Markii aan maqlay in Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde noqonayo Guddoomiyaha Waddani runtii waan farxay. Waa nin aan aqoon guud u leeyahay una arko in uu yahay mutacallim waddaniyad leh, oo dalka u tudhi kara, oo aan marnaba looga baqayn in uu xoolo ka urursan doono. Haseyeeshee waxan is weydiinayey halka uu Cirro ka keenay geesinimada intaa leeg iyo sida ay uga dhab tahay in uu xilka ku wareejiyo Xildhibaan Jirde isaga oo aan talada ku guulaysan. Jawaabtii waxan helay markii la qabtay shirkii Golaha Dhexe. Cirro xilkiisii wuu ku faro adaygay, Cabdiqaadir Jirdena wuxu ka kireeyey buudhi siyaasadeed. Afartan arrimood ee so socda ayaan tusaale u ah:
Waa ta koowaade, Cabdiqaadir Jirde kursigan lala doonayaa wuxu marka horeba ahaa โharag sakaaro iiga kac mooyee iga durug ma lehโ. ย Iyadoo sidaas ah ayaa lagula soo fadhiisiiyey Xirsi oo uu ka aqoon badan yahay, ka khibrad badan yahay, kana waayo-aragnimo badan yahay. Xirsi iyo Jirde iska daa in ay kursi kali ah ku wada fadhiistaane may ahayn in ay gole soo wada joogsadaan. Alla maxay Somaliland dad aan waligood isa soo gaadheen is gaadhsiisay?
Kala duwanaanshaha u dhaxeeya Cabdiqaadir Jirde iyo Xirsi intaas oo kaliya maaha. Jirde wuxu u muuqdaa nin wax ka wata beeshiisa, laakiin Xirsi sida aan warka ku hayo waa nin faro-madhan marka laga reebo dhallinyaro uu xaqal-shaahย ย u diro oo uu yidhaa idaacadaha ka soo hadla. Kaaga darane halkii uu ka odhan lahaa Waddani taageera ayuu yidhaa Xirsi baanu taageersan nahay dhaha.
Ta labaad, jagada guddoomiyenimada Cabdiqaadir Jirde waxay ku sifowday odhaahdii Soomaaliyeed ee ahaydย โBiciidka aan dili doono, harragga aan ka saari doono…”ย Ma arrin baa Cirro wuxu Cabdiqaadir Jirde xilka ku wareejin doonaa 45 kadibย haddii uu madaxweyne noqdo. Miyaanay sheekadu hadhow noqon karinย โikhtiyaarka ruuxa leh is-roggu waa u bannaan yahay.โ
Qodobka saddexaad waxa weeyi Xirsi oo durba kursigii ku shiiqiyey Cabdiqaadir Jirde. Haddii xabaal laga hadlayo Hoggaamiye Xirsi baa taagan. Haddii tacsi la dirayo waa Xirsi. Haddii idaacad loo warramayo waa Xirsi. Arrinkan Cirro khalad kuma laha oo wuxu xidhiidh la leeyahay kala duwanaanshaha shakhsiyadda labada hoggaamiye. Cabdiqaadir Jirde dadka aan la dhacsanayni waxay ku xantaan firfircooni yaraan, Xirsina waxay ku xantaan โI arkaay, i maqlaay” Waa su’aale labadooda keebaa idman?
Ugu dambayn, Cirro sida uu sheegay kursiga “guuddoomiyaha” beel dhan ayuu ugu ballan qaaday isagoo ku yidhi “ii codeeya aniguna xisbiga aan idinku wareejiyo.” Suโaashu waxa weeyi haddiiba Cirro guulaysto (uma badnee), xisbiga Waddani ma beesha hoggaamiye Xirsi baa la wareegaysa mise beesha Guddoomye Jirde?
Gabiley ayaa muddo dheer sugaysay gobolnimo. Madaxweyne Rayaale ayaa odayaasha Gabiley oo isku dhan ku yidhi gobol baan idin siinayaaye ma ii codaynaysaan. โHaaโ bay ugu jawaabeen. Markii uu 7 gobbol magacaabay ayuu suโaashii mar kale waydiiyey โMaya” kuu codayn mayno ayay ku yidhaahdeen. Markiiย uu sababta waydiiyeyna waxay ku yidhaahdeen “gobolnimadii aanu moodaynay in aanu kali ku nahay ayaad dadka noola sintayโ. Waxan u malaynayaa in taas teedii ay ka soo socoto beesha gobolka Hawd ee codkeeda loo tartamayo.
Wallaahu aclam.
Ismaaciil Cabdi Warsame
London, UK