Xillima ayaa uu Qaradaawi wax qoraa? Q.2aad (WQ: Hamze Mohamed Muse)

Waxa aanu fiirin jirnay sida aqoonyahankii hore ee muslimiintu uga faa’idaysan jireen waqtiga,sida ay inoogu dhiteeyeen dhiganayaal badan,Imaam Nawawi tusaale ahaan waxa uu geeriyooday isaga oo jira 45 sanno,waxa aanu inooga tagay buug badan oo muhiim ah,sida Rayaadu Al-Saalixiin,Majmuuc,Rawdatu Al-daalibiin,Minhaajka iyo sharaxa uu saaray Saxiixu Muslim,dadkaas ayaa aanu qoraalladooda wax ka akhrin jirnay,wax badan ayay inoo ururiyeen; dadkuna waxa ay ku soo dhaweeyeen gacmo furan iyo daryeel loo fidiyo dhiganayaashooda.

Su’aasha ugu badan ee la i waydiiyaa waxa ay ahayd: xillima ayaa uu wax qoraa? Waxa aan xasuustaa in wariye Maraykan ahi nagu soo booqday Qadar,waxa uu codsaday in uu ila kulmo aniga oo ah xog-hayaha Sheekh Qaradaawi,waxa uu dareensanaa xogaha badan ee Sheekhu khudbadda Jimcaha ku dhex sheego,sida uu wax u qoro, muxaadarrooyinka uu jeediyo iyo sida uu barnaamijyada muuq-baahiyaha uga sii daayo,waxa fajaciso ku noqotay markii uu ogaaday in waxaas oo dhani tahay dedaalka aqooneed ee Sheekha!

Arrintaasi waa ta keentay in aan su’aalo Sheekha waydiimahan:

Goorta uu wax qoro? Sida uu wax u qoro? Qaabka uu u xusho cinwaanada dhiganayaashiisa iyo waxa ay diiradda saarayaan? Ka jawaabidda waydiimahani waxa ay wax u taraysaa dadka daneeya qoraalka,waxa ka dheefaya ardayda cilmiga barata iyaga oo ku hagaya sida ay uga miro dhalin lahaayeen aqoonta,ugana faa’idaysan lahaayeen.

Sheekhu uu iiga jawaabay waydiimahan,waanan sheegi doonaa jawaabihii uu i siiyay aniga oo faah-faahin dheeraad ah oo aanu sheekhu bixin idin siin doona maadaama oo aan la shaqaynayay,una kuurgalay waxa uu ku hawllanyahay………..

La soco taxanahan……………….

Waxa Hal-tebiyey:Hamze Mohamed Muse

Hargaysa,

Somaliland.