Xidhiidhka ka dhexeeya nabadda, amniga, xasiloonida iyo maamul wanaaga (WQ: Rashiid Odowaa)

Nabadda ayaa lagu tilmaama inay tahay ta ugu horraysa inta aan laga hadlin wax kale oo bulsho dhisi kara,haddii aynu qeexno macnaha nabadda waa marka aanay jirin cadaawad weerar  iyo cabsi qofka soo wajahda,hase ahaatee cabsida ayaa aad u gudo ballaadhan oo haddii laga cabsi qabo faqri,gaajo,caafimaad darro iyo wax kasta oo nolosha khal khal galin kara wali talo ma saalloona.

John Galtung (1930) oo loo tix geliyo dadka  nabadda aqoonta dheer u yeeshay ayaa Nabadda waxa ku macneyaa waa marka aanay jirin cadaawad kula soo gudboonaata,war war nolosha kaa haysta am caqabad kaa hakisa howsha aad wadato,markasta oo nabad la helo waxay u qaybsantaa nabad negative ( – ) ah waa nabadda aan ku taagnayn cago adag,Matalan waa marka xaaladdii markaas taagnayd in yar oo maare ah loo helay lakiin ay suurto gal tahay in dhibkii jiray soo noqdo,  iyo nabad positive(+ ) ah waa nabadda tiirarka adag leh,nabaddani waxay hodan ku tahay waxyaabihii caawinayay inay nabaddu waarto sida in xaaladda caadi lagu soo celiyo siday waayo ahaan jirtay,in xidhiidhkii bulshada is dhexgalkii iyo is fahamkii soo noqdo,iyo in dhismihii guud ee bulshada la soo celiyo.

Haddaba marka la doonayo in la dhiso nabad waarta waa marka la helo dib u heshiisiin ka dib, waxa laga hortagayaa inaanay dib u soo noqon wixii hore u dhacay oo kale,waxa la abaaraa xididka ay ka soo bilaabantay waxan hore ee la isku seegay,ka dibna halkaas ayaa laga soo bilaabaa daawaynta si fudud ayaana loo heli karaa halkay ka xumaatay sartu.

Marka la dhiso nabadda,howshii halkaas kumay dhamaan haddana waxa muhiim ah nabaddan la helay sidee loo ilalinayaa,waxay ka dhigatahay adigoo helay macdan qaali ah waxay u baahantahay in lagu rido khasnad ka dib quful lagu xidho isla markaana gaadh laga hayo oo hareeraha laga istaago.

Halkaas markay marayso maxaa ilaalin kara haddaba nabadda? Waa in horumar la taaban karo la qaadaa waa in laga xoroobaa Amni darro, dhaqaale xumo ,caafimad darro,jahli gaajo,caddaalad xumo,Musuq maasuq,marka la helo arrimahan nabaddu waa ay sugnaanaysaa.

Marka la doonayo in maamul wanaag la gaadho Xukuumaddu waa inay u fidisaa bulshada adeeg xoog leh mar kasta oo bulshada adeegeedu hagaago,waxa imanaysa maamul wanaag,markaas maamul wanaaggu waxa uu hoggaamiyaa nabadda,marka la isla helo maamul wanaag iyo nabad ayuu iman karaa isla xisaabtan,haddii ay arrimahan isku hagaagaan waxa la gaadhi karaa barwaaqo sooran.

Wa billaahi towfiiq

 

Rashiid Odowaa M.A.Diplomacy and IR

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213