Xorriyad-hadal iyo Xaqa muwaadinka (WQ: Barkhad M Kaariye)

Dhawr sanno ka hor ayaa wefti Madaxweynihii hore ee JSL Md. Axmed M. Maxamuud (Siilaanyo) uu hoggaaminayaa safar dibadeed u baxay. Warar badan oo safarkaa iyo ciddii uu la kulmay la xidhiidha ayaa warbaahintu baahisay. Ereyada qaarkood ay warbaahinta iyo masuuliyiintii dawladduba ku celcelinayeen baan u arkay inaanay ahayn kuwo dadka war looga dhig, sida “Roog cas baa lagu soo dhaweeyay!” Hassan Madar oo masuuliyiinta xukuumadda ahaa wakhtigaa, ayaan waydiiyay sababta hadallada qaarkood oo buunbuunin iila muuqday u adeegsanayso xukuumaddu! Wuxuu si deggan ii yidhi hadal dulucdiisu ahayd; Wararka intaad ku leedihiin (Shacab ahaan) uun ka qaata oo wararka aan la idiinku talogelin ha isku mashquulinina! Hadalkaasi waan ka garaabay oo macquul buu iila muuqday.

La-xisaabtanku furan oo waliba si adag in loola xisaabtamo laamaha dawladda oo dhan, waliba xogta iyo wararka in wax laga waydiiyo, waxna la iska waydiiyo. Waa xaq dastuuri ah. Waxyaabaha aan marna garowshiyaha lahayn ee masuuliyiinta qaarkood ku kacaan oo xorriyaadka muwaadinka taabanaya ayaa iyana jira. Sida ku xusan Xeerka Saxaafadda JSL ee X Lr 27/2004, Dastuurka Qaranka qodobkiisa 32aad iyo kuwo badan oo kale, muwaadinku xaq buu u leeyahay xorriyad-hadalka iyo xaqa war helista, waxaanan u arkaa kuwo aan baryo iyo hebel ku-tagri-fala aan lagu aqbali karin. Waxa iyana in lala akhriyo u baahan qodobka 24aad, faqradda 4aad ee Dastuurka laftiisa oo tilmaamaya in ra’yi-dhiibashadu aanay xadhkaha goosan ee loo meel-dayo! Yaynaan qodobbada dastuurka qaarna ku eeran, qaarna eersan.

Aan ku noqdo hadalkii Xasan ee berigaas. Waxaan uga garaabay in dalalka dunnida xog kasta oo bannaan-yaal ahi aanay jirin. Waxa kale oo aan gar u arkay in laga wacan yahay dad hortoodba reer Somaliland inaanay iyagu hadallada Qarannimada khuseeya, ciddii doontaa ha tidhaahdee, aanay beensigeeda iyo dacaayad-ku-furisteeda aanay u baratamin! Kama hadlayo haddalada siyaasiga ah ee xukuumad, Xisbi iyo cid gaar ahi taageero gaar u ah ku raadsanayso, hase ahaatee wixii astaamaha dawladnimo khuseeya ayaa hadalkaygani daarran yahay inaynaan uuro ku kicin innagu!