Maqaallo taxane ah ayaan ka qori doonaa ย xirfadaha fududย (Soft skills),ย maqaalkeenna maanta waxa aan ku soo qaadanayaa waxa uu yahay wada xaajood, marinnada loo maro, sida loo kobcin karo xirfadaha wadaxaajoodka. Sidoo kale, waxyaabaha keeni kara in uu fashilmo wada xaajoodka.
Waa Maxay Wadaxaajood?
Wada xaajood waxa aan ku qeexi karaa waa habka loo maro wadahadal ย gaar ah, oo u dhaxeeya laba qof iyoย waxii ka badan, waxa ayna ka wada doodayaan arrin taagan,ย dhacday ama dhici doonta si looga gaaro heshiis.
Wada xaajood waxa aan mar kale ku sharraxayaa waa doodo toos ah una dhexeeya dad kala duwan leh na ujeeddooyin kala geddisan, tusaale ahaan ganacsi buu noqon karaa ย ama siyaasad iyo waxii la mid ah.
Badanaa in la wada xaajooda waxa uu ka yimaaddaa hal dhinac dhinacaas oo wax tabanaya ama raadinaaya xal waara. Wadaxaajoodku waa qayb ka mid ah nolosheenna maalin laha ayuu xariir toos ah, iyo mid dadban la leeyahay.
Waanwaan miradhala waxaa loo maraa hannaan kala duwan hannaanka loo maro waxa aan ka tibaaxi doonaa dhawr qodob oo kala ah:
Diyaargaroow: Waa in aad u diyaargarowdaa, tagtaana goobta uu ka dhacaaya kulanka taqaanaana goโaannada looga baahanyahay in la qaato waqtiga la qaadanaayo kana foโgaataa wax walba oo burburin kara in uu sii socda wada xaajoodka. Boqolkiiba sagaashan in uu guuleysto wada xaajoodka waxa ay ku xirantahay haddaba sida aad u diyaargarowdid mar walba oo diyaargarow kaaga uu wanaagsanaada waxa aad filanaysaa in aad hesho natiijo aad ku faraxdo.
Doodfuran: ย Doodda inta lagu guda jira waa in aad soo bandhigtaa dood la fahmi kara, kuna taagan xaqiiqooyin, caddaymo u cuntami kara dhinaca kale, dhagaysataan oo ย wayddiisana wayddiimoย wixii ย aad fahmi waydo adoo ilaalineysid anshaxa. Waa in ay kuu cadyihiin yoolsha aad rabto in aad ka gaadho wada xaajoodkaaga.
Heshiis: Heshiis la gaaro waa in labada dhinac isla fahansanyihiin kana dhawrayaan waxwalba oo dhibaata ama carqaladayn kara.
Dhaqangalin: Heshiiska la gaaray waa in laba dhinac ka wadashaqeeyaan qaabka loo dhaqangalin lahaa ficil ahaan loogu baddeli lahaa.
Qarnigaan aan ku jirno xirfadaha wadaxaajoodka waxa ay ka midyihiin xirfadaha ugu muhiimsan loona baahanyahay in la barto lana horumariyo.
Xirfadaha lagaaga baahanyahay in aad taqaano si aad u noqo wada xaajoode wanaagsan.
Dhageysiga: Marka aad ku gudajiro wadaxaajoodka waa in aad awoodaa in aad dhageysataa dhinaca kale dhuuxdaana waxa afkooda ka soo baxaaya si taxaddar ku dheehantahay.
Xallinta khilaafaadka: Waa in aad awood u leedahay in aad xalliso khilaafyada soo wajahaya inta uu socdo doodad dhibaata kastanaย aad falanqeysaa kanaย ย eegtaa dhinaca wanaagsanย kana feejignaataa in aad abuurto wax walboo lagu kala foggaan karo.
Maamulidda dareennadaada: waa muhiimย inta lagu gudda jiro wada xaajoodkaย in aad u xakameysaa dareenadaada sida carada oo kale.
Goโaan qaadasho: Ka feker inta aadan qaadan goโaanka in uu yahay goโaan kii ku haboon waqti xaadirkan haddii ay jiraan xubno kale ka qaybgali talana ha ku darsadaan.
Waqti qaado: Hubi wax walba in ay u socdaan sidii ugu macquulsanayd, kana wada hadashaan walba oo idin quseeya si daahfuran.ย Hana ย ku degdegin in aad si dhaqsa ah wax walba aad u hirgalisid ka fiirsasho badan samee latasho qolada aad ka wada shaqeyneysaan wada xaajoodka in uu miradhalo.
Wadaxaajoodka marwalba oo la isku fami waayo xalna laga gaari waayo waxaa ka dhasha in lakala foggaada colaadna abuuranto la kala dido qolo walbana dhinacdeeda dhinaca kale ku eedeyso in qayb libaax le ka qaateen in ay abuureen qalalaaso.
Qaybtaan dambe maqaalkeen waxa aan ku lafagurayaa waxyaabaha keena fashilka wadaxaajoodka waxaana ka mid ah:
- In aan loo diyaargaroobin halkii lagu kulmi lahaa lana qorsheyn waxii laga wada hadli lahaa.
- In aan laga shaqayn jawi lagu wada xaajooda lana dejin xeerarkii kala hagi lahaa labada dhinac haddii uu yimaado khilaad lana aqoon qaabka loo maareynaayo.
- Qodobka ugu weyn waxaa weeyaan in aan la dhisin marinnada lagu wada xariiraayo haddii ay noqon laheyd isgaadhsiintii lana adeegsan lahaa goobtii lagu wada kulmi lahaa.
- In ayna jirin is aaminaad iyo xushmeyn gaar ah.
- Marka horaba waxaa laga cabsi qabaa in aan lagu guuleysaneyn wada xaajoodkaan.
Abuubakar cabdillaahi Maxamed (Duceysane)