markaana Saamayntiisa leh sidaas darteed Cid kasta oo Somalia ay kala cadhoodeen inay tahay saaxiibkood maadama aanay Somalia iyada lafteedu ay jeceshay inaan Somaliland xidhiidh aan lala samaysanin geed dheer iyo mid gaaban u fuusho Sidii Somaliland caalamka looga xidhi lahaa.

Si kastaba ha ahaato e Xidhiidhka Somaliland iyo Kenya waxad mooddaa inuu marba sii xoogaysanayo wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya ayaa Ergey hore ugu diray Somalilandย  Philip Mundia Ghitiora si uu halkaas uga asaaso Xafiis Wakiil Somaliand u jooga,tani waxay timid ka dib wada hadal dhex amaray wakiilka Somaliland u fadhiya Magaalada Nairobi iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma ambassador baashe Cawil ayaa sidan yidhi โ€œWaxan lahayn Kenya Xidhiidh soo jireen tan iyo xilligii Gumaysiga inay Kenya Xafiis ka furato Somaliland waxay Kor u qaadaysaa Xidhiidhka dhaqaale iyo is dhexgalka Bulshoโ€ waxanu baashe ku dooday in Kenya Airways ay Toos isaga gooshi karto Hargeisa iyo Nairobi.

Hore wax u kulmay Wasiirka arrimaha Dibadda Monida Juma iyo Sacad Ali shire,xiligan Monica Juma waxay soo jeedisay In xafiis ay Kenya ka furato hargeisa kaas oo ay soo jeedisay inuu ahaado Joseph kinyua,waxa kaloo hore u jirtay Inuu madaxweyne Daahir Rayaale kaahin uu booqasho ku tagay wadanka Kenya 2016kii.

Hase ahaatee Arrinta xiisaha lihi waxay noqotay Maanta oo uu Xidhiidhka Somalia iyo Kenya marayo halkii ugu xumayd marka xaaladdan la eego Diplomasi ahaan laba dal waxa ay xidhiidhka isu jaraan marka aanay xabaddu dhuunta uun ka bixin waana xaalad aad u xun siiba laba dal oo jaar ah.

Sidaas ay tahay ayuu Madaxweynaha Somaliland H.E Muuse Biixi cabdi Marti qaad ka helay Xukuumadda Kenya waxana u socdaal ku joogaa waddanka Kenya iyadoo dadweynuhu u dheg taagayaan waxa ka soo bixi doona Kulanka labada ee Madaxweyne ee Uhuru iyo Muuse maanta dhici doona,dhinaca kalena Somalia ayaa iayaduna dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Urur goboleedka Igad,Si kastaba ha ahaatee maanta arrinta waxay tahay mid xiiso leh xagga Somaliland iyo Dhamaan Gobolkaba.

Rashiid Odowaa

rashiidsalan1982@gmail.com

ย 

063-4101213