Xudunta Muranka Hawada ee Somaliland iyo Somaliya (WQ: Axmed Nuur Guruje)

‘Dheeshu waa bilow ,Dhayala  maaha.

Somaliland iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya muranka uga  adag ee ka dhaxeeya labba maamul oo Aduunyadda guudkeeda ka jirra , murankaas oo ah mid aan isagoo keli weligii laggu dhamaynin xal nabadeed iyo ciyaar ciyaartoona .

Soomaaliya waxay aaminsantahay in Somaliland tahay qayb ka midda dhulkeeda , xaqna ay u leedahay xuquuqda tasarufka dhamayska tiran ee wadan u leeyahay in uu wadankiisa xukumo ee loo yaqaano ”Siyaaddo amaba afka qalaad laggu yidhaahdo

” Sovereignty” , Halka ay Somaliland aaminsantahay in ay tahay wadan ka madaxbanaan Soomaaliya , waxaan derisnimo ahayn oo ka dhaxeeyaana aanu jirin .

Xudunta Muranka labadda dhinaca .

Ficil kasta oo Soomaaliya ku talaabsato oo quseeya Somaliland  Soomaaliya waxay u aragtaa xaquuq ay leedahay oo ay isticmaalayso , Somaliland  na waxay u aragtaa faragelin toosa oo dabada lagaga soo sameeyey , salka murankuna  waa halkaas , heshiis laggga gaadhi karaana ma jirro ilaa muranka guud ee asalka ihi dhamaado .

Sidaa markay tahay , heerkulka khilaafku wuxuu leekaanayaa hadba inta awooda Soomaaliya la eegtahay , hadba inta  ay talaabo Soomaaliya qaado ayaana sargoynaysa khilaafku inta uu leekaanayo .

Somaliland maxaa la gudboon .

Somaliland maadaama aanay weli aqoonsi ka helin Aduunka Soomaaliyana khilaafkaa aynu soo sheegnay  ka dhaxeeyo  waxaa la gudboon .

1- In ay la timaado siyaasad midnimo bulsho iyo  jahayn bulsho taasoo sal-dhig u noqon karta in sawtal jamhuurka bulshaddu gees u wada jeesto .

2- In Sidii caadada ahaan jirty aanay Somaliland ku dhicn wax

il-duuf iyo hog-seega , waayo maanta inyar oo khalad ah oo la galo lama heli karro fursad lagu saxo , waxaana la joogaa marxaladda khuburaddu tidhaahdo ” The point of no error ” .

3- In maadaama aqoonsi la’aantu xagal daacinayso haayadaha Qaranka in Madaxwaynuhu Magacaabo Wasiiro buuxin karra kaalintii aqoonsigga , oo leh awood aqooneed , khibradeed iyo kartiyeed oo ay ugu babac dhigi karaan kuwa dhigooda ah ee aqoonsiggu kaalmaynayo .

4- In xukuumaddu siyaasadda difaaca ah ee ay ku shaqaynaysay Somaliland mudada dheer badasho , isla markaana hindisto siyaasad fara-gelineed oo lagaga hawl-galo gudaha Soomaaliya , maxaa wacay daadku intaanu kusoo gaadhin baa la iska moosaa .

5- Ugu danbayn , Waxaa loo baahan yahay in muhiimada koobaad lasiiyo dhaq-dhaqaaqa Mogdisho ka feejignaantiisa , maxaa wacay Aduunka wadan waliba wuxuu mudnaanta koobaad siiyaa daymadda dhanka uu ka filayo in lagaga soo maqan yahay .