Xisbiyada Siyaasadda iyo Qabyaaladda (WQ: Xasan Ciise Raage)

Hordhac

Soomaaliland waxa ay ku dhawaaqday in ay madax banaanideeda kala soo noqotay Jamhuuriyadii Soomaaliya bishii May 18keedii sanadkii 1991 kii ka dib dagaal dheer oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantidyeed iyo bakac baahsan, shirkii ay beelaha wada dega Soomaaliland isugu yimaadeen magaalada Burco waxaa lagu xaliyey khilaaf siyaasadeed iyo mid beeleed ee u dhaxeeyey shacabka ku uuman Soomaaliland.

Waxa ay soo martey jaranjaro iyo marxalado kala duwan waxaa shikii Boorama lagu ansixiyey nooca dawladnimo iyo axdi qarameed ay mar kale isku raaceen siyaasiyiin iyo wax garad ka socday beelaha ASoomaaliland dawladaas oo noqoday nooca xisbiyada badan iyo hanaanka uu madaxweynuhu hogaamiyom.

Dastuurka Soomaaliland oo afti dadweyne lagu ansixiyey sanadkii 2001dii waxa uu si fiican u qeexayaa nooca xisbiyada la sameyn karo iyo kuwa mamnuuca ah ee aan la ogolayn waxaanu leeyahay marka aad eegto qodobka 11aad waxa uu u dhigan yahay sidan kaasi oo ka hadlaaya nidaam siyaasadeedka dalka.

  1. Nidaamka Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Soomaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.
  2. Tirada Xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan Saddex Xisbi.
  3. Iyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo Xisbi siyaasi ah, waxa reeban in Xisbi lagu dhiso Gobolaysi iyo Qabyaalad.[1]

sidoo kale dastuurku waxa ee cadeynayaa in aanay mudaadiniintu ku kala sareyn isir hayb dhalasho abtirsiin iyo Deegan intaba waxaanu u dhigan yahay sidan  qodobkaasi.

Kala sarreynta iyo takoorka ku salaysan isirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihin[2]

Mar hadii sidaas dastruuka ay beelaha Soomaaliland ku heshiiyeen u reebayo wixii kala gaynaya umada ma yahay maanta mid ay ku dhaqmaan siyaasiyiinta hogaanka haya ama mucaaradka ah ee hogaamiya xisbiyada aan wali talada dalka faraha ku dhigin?

Mase odhan karnaa siyaasiyiintu igayaa hor boodaya in qabyaaladii dib loogu noqdo oo aan raacayn habka uu u dhigan  yahay dastuurka ay ummadu dhigatay?

Abuurida Urur ama Xisbi Siyaasadeed:

Marka la amaamudayo xisbi ama urur siyaasadeed sida aa nog nahay jamhuuriyada Soomaliland waxaa la ogol yahay sadex xisbi kaliya oo ku soo baxa tartan doorasho oo ay tartameen ururo siyaasadeed oo badan inta badan siyaasiyiinta u xayta in ay sameeyaan urur siyaasadeed ama xisbi waxa ay jabiyaan markaaba qodobka sadexaad ee dastuurka ee odhanaya waxaa reeban xisbi siyaasadeed lagu abuuro deegaan ama qolo, waxaanay ahayd in lagu abuuro mabaadi’ iyo dad isku fikrad ah meesha ay doonaan ha kala joogaane.

Imika waxaa caadi iska noqtey in xisbi walba uu qof ka soo jeeda beesha dhexe madax ka noqdo ku xigeenkiisuna noqdo mid reer Awdal ah waa dhaqamada muujinaya in siyaasada la qabyaaladeynayo , maxaa ka hor jooga mid reer Awdal ahi ama reer Laascaanood ahi in uu xisbi madax ka noqdo waxa dastuurka ku qoran oo diidaya ma jiro laakiin sidaas uunbay dhaqan ka  dhigteen siyaasiyiinta hada joogtaa.

Markaa waxaa qurux badnayd in qofkii han siyaasadeed lihiba isku soo sharaxo jagada hogaaminta xisbiga uu rabo meesha uu doono ha ka soo jeedo, ha ku guulaysto ama ha ku guul daraysto dhib ma leh markaa laba beesha dhexe ahi in ay isku xigaan ama reer Awdal ah ama reer Sool ama Sanaag ah mar hadii tartan xalaal ah la galayo.haday doonaan is waydaarba ha ahaadaan oo kuwa cidhdifyadu yaga oo gudoomiye ah kuwa dhexena ku xigeen ha u noqdaan laakiin ha laga daawo in ay waajib noqoto sida ay hada wax yihiin.

Waxaa kale oo aan is leeyahay in ay qabyaalada yarayn karto waxaa jirta xisbiyadu in ay hawl wadeeno ka magacawdaan degmooyinka, gobolada iyo xafisyadooda dhexeba kuwaas waxaa quman in ay ku doortaan badhkooda kartida aqoonta iyo mabda’a xisbiga sida uu u taageersan yahay ee aan lagu dooran reer hebel halkaa gee reerka kalena halkaa, sidoo kale dadka maamulka meelaha farsamada qabanaya in ay ku qaataan qaab xayeysiin iyo ogaysiis ah oo dadku u tartamaan oo imtixaan laga qaado ka dibna cidii guulaysta sidaas jagada lagu siiyo.

Habka Doorashada Baarlamaanka iyo Golaha Deegaanada

Doorashooyinka labadan qaybood waxa ay kaalin muhiim ah ka qaataan fidinta iyo abuurida qabyaalada in yar way ka duwan tahay tan madaxnimadu waayo  lix qof oo sadexda xisbi ka soo kala jeeda uun baa la dooranayaa kolayna qof uun baa la dooran lahaa, laakiin qolyaha deegaanka iyo baarlaanka ku tartama iyada oo tiradoodu badan tahay hadana ma jirto deegaan rasmi ah oo ay matalayaan oo ay ka soo jeedaan, hadii aad u fiirsato 25 xubnood ee golaha deegaanka Hargaysa ama 21 xubnood ee Boorama ma jiro mina deegaan ama xaafad gaar ah oo u matalayo oo uu ka soo jeedo waxaana lo soo doortay qaab beelaysan.

Waxaana ka qurux badnaan lahayd in xaafad walba tartan loo galo inta musharax ee ay soo saari karto halkaasan ay ku soo kala baxaan lana garanayo xildhibaan kastaa meesha uu matalayo ilayn deegaanka oo dhan ma wada matalayee sidaas oo kale waa in loo qoondeeyaa xubanaha baarlamaanka ku tartamaya in ay deegaano go’an midkiiba yeesho iyada oo aan loo eegayn beesha iyo dadka goobta degan ee loo eegayo ayaa waxa y qaban kara ama matali kara dadka goobtaas degan

Marka hay’adaha dawalada ee kala duwan iyo gudiga doorshada waxaa u yaala in ay xadeeyaan tirade qofka xildhibaanka ahi ku soo baxayo iyo goobaha ay ka tartami karaan in la xadeeyo oo la kala magacaabo lagana daayo isku dhax daadsan kan abuuri kara fidno.

Waxaa kale oo iyaduna u baahan in la habeeyo qaabka ololaha doorshada oo buuqa iyo isku soo bixitaanka maalinba xisbi ama qolo la siinayo lag badalo in dadka ololaysanayaa ay ku booqdaan dadka goobaha shaqada suuqayada iyo meelaha kale la iskana daayo in buuq inta magaalada lala dhax maro meel dadka lagu soo ururiyo.

Mudanayaasha ha La Xisaabiyo

Doorasho kasta oo aan galno xisbiyada, mudanayaasha iyo madaxdad soo baxda waxa ay balan qaadaanyaan waxyaabi badan oo fiican laakiin cidi ma waydiiso oo kama daba tagto maxaad qabatay lama yidhaahdo, inta badana waa been oo ma fuliyaan waxa ay balan qaadeen dadkuna kama daba tagaan hadii ay taasi dhici lahayd waxaa laga yaabai lahaa in qofku xishoon lahaa oo uu isku dayi lahaa in uu sameeyo waxa uu karayo.

Sharci ahaana waxaa khalad ah ama mamnuuc ah in qofku balan qaado ama ku dhawaaqo wxa aanu sameynneyn ama kareynba waxaana aayada labaad ee suuratu Saf sheegaysa “ Maxaad u odhanaysaan wax aydaan Sameyn kareyn” , waqtigii Rasuulka (SCW) ayaa waxaa dhacday haweenay in ay ilmo ay dhashay u yeedhay waxaanay ku sasabatey gacan madhan ama wax aanay markaa hayn waxaany Rasuulku ku yidhi : “ Been ha u sheegin waxa jira uun ugu yeedh” ama hadal micnihiisu sidaas ahaa markaa hadii la diiday hooyadu in ilmaheeda been ku sasabato maxay kula tahay ummad dhan in been loo sheego ama wixii la balan qaaday meel uu maro la garan waayo.

Waa waxyaabaha ay qabyaaladu u noqtay asturka oo beenta iyo balan qaadka aan jirin cidna waxba lagama waydiin karo waayo qofkan waxaa doortay reerkiisa ee ma ah mid ummad xil u haya mar haduu xun yahay iyo haduu fiican yahayba waxaa meesha keenay qabiilkiisa mar haduu reerkiisa u joogana tuugnimo, xumaan iyo qof liitaaba waa iskaga mid.

Ummadu waxaa la odhan karaa waxa ay tahay waa mid jirta marka ay dadkeeda qaab qawmiyadeed ay tix galin ugu muujinayso ee aanu dadku kala sareyn dhinac walba loona arko dadka kuwo siman dhinac walba xaga akhlaaqda iyo cabsida Eebe mooye.

 

[1] Dastuurka Somaliland  xubinta 2aad mabaadi’da guud bayjka  5aad

[2] Dastuurka Somaliland sinanta muwaadinka  xubinta 1aad bayjka 4aad