Xildhibaannada Baarlamaan ee Sacad Muuse waa Danaystayaal Aan Deegaannadooda Matelin. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Dagaalkii 1977 waxa wasiirka arrimaha dibada ka ahaa Soomaaliya C/raxmaan jaamac barre oo Buluqbuluq lagu xaman jiray. wuxuu ahaa agnaan aan kelmad bulshada u sheegi Karin, kadibna waxa loo bixiyeyโ€ wasiirka xaragada iyo xigmad laโ€™aanta. Ficilkiis ugu weyni wuxuu ahaa xarago iyo is-daawasho. Arkimaysid hal xidhilbaan oo Sacad Muuse ah oo doodaha golaha kaga doodaya in deegaankiisu qabaan tabasho ama mid booqday deegaannadiisa oo wixii uu soo arkay golaha ka dhex sheegaya. Inta badan xildhibaannada deegaannada kale way soo bandhigaan wixii ay qabaan deegaanadoodu. Waxa aynu soo qaadan doonaa xildhibaannada deegaannadooda u dooda.

  1. Xildhibaannada gobolka Awdal intay shirweyne qabsadeen ayey wadatashi ugu tegaan deegaannadooda, waxa ay soo lafa-gureen wixii qabyo taala kuwa ugu mihiimsan. Inta ay soo liis-garayeen ayey golaha soo hordhigeen. Waxa ay la yimaadeen mateleed dhab ah oo wixii deegaannadood ugu mihiimsanaa ayey miiska keeneen.
  2. Xildhibaan Guruuje inta jeer ee uu si shakhsiyan ah ugu dooday deegaankiisa tiro ma leh, oo weliba wasiir Cali Mareexaan ula dooday. Waxa la yidhi โ€˜ Meyd maxaa ugu dambeeyey iyo kaa la siidoโ€™ shalay wuxuu si shakhsiyan ah u difaacay ninka Komishaneerka ah ee ku jira guddiga doorashooyinka ee ay ka cowdeen xubnaha kale. waa deegaankiisa oo intuu culayska haysta ka qaadi karo ayuu isku dayey.
  3. Xildhibaan Raamboo waa kii hore u soo bandhigay wixii uu ku soo arkay gobolkiisa Balay gubadle ee uu golaha la wadaay wixii qabyo yaallay, isaga oo farta ku fiiqay in wax laga qabto. Waa matalaaddii xilkii loo doortay
  4. Xildhibaannada Sacad Muuse karti darrada iyo liidashada haystaa waa nimanka ka hadli laโ€™ lix goobood oo ku yaal waqooyiga Hargaysa oo doorasho kasta ka xayiran oo codod aan tiro lahayni kaga maqan yihiin beeshooda. Iska daa inay tagaan oo indhahooda ku soo arkaane, Hargaysa ayey dhaafi laโ€™yihiin. waxa ay ku mashquulsan yihiin danaysi shakhsi ah iyo mashaariic iyaga dantooda ku jirto, hadh iyo habeen u ordayaan. Waa keli-nooleyaal aan cidna waxba u tarin.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com