Xil-dhibaan mise Xil-dhuug (WQ: Nasir M. Ali)

Wuxu yidhi: “Hooyadeen Indho la’aan ma ku ogayd”, wuxu ugu jawaabay “Haa”. Wuxu yidhi: “Dad Cunnimana ku darsatay”. Imika waxa sidaa ka dhigan, qoladan Golaha Wakiiladda Somaliland, ee karti darradii iyo xishood darradii, ku darsaday aqoon darro baahsan oo ka haysata waxay u dhaarteen waxay ahayd. Waa iga su’aale horta maan lagu dhaarin Kitaabka iyo inay daacad u yihiin Dastuurka oo ahba seeska Qaranka iyo sababta ay ku noqdeen Xildhibaanada ka hor intii aanay noqonin Xil-dhuugyada.

Waxaan la yaabay ninka 15 sanno Xildhaan ahaa ee kala garan la’, farqiga u dhexeeya Kismaayo iyo Mogadishu. Haddii ay bannaan tahay in Kismaayo la tago tiiyoo xasaanad Qaran la xambaarsan yahay, muxuu Mogadishu godobta uga galayaa illayn waa magaalo Soomaaliyeede, maxaa kaligeed tooshka daba qaaday.

Ninkaa innala hadlay wuxu farriin u diray dadka inta nool ee waxna diidi karta waxna yeeli karta. Wuxu tusaale cad u yahay khasaaraha aynu ka dhaxalnay doorashadoodii oo aynaan mahadanin, wuxu inoo sheegay oo uu dib inoo xasuusiyay “Tacab ba’aa inaanu ahayn xoolo iyo beer keliya, ee xattaa dadku yahay tacab bi’i kara oo lagu khasaari karo sida 82 nin ee uu ka tirsan yahay ninkaasi iyo Innamada goleyaasha deegaanka inoo jooga”!

Ummadyahay tiraa kaa gedmane, wax isu geygeyso – Gudgude, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Bal kooxaha dambe ee aynu keeni doono uun aynu ka fiirsano, haddii kale ku talo-gala cabasho joogta ah.