Xirsi iyo Xaashi: Balankii Xaashi Ee Sanadka Qaatay Ee Xirsi Saacada Kaga Jawaabay (WQ: Maslax Salebaan Sidde)

Xirsi iyo Xaashi
Balankii Xaashi Ee Sanadka Qaatay Ee Xirsi Saacada Kaga Jawaabay

Tariikhdu Markay Ahayd 2013 Ayaa Odayaal Iyo Masuiyiin Kasoo Jeeda Deg Oog (Saraar) Oo Ah Degaanka Sida Gaarkaa Ex Wasiir Xaashi Ugu Abtirsado Ayaa Hargaysa Kula Kulmay Wasiir Xaashi Oo Xiligaa Ahaa Wasiirkii Duulista Iyo Hawada Somaliland Xukuumadii Siilanyo

Wada Sheekaysi Dheer Oo Dhex Maray Xaashi Iyo Waftigii Oog Ka Socotay Ka Dib
Odayaashi Waxay Ka Codsadeen Inuu Siiyo Gaadhi Police Madaama Uu Yahay Wasiirkii Degaanka Oogna Tahay Degmo Ka Mid Ah Degmooyinka Gobolka Saraar
Wasiirku Waxa Si Sharaf Leh Ayuu U Balan Qaaday Odayaashi Inuu Siinayo Gaadhiga Ay Codsadeen Intaasi Ka Dib Waa La Kala Tagay, Odayaashi Dhawr Jeer Ayay Hargaysa Yimaadeen Iyagoo Daba Socda Balankii Rabana Gaadhigii Muddo Ayay Qaadatay 2014 Ayaa Iyadoo Aan Xaashi Wali Gaadhigii Kasoo Bixin Colaadi Ka Dhacday Degaanka Doclaha Oo Ay Ku Dagaalameen Laba Belood Oo Walaalo Ah Waxa Yimi Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirkii Madaxtooyada Ee Xiligaas Haatan Ah Hogaamiyaha Wadani Xirsi Waxa Waftiga Ka Mid Wasiir Cabdirisaaq Khaliil Oo Ahaa Wasiirkii Hawlaha Guud Wasiir Cali Warancade Wasiirka Arimaha Gudaha Wasiir Cadaani Oo Waqtigaa W/ M.aaliyada Joogay Xeer Ilaaliyihiid Guud Ee Xiligaas Oo Mar Danbe Muqdisho Ka Noqday Gudoomiye Maxkmadeed Iyo Rag Kaloo Anaan Xasuusan Maslax Ahaan Waxaan Ka Mid Ahaa Ragii Warbaahinta Ee Tabinayay.

Dhacdooyinka Waftiga Iyo Xalka Degaanka Waftigii Waxay Xarun Ka Dhigteen Oo Habeenkii Kusoo Hoyan Jireen Hotel Sool Safaari Ee Degmada Oog Hadaba Goor Galaba Oo Abaaro 4: 30 Pm Ay Tahay Ayaanu Waxaanu Soo Galnay Ganjeelka Danbe Ee Hoteelka Oo Waftigu Joogto Waxa Kaligii Meel Fadhiya Oo Page Kiisa Isticmaalaya Shaqada Qaranka Halkaa Ka Maamulaya Hogaamiye Xirsi Oo Ahaa Wasiirka Madaxtooyada Hawshadan Mishiin Ka Ahaa Waxaanu Meesha Ku Joognaa 4 Wariye Oo Xirsi Sugaaya Markaa Waxaanu Sugaynaa Inaanu Firaaqo Ka Helno Si Aanu Ugula Hadalno Hawlo Noo Qorshaysnaa Waxaana Fariintayada Qaaday Oo Wasiirka U Sheegay In Aanu Sugayno Safiir Ku Xigeenka Dalka Kenya U Fadhiya Sharmaake Geele Oo Ah Xoghaynta Wasiirka.

Anagoo Meeshi Taagan Oo Sugayna Jawaab Celinta Sharmaake Ayaa Waxa Soo Galay Odayaal Iyo Aqooyahan Oo Ay Ka Mid Yihii Maamulkii Oog Oo uu Hogaaminayo Maayirkii Waqtigaa Oo Hada Ahayn Maayirka Iminka Madaama Xirsi Yahay Wasiir Culus Baahiyo Badan Oo Degmada Ayay Kala Hadleen Oo Kaw Ka Tahay Arintii Gaadhiga Police Ee Xaashi Sanad Ka Hor Kala Hadleen Hadalka Dalabka Waanu Maqlaynaa Oo Meel Fog Ma Jirno Ta Falcelinta xirsina Waanu Maqlaynaa.

Xirsi Waxa Uu Hadalka Ku Bilaabay Baahiyaankiina Wixii Aan Hadda Wax Ka Qaban Waan Ka Qabanaya Wixii Qorshe Iyo Waqti Kalaana Waan Idinkala Shaqaynayaa Waxa Uu Raciyey Madaama Oog Ay Muhiim U Tahay Arinta Nabad Galyada Iminkana Xaalad Nabad Galyo U Joogno Arinta Gaadhiga Police Iyadu Waa Kama Kacdo Hadaana Ayaan Idinku Wareejinaya Xirsi Waxa Uu Goobta Ku Wareejiyey Gaadhi Xaajiyada Oo Isagu Si Gaara U Lahaa Oo Markii Uu Soo Baxayay Gadiidka Waftiga Lagu Soo Xoojiyey.

Odayaashi Gaadhiga Police ka Xaashi Sanadka Kaga Waayay Saacad Ayay Xirsi Kaga Heleen
Ninkastaa Waxa Uu Beerto Ayuu Goostaa.

WQ: Maslax Salebaan Sidde