Sababayn sharci (Legal Reasoning).
Xeerka Nabad galyada iyo Anshaxa Guud ee soomaliland sidee buu u khilaafsan yahay Dastuurka JSL qodobkiisa 32aad Faqradiisa 2aad, oo aan qoraalki kan ka horeeyay ku sheegay.
Ugu horayan dhamanteen waynu isla qirsanahay xeerka soomaliland ugu sareeya inuu dastuurka yahay sida uu dhigayo Dastuurka laftiisu qodobkiisa 128aad Faqradiisa 2aad oo leh “Dastuurka ayaa ugu sareeya xeerarka dalka ,xeer kasta oo aan isaga waafaqsanynina waxa uu noqonaya waxba kama jiraan”. waa Mabda Dastuuri ah.
Hadaba xeerkan 2012 dhaqan galay qodobkiisa 10aad waxa uu xadidayaa ama xarantinimaynayaa xuquuq dastuuri ah oo uu dastuurku siiyay Muwaadinka, oo lagaga qaadayo xeer Gaar ah. Taasina xeer iyo xaqiiqo toona kuma salaysnaa,
Tusaale Fuduud aan ku siiyo xuquuqaha Muwaadinka Dastuurka siiya waana mid ka mid ah waxyaabaha ay ummaduhu dastuurada u samayastaan ee uu u damaanad qaado Dastuurku. waana sababta ay dadku ugu codeeyeen Dastuurka Afti dadweyne Ma jirto xeer kale oo ay dadku u codeeyaan oo aan ahayn dastuurka Taasina waxay ina tusaysaa sarayntiisa iyo saldhigiisa.
Bil matal ciidanku markay Dawlad afgambiyaan waxa ugu horeeya ee ay sameeyan waa inay laalaan Dastuurkaโ Waayo ?si ay ugu tuntaan xuquuqaha Aasaasiga ah ee Dastuurka bixiyay isla markaana ugu sahlanaato in qofka la iska xidho,la cabudhiyo, la jidh dilo , lagu fuliyo dil maxakamad la,aan ah ,lagu dirqiyo qirasho dembi meeshi la doono la iskaga xidho iyo xilligii la doonaba dadkana laga qaado doonistooda xorta ah iyadoo Maxakamadayntii cadaaladaha ahaydna meesha ay ka baxayso oo ay imanayso martial court , ogoow oo waxaas oo axmaqnimo ahi waa arrimaha uu dastuurku reebayo samayntoodaโ waana tii uu sameeyay Maxamed siyaad bare markii uu afgambiga ka sameeyay jamhuuriyadii soomaliya inagana ina saamaysay ee aynu Madaxbanaanideena ula soo noqonay.
Sidaa awgeed Dastuurka soomaliland tiirarkii lagu saleeyay unkudiisa waxa ugu muhiimsanayd “Qiimo waynida nolsoha qofka oo la imanaysa sugida xuquuqada aasaasiga ah iyo xoriyadaha qofka.(Araarta Dastuurka preamble) .
Xubinta 3aad ee Dastuurkuna waxay gaar u tahay ilaalinta xuquuqul insaanka “Bill of Rights”oo ka bilaabma qodobka 21aad ilaa 36aad ee dastuurka.
sababtuna waxay tahay in dhamaan xuquuqaha Aasaasiga ah ee lagu damaanad qaadayo qaybtan Gaarka ah aan lagu carqaladayn karin ama lagu hor isaatgi karin Go,aano Maamul,Garsoor, iyo xeerar Gaar ahba, waayo ? waa Mabaadi Dastuur oo lama taabtaan ah. eeg qodobka 21aad ee Dastuurka faqradiisa 1aad iyo 2aad.
1)”Waaxaha xeer dejinta Fulinta iyo Garsoorka ee qaranka iyo kuwa dawladaha hoose ee gobolada iyo degmooyinka jamhuuriyada soomaliland heer kasta ha ahaadaane,waxay u hogaansamayaan shuruucda ku cad qobada xubintan” xubintu waa qaybta 3aad ee dastuurka ee aan kor ku soo sheegay”Bill of rights section”Article 21 to 36.
2)Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xoriyaadka aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaanada caalamiga ah ee xuquuqada aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee dastuurka ku xusan.
Faqradan 2aad waxay waajib khasab ah ka dhigtay arrimaha la xidhiidha xuquuqul insaanka in loo raaco Bayaanada caalamiga ah oo ah Axdiyada ama xeerarka caalamiga ah ee la xidhiidha xuquuql insaanka kuwaaso kala ah ( International bill of rights) sida ” Axdiga caalamiga ah ee xuquuqada siyaasada iyo Madaniga ICCPR 1966, Mucaahadada xuquuqada Caruurta CRC 1989, Mucaahadada Tirtirada Noocyada Takoorka ee ku lidiga ah haweenka CEDAW 1979 ,Mucaahadada ka hor taga jidh dilka iyo falalka axmaqnimada ah CAT 1985.
Faqradani waxay reebaysa/Mamnuucaysa in qodobada la xidhiidha xuquuqul insaanka oo Mudaharaadyadu ka mid yihiin inaan Lagu maamulin ama dabaqin xeerarka maxaliga ah, โLocal Lawsโiyadoo ka hortagaysa Maamulada xafiiska imaada inay u samaystaan xeerar iyaga u danaynayna oo Lagu cabudhiyo shacabka Xuquuqdooda aasaasiga ah.
Dhinaca kale isla faqradani waxay jidaynaysaa in loo raaco xeerarka xuquuqda aadamaha la xidhiidha ,Axdiyada caalamiga ah ee ku xusan dastuurka , waxaana ka mid ah kuwaas Baaqa caalmaiga ah ee xuquuqul insaanka Dunida ee soo baxay 1948 (Universal Declaration of Human Rights UDHR 1948) eeg qodobka 10aad faqradiisa 2aad ee Dastuurka oo odhanaya ” Jamhuuriyada soomaliland waxay aqoonsan tahay kuna dhaqmaysaa Axdiyada Qaramada midoobay iyo Qanuunka dawliga ah ,waxa kale oo ay xurmaynaysa Baaqa caalamiga ah ee xuquuqada aadamiga (Universal Declaration of Human Rights)โ.
Hadaba Baaqasi Dastuurku waajibiyay in la ixtiraamo oo loo hogaansaanaado muxuu Mudaharaadka salmiga ah ka leeyahay?
Eeg Qodobka 20aad faqradiisa 1aad ee baaqani wuxu leeyahay ” Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay inuu ka qayb qaato Banaan Bax salmi ah”.
iyana waxa xusid Mudan wax ka bedalka Dastuurka in lagu adkeeyay inaan sinabaa wax looga bedali karin qodobada la xidhiidha xuquuqda aadamaha ee ku xusan dastuurka “constitutional amendment limitations” Madaxweynuhuna kuma samayn karo wax ka bedal Golayaasha xeer dejintuna sidoo kale.
sababtoo ah dadkii acyaanta bulshada ahaa ee dastuurkan samaysay waxay sii ogayeen inay iman doonaan dawlado siday doonaan ka yeela dastuurka iyo ku dhaqankiisa.
Eeg qodobka 127aad xubintiisa X ,
โMa banaana in soo jeedinta wax ka bedalka /kaabidu ku salaysnaato Nuxur ka soo hor jeeda “Xuquuqada Asaasiga ah iyo xoriyaadka qofka” .
Laba ha la isla fahamo markaas 1) Xuquuqda Dastuurkaa bixiyay xeerar may bixin 2)Xataa dastuurka laftiigisa lagama bedali karo waxna laguma dari karo qaybta la xidhiidha xuquuqul insaanka . waana bilaa gorgortan (non- derogable rights). Xeer Maxali ahna hadalkiisa iska daa.
Hadaba wax is weydiin leh halkee baa laga keenay xeer baa ka farcamay qodobkan ikhwaani tan looguma talo galinba in xeerar gaar ah laga sameeyo oo kuwa caalamiga ah oo kali ah baa loo raacaya is horteegadana lama aqbalayo hadii ay xeerar noqoto iyo hadii ay Go,aana Noqotaba Gogrgortan ma leh.
Hadii aynu Baahi u qabno inaynu samaysayno xeerarka dastuurku waajibiyay in la sameeyo way badan yihiin ee ha loo foofo.
Waynu isla fahanay inuu xeerkaasi gaar ahaan qodobkaasi qayru dastuuri yahay iyo sida uu u yahayba Hadaba maxaa laga yeelaya ? Waaba sababta aynu u samaysanay Maxakamad dastuurka ilaalisa oo la idhaa Maxakamada Dastuurka /sare oo shaqadeeduba tahay inay eegto xeerarka dastuurka khilaafsan iyo Go,aanada Maamul ee dastuurka khilaafsan . eeg qodobka 101aad ee dastuurka shaqadeedana ka eeg qodobka 98aad ee Dastuurka.
Waxa qoray.
Garyaqaan Mubarik Cabdi Ismaaciil oo ah La taliyaha sharciga ee Golaha wakiilada iyo Macalin dhiga Qanuunka caalamiga ah ee Dawladaha iyo Sharciga badaha Aduunka, sidoo kale Mubarik waa Cilmi baadhe ka tirsan Machadka Daraasaadka ee ISIR Think Tank.
Mubarik waxa uu ka qaatay shahaadada 1aad ee Barashada Qanuunka Jaamacada Hargeisa LLB, LLM heerka Labaad Qanuunka caalamiga ah ee Dawladaha , Heerka Labaad ee sharciga LLM Qanuunka caalamiga ah ee Badaha Jaamacada Ankara University oo ah jaamacada ugu weyn xaga sharciga Dalka Turkiga.
mubarik.hrc@gmail.comย