Xoree Garaadkaaga oo Jebi dabarka “Confirmation Bias” -ka! (WQ: Dr- Abdikarim D Hassan)

Halkee aragtiddaada, fikradahaaga iyo waxyaalaha aad sida yaqiinta ah u aaminsan tahay ka yimaadaan? Hadii aad ka midd tahay dadka caadiga ah waxa xaqiiqo ah in aad naftaada ka aaminsan tahay qof caqliga si sax ah u adeegsada, qof afkaartiisu isu miisaamantahay, qof garaadkiisu ku salaysan yahay sannado badan oo khibrad ah iyo gorfayn mug wayn oo aad ku samayso xogta aad hesho, waxaad iska aaminsantahay qof go’aanaddiisu ku qotomaan ka fiirsi, dhexdhexaadnimo iyo degannaan. Sidaa darteed dadka intooda badan way damaqdaa hadii si toos ah ama si dadban loo duro aragtidooda ama su’aal looga keeno caqli-galnimada afkaartooda.

Xaqiiqadu waxay tahay, dhamaanteen waxaynu khatar ugu jirnaa mushkilad aynaan aalaaba dareemin in ay usoo dusto garaadkeena. Arrintan cilmiga saykoolajigu waxa uu u yaqaanaa Confirmation bias.

Ururka saykolojiga ee maraykanka (American Psychologists Association) waxay “Confirmation Bias” ku qeexaan:

“Maskaxdeenu waxay xulataa oo si gaar ah ugu xaglisaa xogta sii xoogaysa afkaar aynu horeba ugu qanacsanayn, sidoo kale waxay iska dhego-marisaa xogta wareemi karta ama duri karta aragtideena”

Waxaad suuraysaa qof aaminsan in qofka wadaadka lagu tilmaamaa uu yahay dhabcaal ; qofkaasi markasta oo uu arko qof leh astaamaha wadaaddada lagu asteeyo oo waxoogaa gacan adkaan ahi ka muuqato, waxa uu u turjuntaa xaqiiqo xoojinaysa aragtida dhabcaalnimada ee uu wadaadka ka qabo. Hasayeeshee, hadii uu arko dadka uu wadaadka u yaqaan oo gacan furan, deeqsinimo ku cadahay, dhiiri-gelinaya wax huridda uma dhaadhiciyo qalbigiisa  waanu iska dhego mariyaa. Kaasi waa tusaale sharaxaya sida qofku u sii xoojiyo sawir qaldan oo uu ka haysto koox dad ah isagoo dhaadid la’aan u xulannaya daliillo xoojinaya fikradisa; taas ayaa la yidhaa  Confirmation Bias.

“Confirmation Bias” waxa ay saamayn wayn ku yeelataa habka maskaxdeenu xogta u ururiso, sida ay u taxliiliso, iyo sida ay u kaydiso. Tusaale, qofka arrin siyaasadeed taageersan waxa uu xulasho ku raadiyaa wixii war ah ee arrinkaas uu taageersan yahay xoojinaya.

Macluumaadka aan si qurxoon usoo bandhigayn arrinkaas ama wuu is baal mariyaa ama waxa uu saaraa fasiraad la jaan-qaadi karta rabitaankiiisa. Dhan u xaglinta noocan ah waxa ku caan ah taageerayaasha axsaabta siyaasada, ururo diimeedyada, iyo taageerayaasha kooxaha ciyaaraha.

Aqoonyahan la odhan jiray  Cathcart Wason ayaa 1960 wuxuu sameeyay tijaabo uu u bixiyay “Wason’s rule discovery task” oo uu ku xaqiijinayo fikrada ay ku samaysan tahay Confirmation Bias-ku. Tijaabada Mr Wason waxay cadaysay in maskaxda qofku ay naqaysato xogta sii xoojinayso uun mabda’ uu aaminsanaa.

Nasiib daro mushkiladani waxay innaga hor joogsataa in aynu ku dhiirano naqdiyidda afkaarteena iyo in qofku su’aal iska waydiino dhexdhexaadnimada ra’yigiisa. Waxay inaga indhasaabtaa toosnaanta aragtiyaha inaga soo horjeeda. Qalafsannaanta garaadka qofku waxay yaraysaa in meel dhexe la isugu yimaado iyo in qofku la jaallo aragto ka duwan tiisa (compromise and tolerance).

Confirmation Bias waxay kaloo saamayn kartaa xirfada shaqo ee qofka. Ninka la yidhaa Peter O Gray ayaa buugiisa the Psychology, waxay uu ku sharaxayaa in Confirmation bias ku dhici karto dhakhtarrada.

Mr Peter waxa uu qoray “Dhakhtarku haddii uu judhiiba isa siiyo in bukaanku xannuun hebel qabo, waxa uu bilaabaa in uu qofka waydiiyo su’aalo qofka ku jihaynaya xannuunka dhakhtarku niyada gashaday, waxa uu raadiyaa daliil xoojiya tuhunkiisa, ugu danbayn waxa uu dalbaa shaybaadh sii cadayn kara xannuunka uu raadinayo”  dariiqani waxa uu keeni karaa natiijo qaldan oo ku gebo-gebowda in bukaankii lasiiyo dawo qaldan.

Peter Gray oo ahaa nin saykoolajiga ku xeel-dheer waxa uu ku taliyay in dhakhaatiirta lagu tababaro hab-fikirka loo yaqaan “Inductive reasoning”. Tababarkan oo dhakhaatiirta ku baraarujin kara in ay ka digtoonaadaan xaglinta noocan oo kale ah.

Maskaxdoodana u furi karta suurto galnimada natiijooyin ka duwan waxa ay filayaan.

“Confirmation Bias” waxa ay saamayn taban ku leedahay hal-abuurka iyo hagidda cilmi-baadhisaha. Waxa xusid muddan in awooda gorfayneed ee garaadka qofku waxay ku salaysan tahay laba shaqo oo kala ah Challenge avoidance iyo Reinforcement seeking. Challenge avoidance waxa weeye qofku waxa uu neceb yahay in aragtidiisa qaladnimadeeda la xaqiijiyo. Reinforcement seeking waxa weeye qofka waxa u asal ah in uu ku raaxaysto marka ay caddaato in aragtidiisu sax tahay.

Qofku si uu labadaa arrimoodba isula helo waxa uu adeegsadaa “Confirmation Bias”. Qofka hal-abuurka iyo fikrad-dhalinta leh waa in uu ka xoroobo Confirmation Bias. Waa in aanu isu mashxaradin ee uu aragtidiisa dhallaaliyaa is uu god-dalloolo uga raadiyo. Waa in uu diyaar u yahay in uu qaldami karo, jirina karto aragti ka duwan tiisa oo kana saxsan.

Marka laga hadlayo xidhiidhka qoyska su’aal yool-baadh ah ayaa tidhaa.. Ma waxaad rabtaa in aad sax noqoto, mise in aad farxad hesho?!!. “Confirmation Bias” waxay la shaqaysaa qaybta garaadka ee raadisa in aad markasta sax ahaato. Hadii Confirmation Bias-ku ku hogaamiyo si degdeg ah ayuu kaaga lalin doonaa xayn-daabta lammaane-nimada. Qofku waa in uu maskaxda u furo in lammaanihiisu ka saxsannaan karo, isaguna noqon karo midd ka wada-noolaanshahooda xagal daacinaya. Ogow wixii garaadka qofka ka daadega ayaa fulintiisuna fududahay.

Meelaha “Confirmation Bias” ay saamayso waxa ka midd ah Hogaaminta iyo maamulka. Hadii hogaamiyuhu isku qanciyo in toobiyaha uu qaaday uu yahay ka keli ah ee toosan, laguna gaadhi karo guul, waxa uu indhaha ka lillin doonaa dhammaan xogta tilmaamaysa tub kale oo ka gaabnaan karta, kana habaas iyo hanfi yaraan karta midda hoggaamiyuhu hayaanka u wado. Waxa dhacaysa in hoggaamiyuhu is diidsiiyo tallooyin iyo xal hal-abuurnimo heersare ahi ka muuqato.

Hoggaamiyuhu hadii aanu xakamayn “Confirmation Bias-kiisa, waa hubaal in kubka iyo bowdadaba laga jabi-doono, bulshaduna ay goosan goosan u dabayl raaci doonto, haad iyo haanraawena ka hiigi doonaan.

Baraha Bulshada ee internetka (Social Media) waxay naaxiyaan arrintan aynu ku magacownay Confirmation bias. Sida uu hindisay Eli Pariser, waxa jira erey bixin loogu yeedho xaaladahan sida “Filter bubble” iyo “echo chamber”. erey bixintan oo tilmaamaysa baraha bulshadu ay dadka ukala irdheeyaan iyagoo dadka inta isku aragtida ah uun isku ururinaya.

Qadiyadan oo ah nooc ka mid ah Confirmation Bias ka mar danbe ayaa si waafi ah ugu qaadaa dhigi doonaa bogan.

Hadii aad soo gaadhay gebogebada maqaalka, waxa suuro gal ah in aad isku qancisay in adigu aad tahay qof maskax furan oo ka xoroobay Confirmation Bias-ka aan ka sheekeeyay.

Dhamaanteen isqancintaasi waynu wada leenahay, hasayeeshe in aad u yar ayaa asalankaba dareensan in ay xusul duub ugu jiraan gaadhitaanka “saxsannaan buuxda”. Dib u eeg aragtidaada, qiimee waxa aad aaminsan tahay, kal furan ku dareen fikirka kaasoo horjeeda, ka dibna u laab furnow in aad ilduufi karto, una diyaar ahow in aad jihada bedesho.

Cudur daar:

Maan awoodin in aan helo erey Soomaali ah oo aan ku turjumo ereygan ingiriisiga ah ee mowduucu ku saabsan yahay .. Confirmation bias.

hadii aad hesho erey ku habboon fadlan nala wadaag, magaalkana sii gudbi.