Xorriyada Hadalka iyo Dunida (WQ: Prof-Abdi Ali Jama)

Waddamada aynu u naqaanno in ay hore u mareen, marka laga hadlayo xorriyatal qalwlka, Inta aan ka fahmay xakamaha saaran wuu kala duwan yahay saxaafadda iyo hadalka qof meel ka jeediyo; waxa kale oo kala duwan marka wax laga sheego qof madax ah iyo marka wax laga yidhaa qof muwaadin ah oo aan wax xil ah hayn!!

Waxa kale oo aad fahmaysaa marka aad sii dheegato xeerarkooda in kolka madaxda la durayo in saxaafadda looga dulqaad badan yahay hadalka qof meel ka jeediyo ee lagu dhaliilayo qof madaxa. Dhinaca kale, in qof madaxa wax laga sheego ayaa looga dulqaad badan yahay in wax laga sheego qof aan xil hayn.

Haddii uu dacwoodo qof xil haya oo wax laga sheegay, , shuruucdu inta badan uma hiiliso qofka madaxda ah, waxayna u dhawdahay in aan danbi lagu helin qofka wax ka sheegay ama wax ka qoray; sababtu waxa weeye Garsoorka oo ku shaqaynaya, isla markaana xoojinaya mabda xorriyatal qawlka ee Dastuuriga ah, kaasoo la ogyahay cidda kowaad ee cadawga u ahi in ay yihiin dadka awoodda dawladda ama xilalka haya!!; Haddiise qofka dacwoonayaa uu yahay qof muwaadin ah oo aan xil hayn, kaas oo la ceebeeyey ama sharaftiisa meel lagaga dhacay, inta badan isagaa guulaysta oo kiiska loo xukumaa.

Si kastaba ha ahaatee, waxay isku raacsan yihiin shuruucda waddamada hore u maray in aan xorriyatal qawlka lagu xalaashan karin in fitno laga dhex abuuro dadka muwaadiniinta ah, in aan nacayb iyo karah lagu dhex abuurin ummadda, in aan nabadgalyada guud wax lagu yeelin; kuwaasi oo dhami waxay noqon karaan danbi, haddii lagu helo qofka.

Cabdo; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.