Xukuumaddu awood sharci bay u leedahay wareejinta iyo kiraynta hantida qaranka (W.Q. Cali Xasan)

Somaliland oo maanta 25 jirsatay  waxay leedahay awoodaha sharci kuwaas oo  inoo ah marjac aynu  u noqono islamarkaana aynu ku dhaqano, dastuurkeena waxaa loo codeeyey sannadkii 2001-dii xiligaasi oo dadka reer Somaliland u codeeyeen 97%.

Dhawr iyo labaatankaa sanno ee Somaliland jirtay waxaaynu kusoo dhaqmaynay isla markaana ina kala hagaayey waa shuruucda iyo sharciyadii aynu dhiganay.

Hadaba waxa is weyndiin leh Xukuumaddu xaq ma u leedahay in ay iibiso, wareejiso  ama kirayso  hantida Qaranka ee ay iyadu masuulka ummadda uga tahay?  Jawaabteeda waxaan odhan karnaa haaa sababtoo ah  Xukuumada marka hore iyadaa masuuliyada ugu horaysaa ka saaran tahay ilaalinta hantida Qaranka, marka labaadna sharciga ayaa siinaya awoodaha ay ku iibin karto kuna kirayn karto sidoo kale dastuurkeenu wuxuu dhigayaa inay Xukuumaddu samayn karto tasaruf kasta oo waafaqsan sharciga.

Bal ila eega  awoodaha sharciga ee banaynaya, Qodobka 12aad firqadiisa 3aad  wuxuu odhanayaa:

Xukuumaddu waxay awood u leedahay may yeelato, gacanta ku hayso, hanti­ guurto ama ma-guurto ah, may iibsato, iibiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.

Hadiiba sharcigii iyo dastuurkii aynu dhiganay u banaynayo, maxaa dadku uga qeylinayaan dadka lagu wareejinaayo ee laga kiraynaayo haamaha shiidaalka, maaha  ajaanib ee waa  dad muwaadiniin ah oo xaq u leh in ay dalkooda maal gashadaan, sawaxanka iyo buuqa ay samaynayaan  kooxo yar yar oo leh dano gaara maaha in loo seeteeyo danta guud ee ummadda.

Haddii aynu horumarkii waddanka isku hortaagno qabyaalad iyo siyaasad xumo xukuumaddiina markay is tidhaahdo talaabo mustaqbalka oo horumar u ah qaad aynu ku shinbiro waaq-layno oo masuuliyadeedii ku qabsanayno, soona maqlayno siyaasi saaqida oo aan  jeclayn horumarkeena miyaanay ka dhignayn inaynaan inagu  garanayn waxa inoo danta iyo waxa kale ?

Xukuumaddu xaq ayey u leedahay in ay  iibiso ama kirayso hantida Qaranka sida haamaha shiidaalka iyo hantida kaleba ee ay u aragto in horumar ku jiro, waa la kiraynayaa waxaana  lagu  samaynayaa tasaruf sharciga waafaqsan, xukuumaddu maaha in ay u joojiso cid gaara oo iska qaylisa balse waa in ay meel marisaa waxkastoo dadkeeda horumar u ah.

Cali Xasan

calixasan806@gmail.com