Dawladdii Dhexe ee Somalia markii ay burburtay 1991, dagaallo wejiyo badan leh oo kala duwan ayaa ka dhacay Somalia (the former Italian colony). Sanadkii 2004 dawladdi lagu soo dhisay Kiiniya qaladkii u horayay ee ay samaysay ayay dawlad walba oo ku xigtay tuurta ku qaadatay. Iyaga oo aan meel maamulin oo aan dib-u-heshiisiin samayn si dadka is-dilay isku aamino, ayay aamineen inay dawlad yihiin oo u dhaqmeen sidii dawlad. 17kaas sanadood hadii ay awoodda saari lahaayeen dib-u-heshiisiinta, nabad dhiska iyo dawlad dhiska xaalku sida uu caawa yahay wuu dhaami lahaa.
Madaxwayne Farmaajo si la mid ah odayadii ka horeeyey waxa uu isku qaatay inuu yahay madaxwayne maamula dal. Runtu waxa ay tahay in dawladdu haysatay aqoonsi debedeed (external recognition), balse inaanay dalka gudihiisa wada xukumin. Sidaasdarteed, hadii u doorasho hal cod iyo hal qof ah uu ku samayn kari waayay mudadii la doortay, waxa ay ahayd inuu qabto waxa suurtagalka ah. Ilmuhu isma taago isaga oo aan weli fadhiisan oo aan guurguuran. Dal doorasho kama qaban kartid adiga oo aan xitaa 1/3 xukumin.
Korodhsiga oo ah dhaqan qaldan waxa uu keenay in lagala noqday aqoonsigii debedeed ama ugu yaraan hoos loo dhigay.
Caawa waxa la gudboon Madaxwayne Farmaajo inuu garwaaqsado taagta Somalia oo uu aqballo wada hadal uu la gallo dhinacyada oo dhan. Wada hadalkaas oo ku biyo shubta wax heshiis lagu yahay. Waxa aan shaki ku jirin in Muqdisho aanay u baahnayn dagaal hor leh. Waxa ay taasi u dan tahay al Shabaab. Waxa ay hallis ku sii tahay amaanka Geeska Afrika oo dhan.
WQ: Guuleed Dafac.