Xulbada (Fenugreek) dawo ka qaalisan 1000,000 $ oo aanad aqoon iyo faa’idooyinka ay leedahay (WQ: Cabdi Caawiye)

Xulbadu waa geed gaab midabkiisu yahay Cagaar qafiifa oo bixiya ubax yar oo cad.
Dhererka geedka xulbadu wuxuu gaadhaa 2 ilaa 3 feet.
Midhaha xulbadu waa midho aad u qadhaadh dhadhan ahaan.
Macdanaha ay qaniga ku tahay xulbadu waxaa ka mida iron iyo magnesium.
Waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa faa’iidooyin badan oo ay xulbadu leedahay Iyo cuduro badan oo ay dawo ka tahay.

 1. Calool Istaaga.

Xulbadu waxyaabaha ay aad ugu fiicantahay ilbidhiqsiyo gudahoodna ay daweyso waxaa ka mid ah oo ugu horeeya calool istaaga.

 2. (Cabuuqa)Infections

Xulbadu waxa ay jidhka ka saartaa dhamaan infectionka haba ahaado mid jidhku sameeyey ama qaliin uu keenay IWM

 3. Wadnaha

Dhamaan xanuunada wadnaha ku dhaca waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay Xulbadu tahay shayga keliya ee wadnaha iyo shaqadiisa sidii caadiga ahayd ku soo celisa kana saarta wixii khalkhal ah ee ku dhaca.

 4. Gaasteri ama calool ololka joogtada ah.

Xulbadu waxa ku jirta maado qadhaadh badan oo aan jidhka u ogolaan inay dacari samaysanto,  sidaa darteed gaasterigu waa dacar samaysantay oo ururtay marka uu qofku cabbo oo isticmaalo xulbada waxay jidhka ka saartaa dhamaan wixii dacar iyo gaasa sida ay isku raaceen khubarada caafimaadku.

 5. Xiiqda.

Xanuunka xiiqdu waa xanuun ku dhaca neefmareenka dhuunta iyo sambabada waxaana keena samboorka oo aan hore loo daweyn.
Xulbada waxa ku jirta maado dhareer badan oo qofka kasoo goysa laabtiisa balqankii ama xabkii fadhiyey waana sababta ay dawada ugu tahay Xiiqda.

6. Fiitamiino badan.

Xulbada waxa ku jira fiitamiino iyo macdano badan oo ay ka mid yihiin
magnesium 34 mg, zinc 30 mg, and vitaminB6 10 mg waxaana ay jidhka ka caawiyaan adkeynta difaaca iyo dayactirka nabarada sida dhiig joojinta.

 7. Kelyaha

Xulbadu waxa ay 80% ka fiicantahay kiniinada warshaduhu sameeyaan dinaca kelyaha.
Khubarada caafimaadku waxay isku raaceen in xulbadu xataa ay soo saarto oo ay misho dhagacaanta kelyaha kusamaysma.

 8. Roomatiisan lafaha

Waxa ay xulbadu la dagaalantaa cudurka romatiisanaka waayo waxay leedahay dhareer badan oo xubnaha jidhka ka caawiya inay si fiican isku dhaafdhaafaan oo aanay is xoqin.

9. Dhinaca Galmada

Waxay kor u qaadaa rabitaanka jinsiga kale.
Waxa ay raajisaa biyaha raga xiliga galmada.

 10. Miisaanka

90% dadka badankoodu waxa jecelyihiin inay inay miisaanka iska yareeyaan ama ay is dhuubaan
10%  waxa ay jecelyihiin inay waxaan haddaba xulbadu waxay ka mid tahay waxyaabaha miisaanka kordhiya waa hadii aad in badan isticmaasho sida laba waqti maalintii ama maalin kasta hal mar si joogto ah.
Ogow haddii aad caadi u isticmaasho wax miisaana ku fuulimaayaan.

 11. Caanaha Hooyada

Sida daraasad dheer lagu ogaaday xulbadu kow ayey ka tahay waxyaabaha caanaha hooyada aad u kordhiya.
Hooyo isticmaal xulbada si uu ilmahaagu u hello caano badan iyo difaac adag oo uu cudurada iskaga difaaco.

La soco qabaha dambe……

Qalinkii Cabdi Cawiye
Shaywaal12@gmail.com
+252634115877