Xuska 27&31 May: Colonel Mahdi Cali Faarax (WQ: Ilyaas Carte)

XUSKA 27 & 31 MAY| Colonel MAHDI CALI FAARAX waa saraakiishii ciidan ee waranka waheshaday ee jabhadii SNM. waa talyihii dhibooga ee dugsigii tababarka ee Awaare. Mahdi Cali Faarax waa Mahdi Cali Bidhiidhe, wuxuu ahaa talyihii guutadii 5aad ee colkii gudagalka magaalooyinka waawayn ee waaxda aaga Maka. Si gaar ah, Wuxuu ku baxay oo shiishka qorigiisu saarnaa jiida magaalada Gabiley. Mujaahid Mahdi waa duubyowayntii kooxdii qunyarscodka ahayd ee loo yaqaanay Wadaaddada.

 

Waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid ahaa muhindisyadii lahaa jaangooyada siyaasadii wacdaraha badnayd ee ku dhisnayd falsafada diiniga ah ee kooxdii wadaaddada. Kooxdan Wadaaddadu waa koox aashood soconayay haddana ka tuuryo dheeraa kooxihii kale ee Shiishta, Khaakhda iyo tii Callancasta ee Jabhadii SNM. Kooxdaa Wadaaddada ayuu magaca Mahdi Cali ku milmay oo ku sidkanaa. Saaxiibadu marka ay is faalaynayaan waxaa Mahid si gaar ah mujaahidku ugu tilmaamaa mid asaagii ka fil-roonaa oo lahaa xarago gollejoog leh; Go’a xun xataa haduu hilaabto, Mahdi waxaa laga sheegay in uu ahaa kii xaragadiisa la shaamareero!

 

Xuska maalmaha gulifkii gudagalka maagaalooyinka waa wayn ee 27 iyo 31 May, 1988kii awgeed waxaan Muj Mahdi Cali ugu ducaynayaa rabi kaa sallaamad yeel haydaarta Naareed. Aamiin.

 

Ilyaas Carte, 28 May, 2016, Bangkok, Thialand