Xil Ku-Muxaafid (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Xigmad ayaa tidhaa “ Ruuxa Caaqilka ah Carrabkiisa ayaa ka Dambeeya Qalbigiisa, Ruuxa Axmaqa ahna Qalbigiisa ayaa ka Dambeeya Carrabkiisa”. Maskaxda ayaa masaxan, wuxuu shalay sheegay ayuu maanta beeninayaa. Wuu da’yar yahay, wuu se la dhaqan yahay kuwii waaweynaa ee isaga ka horreeyey dhaqankoodii. Markii uu xilka hayey doodda reerkiisu qabo kamuu hadli jirin, wuxuu aamisanaa in dawladda loo daba-fadhiisto wixii shicibka u dan oo reerkiisu ku jiro. Maanta se meel kasta hadal ayuu la taagan yahay oo labada qowlal ayuu ka xumaynayaa sidii awr qooqan. Xilkuu hayey wuxuu ka aaminsanaa inuu ku helay saami-qaybsi ay beeshiisu xaq u lahayd, hasayeeshee reerkoodu aanu ku jirin beelaha laga ciseeyo xarunta madaxtooyada.

Sheekada faqa ah markaad la yeelato wuxuu si cad kuugu sheegayaa in madaxtooyadii ay noqotay mafrish reer leeyahay, oo xittaa ay carruurtii jilibka reer hebel ay kubadda ku ciyaaraan gelinka dambe iyo habeenkii. Waxa aynu u dhawdahay inay ku burburto gacanta ciyaal xaafadka meesha isku kooxaystay. Markaad u kuurgasho wuxuu waayey xaaraantii uu aabihii hore ugu soo koriyey ee biyo dhaceedu ahaa’ reerkayga ayaa markan xaq u leh inay xoolaha ummadda jeebka ku shubtaan markooda’. Wuxuu si hoose iyo sarraba u sheegaa inuu reerkoodu u soo halgamay saarista kursiga madaxweynaha, hasayeeshee aan mudnaantii ay lahaayeen aan la siinin. Laakiin booskii uu ku fadhiyey aanu u qalmi balse uu carruurta biilka uun uga soo saarayey.

Haddii la dhaliilo beelihii cododka ugu badan siiyey madaxweynaha, cirka ayuu u boodayaa oo wuu difaacayaa, ileyn beeshiisii ayaa ku jirtee. Aabihii wuxuu ahaa guulwadde weyn oo lagu yaqaanay hor-boodka hadba madaxda xilka haysa, isaguna kamuu baydhin oo meel badan way isugu imanayaan. Dadku waa laba nooc ‘Nin dagaal iyo nin dublamaasiyadeed’, isagu midna maaha waa se kolba meesha ay maslaxadiisu ku jirto. Kibirka iyo af-taaga waxaad moodaa inuu cirka ka soo dhacay oo uu dadka ka sarreeyo. Waxa aan xusuustaa sheekadii shimbirta Daa’uuska ee ahayd” Shimbirta daa’uusku aad bay u qurux badan tahay, quruxdaasi eebe ku manaystay darteed aad buu isu cajab-geliyey oo isul weynaaday, ka dibna waxa lagu salliday nabar aad u qadhmuun oo aanu weligii bogsan, mar kasta oo uu damaco inuu hawad u duulo ayey boogtu damqataa, markaasuu ku dhacaa niyad-jacab, naxdin iyo liidnimo”

Weligii hadal run ah kuu sheegi mayo, markaad tidhaa maxaad balantii aynu lahayn u jartay wuxuu sheegayaa marmarsiyo amma hawl la soo daristay, laakiin been ah. Luuqada iyo erayada uu ku hadlayaa way wanaagsan yihiin, sida walaal, walaalo, fiican, maansha allah, ilaahay mahadi, al-xamdu li laah, bash bash iyo barwaaqo. Laakiin dhammaan kalmadani hoos uma dhaadhacsana, waa afka barkiisa oo cunaha kama daadagaan. Waayo salad, soon, sako iyo samofal toona midna shuqul kum laha.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com