Waa maxay fal-denbiyeed
Inta aynaan u gelin Xuquuqda eedaysanaha ama maxbuuska marka hore si guud aan u sharaxo waxa uu yahay denbi.
Denbi waa falkasta oo sharci u aqoonsan yahay in uu yahay danbi, sidoo kale uu mamnuuco sharcigo in sheygaas la sameeyo.
Waxaana loo kala qeybiya badanka laba qeybood oo kala ah:-
Denbi โcrimesโ denbigu wuxuu noqon karaa mid culus iyo mid fudud.
Xadgudub โcontraventionsโ waa marka qofku xadgudub sameeyo sharci tusaale in uu ganacsado isagoon haysan wax ruqsad ah.
Qofkuna laba shey uun buu denbi ku geli kara waxaanay kala yihiin in uu sameeyo ficil la xaaraantimeeyay ama la mamnuucay โactionโ iyo in uu sameyn waayo shey waajib ku ahaa oo uu ka gaabiyo sameynta sheygaas โomissionโ.
Waxa sidoo kale xusid mudan tiirarka denbiga in aan wax ka ogaano:-
- Tiirka macnawiga ah ama tiirka falka denbiga โโmaterial elementโโ oo ka kooban ficil jidheedka โactues reusโ
- Tiir maskaxeedka โmens reaโ
Maxbuuska/eedaysanahaโโ
Sida uu qabo dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 28 aad qofkasta waxbuu dacweyn karaa waana la dacweyn karaa oo waxa uu xaq u leeyahay in uu is difaaco. Haddaba aynu u soo daadegno mawduuceena marka hore waxaynu is weydiinaynaa cida la odhan karo waa eedaysane?
Eedaysane:- waa qofkasta oo loo soo xidhay sifo sharciga waafaqsan, lana horkeenay maxkamadd awood u leh ka garniqista kiiskiisa, taasoo lagu eedaynayo fal dambiyeed xeer sheegay.
Waa laba marxaladood oo kala duwan marka qofka la leeyahay waa eedaysane waa intaan xukun sharci ah oo kama danbeys ahi ku dhicin qofka xoriyadiisa laga qaaday, marxaladda kalena waa marka xukun kama danbeys ahi ku dhaco ee loogu yeedhi karo danbiile โโoffenderโโ halka caruurta loogu yeedho โโcaruurta sharciga khilaaftaโโ markaas qoraalkani labaadaas marxaldood ee uu marayo qofka xidhan ama xoriyadiisa laga qaaday Ayaan kaga hadli doona.
Mawduuceenan waxaynu kaga hadli doonaa Xuquuqda eedaysanahaas aynu sheegnay inagoo ka eegayno meelo kala duwan, dastuurka, xeerka ciqaabta guud, xeerka xabsiyadda 65/2014 iyo xeerarka ciqaabta iyo habka ciqaabta, cahdiga xuquuqul insaanka ee paris 1949 iyo cahdiga islaamiga ee xuquuqul insaanka ah ee qaahira 1990, cahdiga caalamiga ah ee Xuquuqda madani iyo siyaasadeed.
Inaggoo ka duulayna Mabdaโa caalamiga ah ee โโ defendant is innocent until proven guiltyโโ eedaysanuhu waa barii ilaa iyo maxkamada horteed danbigu kaga cadaado. Iyo sida uu qabo cahdiga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ee paris qod 11. Sub (1)
- Everyone charged with a penal offence has the right to be presumed innocent until proved guilty according to law in a public trial at which he has had all the guarantees necessary for his defence.
Qodobkani wuxuu sheegaya in eedaysanuhu yahay mid loo aqoonsan yahay danbi laawe ilaa ay maxkamadi ku hesho in uu yahay danbiile, sida waafaqsan sharciga dhageysig caamka ahโโdhageysiga dadweynaha u furan ayaa loogu yeedha โpublic hearingโ iyadoo loo damaanad qaadayo dhamaan waxyaabaha ku saabsan is difaaca oo iyadna ah xuquuq kale. Sidoo kale waxa xusay isla aragtidan qodobka 13 ee xeerka habka ciqaabta.
Goorma ayaa la xidhi karaa qof?
Waxa aynu ka bilaabynaa goorta la soo xidhi karo qof inta aynan xuquuqdiisa u gelin qofkasta oo laga shakiyo ama lagu tuhmo fal dambiyeed waa la soo xidhi karaa laba miduun
- Amar garsoore oo qabasho ah โโwarrantโโ
- In uu danbi faraha kula jiray โflagranceโ
Sida uu qabo qodobka 25 aad ee dastuurku. Amarka garsooruhu marka uu soo saarayo waxa muhiim ah in u ogaado in
- Fal dembi dhacay
- Eedaysanuhuna yahay kii denbiga galay
Qodobka 34 iyo 35 iyo 36 ee Xeerka habka ciqaabta guud wuxuu sheegaya in qofka la soo xidhi karo iyadoon la haysan amar garsoore oo sharci waxa uu ku jaangoynayaa xaalado cayiman ama denbiyo gaar ahi markay dhacaan waxaana ka mid ah denbiyadaas
Qofka waxa lagu xidhi karaa iyada oo aan loo wadan amar Maxkamadeed haddii lagu qabto isagoo faraha kula jira denbiyada:ย
- Qof Kasta, ama isku day denbi kasta oo lid ku ah shaqsiyada qaanuuneed ee Qaranka, kaas oo ciqaabtiisu tahay xadhig ama ciqaab oo culus:
- Qof Kasta gelidiisa ama isku daygiisa oo ah:
ย i) ka fakasho xabsi sharci ah; escape from lawful custody;
- ii) burburin iyo tuugo; ii) devastation and pillage;;
- iii) gawracaad; iii) slaughterย
- Kas u sababid baahinta cuduro khatar ah,
- sumayn biyaha iyo cuntada;
- Kufsi, salaaxid (hamad kacin),
- galmo aan dabiici ahayn oo xoog lagu galo. U Qabsasho ujeedo salaax.
- Soo tuuris ilmaha uurka ku jira ogolaansho laโaan
- Dil,
- dilid ilme (canug),
- Ogolaansho ku dilid ay la socoto duruuf denbiga cuslaysa, dhaawac culus ama aad u culus, Dil kas dhaafa, safayn wata duruufaha denbiga cusleeya
- Ceebayn wadata duruufaha denbiga cusleeya markay tahay in dalabka xeer-ilaalinta lagu oogo.
- Xoog ku adoonsi, suuq gaynta iyo ka ganacsiga adoonta, xoog ku haysashada aadamiga;
- Xayirasho qof;
- Tuugo ay tahay in xafiis ahaan loo oogo,
- budhcadnimo,
- baadis,
- dil ama dhaawac loo gaysto xayawaanka cid kale leedahay kaasi oo xafiis ahaan loo oogayo,
shuruuda ugu weyn ee uu ku xidhayo xeerka habka ciqaabta guud ayaa ah in qofku danbi faraha kula jiro โโflagrante delictoโโ sidoo kale danbigu yahay mid aad u culus โโserious crimesโ waana danbiyada ciqaabtoodu ka badan tahay 5 sanno oo xadhig ah ama 10 sanno oo xadhig ah.
Xuquuqda Dastuurku u damaanadqaaday maxbuuska
Marka hore dastuurku wuxu reebayaa ba in qof xoriyadiisa looga qaado sifo aan sharci aheyn bal aynu soo qaadano QODOBKA 25AAD
XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYMDKA
- Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.
- Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha
kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.
- Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.
- Dhammaan xorriyaaka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.
Qodobkani wuxu si cad u diidayaa in la iska xidho oo aan qofna loo xidhin arin aanu sharcigu baneyn, ama aanu galin fal uu xeerku u yaqaano danbi, sidoo kale ciqaab ama ganaax ka dhalan karto taas waxaynu ka fahmaynaa inaan qofna loo xidhi Karin sifo aanu sharcigu baneyn. Sidoo kale wuxuu farqada labaad ku sheegaya in qofka uu ku raaxeysto xoriyaadkiisa, sidoo kalena aanu dareemin cabsi iyo in markasta la baadho ama la iska qabto ee qofka waxa waajib ah inoo loo ogalaado in uu iska wato noloshiisa caadiga ah ama nolol maalmeedkiisa isagoon ka baqanynin wax fara gelin ah. Waxa dhamaan xuquuqdan fulinteda iska leh oo u sharcigu ku waajibiyay in dawladu masuul ka tahay fulinteeda, ilaalinteeda, damaanqaadisteedaba.
Waxa dhamaan xuquuqdan loo dhigay laba shardi oo kala ah in aanay ka hor iman ama lidi ku noqon labadan arimood oo kala ah 1. Anshaxa guud iyo 2. Xasilooni ama xuquuq qof kale. Labadan arimood ayaynu bal in yar is dul taagi doona waxay kala yihiin.
- Anshaxa guud
Aduunka dadkasta oo meel ku nool ha ahaadan dadku isku isir ah ama isir kala duwan lehbee, waxay leeyihiin wax agtooda lagaga dhaqmo ama caadooyin u gaar ah kuwaas oo ku salaysan diin, dhaqan, kuwaas oo ah caadooyin aabo ka dhaxlis ah, inaga wadankeena maadama aynu dad muslim ah nahay waxay caadooyiinkeenu badankoodu ku salaysan yihiin diin ama dhaqan soomali aynu ka soo gaadhnay awoowyaasheen, xidhiidhka ka dhexeeya xuquqda iyo anshaxa guud waa in aanay iska hor imanaynin.
- Xuquuq qof kale
Qaacido caam ah ayaa tidhaahda xaqa qofku wuxu ku joogsanayaa in uu xaqa qofka kale ka bilaamayo, taas micnaheedu waxay noqonaysaa in aanay Xuquuqda aheyn wax mudlaq ah oo sii deysan ama aan xad lahayn oo aanay jirin wax dabar u ah. Waxaynu ka fahmi karnaa qodobkan in Xuquuqda qofku haday ka hor timaado xaq qofkale ayna tixgelin lahayn.
Hadaynu soo qaadano qodobka 5 ee baaqa Xuquuqda aadamaha waxa si cad u mannuucayaa in qofka loo geysto jidhdil iyadoo loola dhaqmayo si aan naxariis laheyn, waxa sidoo kale qodobkan sheegayaa in loola dhaqmin eedaysanaha ama qofka xoriyadiisa laga qaaday si ka baxsan biniโaadantinimada taas oo sharaf dhac ku ah eedaysanaha.
Qodobka kale ee aynu dastuurka ka soo qaadanayno, sida uu qabo uu dhigayo qodobka 27 aad ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland Xuquuqda qofka xoriydda laga qaaday
XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY
- Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddii kale ee uu codsado.
- Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu horgeeyo Maxkamad 48 (sideed iyo afartan) saacadood; laga bilaabo marka la qabtay.
- Waxa reeban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag furid, ama dhaar. Mid kasta oo arrimahaas ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax -ka-soo qaad ma laha.
- Waxaa reeban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn.
- Xeerka ayaa xadaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan
- Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in goโaan Maxkamadi ku riday uu racfaan uga qaato
Maxkamadda ka saraysa.
- Marka qof la qabto iyo marka la cusboonaysiinayo sii hayntiisa waxa uu xaq u leeyahay in laogeysiiyo arrintiisa cidda uu doorto.
Hadaynu qodobadan nuxur ahaan soo koobno waxay ka hadlayaan xuquuda qofka xoriyadda laga qaaday. Qofkasta oo la xidho looma diidi karo ehelkiisa, qareenkiisa iyo cidii kale ee uu codsado in uu la kulmo isaga oo xidhan, waana in maxkamadd la horgeeyo muddo 48 saacadood gudahood oo u dhiganta 2 cisho taas oo looga jeedo in garsooraha la horgeeyo uu xalaaleeyo qabashada eedaysanahaas haddii uu ku qanco soo jeedinta dambi baadhaha iyo sabata loo soo xidhay, haddii uu ku qanci waayo waxa uu garsooruhu awood u leeyahay in uu siidaayo eedaysanahaas.
Inta uu saldhiga ku jiro laguma sameyn karo hadiidaad iyo hanjabaad iyo in uu qasab ku qirto fal dambiyeed, haddii arimahaas qirashadu dhacdona waa waxba kama jiraan oo wax ka soo qaad malaha oo micnaheedu noqonayo laguma xukumayo qirashadda uu sameeyay saldhiga dhexdiisa, waxaana loo yaqaana ogolaansho โadmissionโ halka qiraalku yahay mid shuruuda wata wax aka hadla qodobka 68 iyo 149 xeerka habka ciqaabta.
Qofkaa la soo xidhay keliya waxa lagu xidhi karaa meel sharcigu ogol yahay oo ma banaana in qofka la iskaga xidho meel kasta ama guri qof leeyahay, sharciguna ma baneynayo. Sidoo kale xaqa racfaan qaadashadda waa u banana tahay eedaysanaha marka maxkamaddi xukunto in uu racfaan uga qaato maxkamadda ka sareysa, dhamaan xuquuqaadkani waa xuquuq dastuuri ah, xeerarka wadanka waxa ugu sareeya waa dastuurka waxa isaga ka hor imanaya ama la jaan qaadi kareyn waa waxba kama jiraan null and void sida uu qabo qod 127 ee dastuurku.
Qodobka 9aad
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa iyo ammaankiisa. Qofna looma xidhi karo xarig aan sabab lahayn ama qabasho. Qofna xorriyaddiisa lagama qaadi karo, sababo aan ka ahayn iyo iyadoo la raacayo habraaca uu sharcigu dhigayo.
- Qof kasta oo la qabto waxa lagu wargelinayaa wakhtiga la xidhayo sababta loo xidhay waana in si degdeg ah loo ogeysiiyaa eedeymaha loo haysto.
- Qof kasta oo la qabto ama lagu hayo fal-dembiyeed waa in si degdeg ah loo horgeeyaa garsooraha ama sarkaalka kale ee sharcigu u fasaxay inuu isticmaalo awooda garsoorka wuxuuna xaq u yeelanayaa maxkamadayn gudaha a waqti macquul ah ama in la sii daayo.
- Qof kasta oo xorriyadiisa looga qaado xadhig ama qabasho waxa uu xaq u leeyahay in la mariyo habraaca maxkamadda horteeda, si ay maxkamaddaas go’aan uga gaadho iyada oo aan dib loo dhigin sharciga ee xadhigiisa iyo in la amray in la sii daayo haddii aanu xadhigaasi sharci ahayn.
- Qof kasta oo loo geystay xadhig sharci-darro ah ama lagu hayo, waxa uu yeelanayaa awood la fulin karo xaqa magdhawga.
- XAQA MAXKAMDEYNTA CADALAAD AH โโfair trialโโ
Qofkasto oo eedaysane ama dhibane ah waxa uu xaq u leeyahay in uu helo maxkamdeyn cadaalad ku dhisan. Hadaba waxa aynu is weydiinaynaa waa maxay maxkamdeyn cadaalad ku dhisani?
Waa xaq caalami ah oo lagu aqoonsaday baaqa xuquuqul aadanaha qodobkiisa 10 Xaqa maxkamadeyn cadaalad ah in uu helo waa in dhamaan marxaladaha uu ka kooban yahay garmaqalku helo qofkaasi xuquuqdii aasaasiga ahaa laga soo bilaabo marka la xidhayo waa in sifo sharci ah lagu soo xidhay, waa inaan la cabudhin ama la jidhdilin, waa in garsoore la horgeeyo awood u leh mudo 48 saacadood ah, waa in dhageysiga kiiska tusaale sidaa marxalada difaaciisa la dhageysto sidoo kale markhaatiyaasha uu keensado iyo dhamaan cadeymihiisa la dhageysto. Waxaana shardi muhiim ah u ah in dhamaan dadku sharciga hortiisa u siman yihiin iyo maxkamada hortooda u siman yihiin oo loola dhaqmo si isku mid ah.
Saddexdan marxaladood ayaynu ka eegi doona xaqa maxkamadeyn cadaalad ah
- Pre-trial ka hor dhageysiga iyo soo qabashada qofka la tuhunsanyahay wuxu leeyahay xuquuqad cayiman tusaale in marka hore qofka lagu soo xidho sifo sharciga waafqasan, in la horgeeyo maxkamad muddo 48 saacadood ah, in uu la kulmo qoyskiisa iyo qaraabadiisa sidoo kale qareenkiisa, xaqa aamusnaanta, In si cad loogu sheego falka looga shaki san yahay, in loogu yeedho eedaysane, in aan booliska iyo xeer-ilaalintu ku dirqin qirashada denbiga, inaan la jidh dilin, la handadin.
- Trail marka lagu jiro ama la gudo galo eedaynta eedaysanaha ee maxkamadu bilaabanto wuxuu xaq uu leeyahay in uu qareen matalo, hadanu qabsan kareyn maxkamada ayaa u qabanaysa qareen matala, wuxuu sidoo kale xaq u leeyahay in maxkamada iyo sharciga hortiisa si siman loola dhaqmo isaga iyo dhinaca ka soo horjeeda, wuxuu xaq u leeyahay is difaacis, iyo In la dhageysto cadeymihiisa iyo dhamaan hababka uu isku difaacayo oo dhan.
- Post trial maxkamadeynta ka dib marka uu dhamaado kiisku hadii la sii daayo wuxuu xaq u leeyahay inaan isla denibigaas lagu eedayn karaynin mar labaad โdeople jeopardyโ in sida ugu dhaksaha badan loo sii daayo, hadii xukun ku dhaco wuxuu xaq u leeyahay xaqa racfaan qaadashada, dib u eegista iyo sidoo kale cabashada oo ah afar nooc oo lagu duro xukunada.
- XAQA U AQOONSIGA DANBI LAAWE ILAA MAXKAMADU KAMA DANBEYS AHI XUKUNTO
Waxa jira mabda guud oo ah in eedaysanuhu ama tuhunsanuhu yahay barii ama mid bilaa danbi ah ilaa iyo goorta ay maxkamadi goโaan kama danbeys ah ku xukunto in uu yahay denbiile oo lagu helay falkii looga shakisnaa in uu galay oo xeer ilaalintu horkeentay garsoorka kiis dhamaystiran oo cadeymahiisa wata oo maxkamaduna ku qanacday cadeymahaas iyo maragyada la horkeenay, xaaladaas ay maxkamadu goโaamiso in denbigaas uu galay ayaa loogu yeedhi karaa denbiile. โโ accused is presumed innocent until proved guiltyโโ
Waxa si waafi ah uga hadla Qodobka 10aad cahdiga caalamiga ah ee Xuquuqda madaniga iyo siyaasada
- Dhammaan dadka xorriyadda laga qaaday waa in loola dhaqmaa si bini’aadinimo iyo ixtiraam ku saabsan sharafta ka dhalan karta qofka bini’aadamka ah.
- (a) Eedaysanayaasha waa in marka laga reebo xaalado gaar ah, laga soocaa dembiilayaasha dadka waana in lagu saleeyaa daawayn gaar ah oo ku haboon xaaladdooda maadaama aan dambi lagu xukumin dadka;
(b) Dhallinta eedaysan waa in laga soocaa dadka waaweyn oo loo keenaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah si loo xukumo.
- Nidaamka xabsigu waa in uu ka kooban yahay daawaynta maxaabiista ujeedada muhiimka ah ee laga leeyahay dib u habeyntooda iyo dhaqancelinta bulshada. Dembiilayaasha dhalinyarada ah waa in laga soocaa dadka waaweyn iyo in lagu sameeyo daweyn ku habboon da’dooda iyo heerka sharciga ah.
- XAQA RACFAANKA
Racfaanku sharci ahaan waa marka qofka mid ah dhinacyada dacwada ka dhaxeysay uu ku qanci waayo goโaanka ay soo saartay maxkamadu, kana cawda goโaankaas oo u taga maxkamada ka sareysa ta goโaankaas soo saartay.
Xaqa racfaanku waa xaq dastuuri ah waana xaq ka mida Xuquuqda aasaasiga ah ee maxbuuska ama denbiilaha ama qofkasta oo ka cabanaya cadaalad daro ama sharciga oon la raacin markii maxakamadaas uu ka racfaan qaadanayay aanay raacin. Hadaynu eegno sharciga Somaliland oo dastuurku ugu horeeyo waxa si cad u sheegay qodobka 27 faqradiisa 6 โโ eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in goโaan maxkamadi ku riday uu racfaan uga qaato maxkamada ka sareysaโโ
Goโaanka maxakamadu waxay u kala baxaan laba oo kala ah qaraar iyo xukun waaxanay ku kala duwan yihiin qaraarku waa marka goโaan ay maxkamadi soo saartay kaas oon dacwada dhameystiraynin, tusaale ahaan in qaraar ay ku soo saarto maxkamadi inย cadeymaha dhinac wato aan la dhageysan, markaa qofku wuxuu xaq u leeyahay in uu ka racfaan qaato goโaankaas, halka xukunku yahay mid dacwada dhameystira haday ciqaabta tahayna in eedaysanaha lagu helo denbi iyo in lagu waayo denbiga, markaas qofku wuxuu xaq u leeyahay muddo 30 cisho ah in uu racfaan uga ka qaato xukunkaas.
- Xaqa in uu aamusnaado ilaa inta qareenkiisu imanayo
- Xaqa u sinaanta sharciga hortiisa
Xaqa sinaanta waa sababta ugu weyn ee sharcigu u abuuran yahay, in sharciga loo sinaado oo dhamaan dadku sharciga hortiisa ka helaan xasilooni iyo in si isku mid ah loola dhaqmay. Waana mabda ka danbeeya ku dhaqanka sharciga โโrule of lawgaโโ waxa sharcigu diidayaa in dhamaan muwaadiniintu siman yihiin oon loo kala eegayn jinsi, qabiil, iyo mansab toona. Waxaana damaanad qaaday qodobka 7 ee baaqa Xuquuqda aadanaha Qodobka 7aad Dhammaan dadku waa u siman yihiin sharciga waxayna xaq u leeyihiin sinnaan iyo xuquuq isku mid ah sharciga hortiisa. Dhammaantood waxay xaq u leeyihiin ilaalin siman oon laheyn takoorid xad gudub ku ah Baaqan iyo wax kasta oo lagu kicinayo takoorid.
Waxa isna xeeriya qodobka 19aad ee baaqa islaamiga ah ee qaahira kaas oo sheegaya Qodobka 19-aad
(b) Qof kastaa waa u siman yahay sharciga hortiisa, iyadoo aan loo kala soocin taliyaha iyo kan la xukumay. (t) Xuquuqda ku dhaqaaqida cadaalada waa dammaanad qof walba. (j) Mas’uuliyaddu waa shakhsi ahaan. (x) Ma jiro dambi ama ciqaabta shareecada ku cad mooyee. (k) Eedaysanuhu waa dembi-laawe ilaa lagu caddeeyo dembigiisa dacwad cadaalad ah kaas oo lagu siin doono dhammaan dammaanadaha difaaca.
- Xaqa wakiil sharci ah in uu helo
Qofka kasta oo eedaysane ah waxa uu xaq u leeyahay in uu helo qareen sharci oo maxkamada horteeda ka difaaca eedaha loo jeediyo, waxaana sharcigu sheegayaa in xiliyada ama denbiyada qaar sida denbiyada ciqaabtoodu ka badan yahay 10 sanno ay waajib tahay in eedaysanuhu lahaado qareen matala maxkamada horteeda, sidoo kale marka maxkamada sare la joogo waa waajib in eedaysanuhu lahaado qareen difaaca.
Xuquuqaadkaasi waa kuwa ugu mihiimsan marka aynu ka eegayno sharciga waxa sidoo kale jira xuquuqo soo raaca oo ay ka mid yihiin. Waxa ka hadla dastuurka jamhuurida soomalilan, xeerka habka ciqaabta.
- Xaqa in loola dhaqmo si xushmad leh oon lahayn quudhsi iyo bahdilid toona.
- In uu helo cunto nadiif ah, meel wanagsan lagu xidho.
- Xuquuqda in uu helo daryeel caafimaad oo marka uu xanuusado dhakhtar uu heli karo
- In uu xor u noqdo diintiisa, fursadna loo siiyo cibaadaysiga iyo ku dhaqanka diintiisa.
Waxaynu yar xusaynaa dhawr mabaadi aasaasi ah ama mabaadiida guud โgeneral principlesโ oo ay ansixyeen kuna dhawaaqeen golaha guud ee qaramada midoobay โgeneral assemblyโ taariikhdu markay aheyd 14 kii bishii 12 dec sanadu markay aheyd 1990 qaraarkan oo nuberkiisu yahay 45/111 kaas oo ka kooban ilaa iyo 10 ama 9 qodob oo sheegaya habka ugu wanaagsan ee loola dhaqmi karo qofkasta oo xuquuqdiisa laga qaaday ha ahaado eedaysane dacwadi ku socoto ama ha ahaato xukunsane oo noqon kara xukun dheere iyo xukun yare, oo loo kala eegayo inta uu ku xukunkiisu yahay.
- Maxaabiista oo dhan waxaa loola dhaqmayaa si xushmad leh iyadoo ay ugu mudan tahay sharaftooda iyo qiimaha ay u leeyihiin bani aadam ahaan.
- Ma jiri doono takoor ku saleysan midab, midab, jinsi, luqad, diin, siyaasad ama aragti kale, dhalasho ama bulsho asal ahaan, hanti, dhalasho ama xaalad kale.
- Si kastaba ha noqotee, waa wax la jecel yahay in la ixtiraamo caqiidooyinka diimeed iyo qawaaniinta dhaqameed ee kooxda ay maxaabiistu ka tirsan yihiin, markasta oo xaaladaha deegaanku u baahdaan.
- Mas’uuliyadda xabsiyada ee ilaalinta maxaabiista iyo ka ilaalinta bulshada fal-dambiyeedka waa in laga soo baxaa iyadoo la waafajinayo ujeeddooyinka kale ee bulshada ee amaanka mandaqada iyo Gobolka ee mas’uuliyadeeda aasaasiga ah ee kor u qaadida fayo-qabka iyo horumarinta dhammaan xubnaha bulshada.
- Marka laga reebo xaddidaadaha sida muuqata ay qasab ku tahay xaqiiqda maxbuuska, dhammaan maxaabiistu waa inay ilaashadaan xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee ku xusan Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, iyo, halka ay Dowladdu quseyso qeyb ka tahay, Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Dhaqaalaha, Bulshada iyo Dhaqanka, iyo Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda iyo sidoo kale xuquuqaha kale ee ku xusan heshiisyada kale ee Qaramada Midoobay.
- Maxaabiista oo dhami waxay xaq u leeyihiin inay kaqeybqaataan waxqabadyada dhaqanka iyo waxbarashada ee loogu talagalay horumarinta buuxda ee shakhsiyadda aadanaha.
- Dadaallada lagu wajahayo baabi’inta keli keli ahaan ciqaab ahaan, ama xaddididda isticmaalkeeda, waa in la sameeyaa lana dhiirrigeliyaa.
- Waxaa la abuuri doonaa shuruudo awood u siinaya maxaabiista in ay qabtaan shaqo mushahar leh oo macno leh taas oo u sahlaysa dib ugu soo laabashadooda suuqa shaqada dalka una ogolaanaya in ay gacan ka geystaan โโtaakulaynta dhaqaale ee ay leeyihiin iyo tan qoysaskooda.
- Maxaabiistu waa inay helaan adeegyada caafimaad ee dalka ka jira iyadoo aan loo kala soocin sababo la xiriira xaaladdooda sharci.
Waxa baaqani sheegaya in dhamaan Mabaadi’da kor ku xusan lagu fulinayo ama lagu dabaqayaa eex la’aan.
Gunaanad
Waxaynu qoraalkeenan kaga soo hadalnay ugu horeyn waxa uu yahay denbigu inaga oo u kala saarnay denbi culus ama fudud โโ crimesโโ iyo ku xadgudub โcontraventionsโ sidoo kale waxaynu xusnay in qofku laba hab denbi ku kali garo in uu sameeyo ficil โโactionโ ama in uu gudan waayo waajib saarnaa โommissionโ, sidoo kale waxaynu eegnay tiirarka denbiga oo ay ugu muhiimsan yihiin โโmensrea and acteu reusโโ.
Waxaynu qeybta labaad kaga hadalnay qofka goorta la xidhi karo iyo markaan la xidhi Karin marka loo baahan yahay amar qabasho oo garsoore awood lihi soo saaray iyo marka aan loo baahnayn amar qabasho sida in uu denbi faraha kula jiro โโflagranceโโ iyo dhamaan denbiyada ku xusan qodobka 35 XHC waxa sidoo kale sheegnay goorta loogu yeedhi karo denbiile iyo goorta eedaysne loogu yeedhi karo.
Waxaan ka dhawaajinay dhamaan xuquuqaha uu leeyahay eedaysanuhu oo ay ka mid yihiin xaqa in loo aqoonsado barii ilaa iyo maxkamadi ku xukumayso in uu galay denbi, sidoo kale xaq u helida nidaam cadaaladeed oo lagu garnaqo isaga iyo dhibanaha soo dacweeyay, xaqa aamusnaanta, xaqa in uu helo qareen difaaca, xaqa in aan lagula dhaqmin jidh dilid, in uu helo daryeel caafimaad iyo deegaan ku haboon nolosha, in uu la kulmo qaraabadiisa, ehelkiisa iyo cidkasta oo uu codsado, inaan lagu qasbin qirashada denbiga, xaqa racfaan qaadashada.
Ugu danebyn waxaan ka soo hadalnay mabaadiida ay soo sareen qaramada midoobay gaar ahaan general assembly ga qaraarkaas oo ku taarikheysan 1990 bishii 12 december, qaraarkan oo kooban 10 ilaa 11 mabda oo ay tahay in loola dhaqmo qofkasta oo xoriyadiisa laga qaaday.
Waxaan soo aragnay xeerarka la tacaluqa oo ugu horeeyo dastuurka jamhuuriyada Somaliland iyo xeerka ciqaabta guud, xeerka habka ciqaabta, xeerka xabsiyada, hadaan soo qaadano baaqa Xuquuqda aadanaha ee Paris 1948, cahdiga caalamiga ah ee Xuquuqda madaniga iyo siyaasada.
Qoraalkan waxa uu daba socda dhawr qoraal oo aan hore uga qoray sharciga, kuwa kale oo ka mawduuc duwana dhawaan waynu daabic doona haddii eebe idmahaayo.