Xusuus-qorkii Askarta: 16 Saac oo Aannu Hawlgal Ka Jirney Jid Bilaa Magac Ah! Q.1aad, (WT: Khaalid Curaagte)

“Waa halkee cadaabka ay ka soo baxayaan?” Wuxuu ku qayliyey “ waa saajin Maraykan ah”  iyaga oo koox ah ayay wasakh ku daadinayaan derbiga  rasaastu shaandhaysay ee ka dambeeya Huteelka Olambik ee badhtamaha magaalada Muqisho. “Ma garanayo” saaxiibkii isaga oo kor u dhawaaqaya waxa uu leeyahay “waa rasaasta darandooriga u dhacda ee casriga ah” “khaayimiintu waxa ay ka soo baxayaan dildilaaca, waan ku yaraynayaa timirta!” “Haa anna sidoo kale! Haddii aynaan helin caawimo degdeg ah kama bixi karno meeshan!”

Goobtu waa Magaalo xeebeed ku taalla Bariga Afrika, goortuna waa casar gaaban, balse cadceeddu dharaartaas kulayl xad-dhaaf ah oo intii lagu yaqaannay ka badan ayay ahayd, in kastoo ay  hawaduna qoyanayd oo in lagu neefsadaaba  ay adkayd.  Taariihdu waa 3dii Oktoobar, 1993kii, saraakiisha iyo ciidamada oo uu hoggaaminayey  Kornayl-dhexe Danny McNight waxa ay ku suganyihiin xaalad ay ku tilmaameen holac. Isla, goobtan waxa ka socday wax noola muuqday filim ay Holiwuudh jilayso, waxa la yaab leh in aad arkayso qasharrada qoryaha waaweyn ee darndooriga u dhaca oo ku teedsan dhammaan derbiyada guryaha iyo daaqadaha yar ee ku sii hadhay Hoteelkan aynu tilmaannay.

Waxa siddoo kale, khadkeedii dhaaftay dayuurad ka mid ah dayuuradaha yar yar ee qumaatiga u kaca ee ciidamadu ku hawlgalayeen, waxaana  lagu ganey gantaal Saban ah oo lagu rakibay  lidka dayuuradaha (B-40) oo laga riday isla hoteelkan Olombik agagaarkiisa. Kooxo ku hubeysan qoryo Sabanno ah oo u dhawaa goobta ay Ciidanka Marayku joogeen ayaa lagu qabqabtay bambooyin-gacmeedyo ay ku tala jireen  in ay gudaha u soo tuuraan goobtaas. Wax yar uun ka dib waxa ay koox kamaandoos ahi xadhko kaga soo daateen dayuuradda UH-60 Haadka-madow oo joog hoose ku soconaysa, si ay u xoojiyaan ciidanka jiidda hore ku sugan ee ka dagaal galeyay Olombik Huteel iyo hareerihiisa, balse waxa rasaas oodda kaga qaaday ciidamo dhuumalaysanaya oo Soomalia ah.

Waxa uu mid kamaandoosta ka mid ahaa isha qac ku siiyey askari Soomali ah oo foosto dhismahan qarskiisa taalla, uu dacalka qorigiisu ka soo muuqdo, wuuna toogtay. Isla markiiba, intay xabaddii misikta midig kaga dhacday ayuu qaraxeedu cirka u qaaday oo uu dhulka ku soo dhacay isaga oo aad mooddo calal-yar oo dabaq laga soo tuuray. Dhul ku dhicistaasi waxay sababtay in lafo badani ay jajabaan askarigaas Soomaliaga ah.  Sidoo kale, jawaab bixin u dhiganta oo saalbooyin rasaas ah ayaa la huwiyey kooxdii kamaandoosta Maraykanka ahayd, waxaana qasab ku noqotay in ay dib u gurasho sameeyaan oo dhaawacoodana ay qaataan.

Kamaandoostu weli waxa ay ku dagaalamayaan hub intii ay markaas gacmaha ku siteen, laakiin waxa soo badanaya tirada ciidanka dhuumaalaysiga ee Somalida iyaga oo raxan raxan u soo gelaya goobta, waxaana aad uu yaraatay oo hakasho gashey rasaastii ay hurgufayeen ciidamada Maraykanku. Waxa la yaab iyo fajac ku noqtay ciidamadii Maraykanka goobtan ay soo galeen, waayo may fileynin in ay waajahaan awood ciidan oo ay sidan oo kale ugu haftaan. Sidoo kale may lahayn wax qorshe ah oo ay uga meelyaallay haddii ay rasaastu ka yaraato ama halkii ay ka helilahaayeen rasaas iyo sidii ay uga samatabixi lahaayeen goob holacdan.

Maalmo yar uun ka hor dharaartan foodda la is daray, waxaa goobta saldhigga u ah ciidanka Maraykanka ku sugnaa basaasiin Soomali ah oo u shaqeeya Laanta Sirdoonka Maraykanka, waxaanay sheegeen in ciidamada Maxamed Caydiid ay weerar la maaggan yihiin ciidamadan Maraykanka ah ee Muqdisho ku sugan. Sababtan weererka looga shakiga qabey ayaa ahayd in basaasintu ay arkeen Maxamed Caydiid, wasiirkiisii arrimaha dibbedda, lataliyiihiisii arrimaha siyaasadda iyo xubno kale oo ka tiran dowladdiisa oo ku shirayey gudaha Huteelka Olambik oo  ku yaalla degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho, waxaanay ahayd gelin-dambe.

Degmadani waxa ay ubadnayd meelo weegaaran oo teel teel ah oo leh surimo yar yar, isla markaana aad u cidhiidhi ah, haba u badnaadan dadka halkaas ku suganina kuwo taageersan  Maxamed Caydiid. Intaas waxa dheer, warkii ay soo sheegeen basaasiintu, waxa soo xaqiijiyey laamaha difaaca, waxaanay sheegeen in Maxamed Caydiid oo qabqable dagaal ah, isla markaana Maraykanku siraad ku deydeyaayi  uu ku jiro shirkaas. Haddaba, waxa isweydiin leh maxay ciidamada kamaandoosta Maraykanku uga dagaalamayeen Muqdisho, weliba jid aanay xataa magaiisa garanayn?

Butrus Butrus Gaali oo ahaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ka shaqsi ahaan muu jeclayn Maxamed Caydiid sababta oo ah Caydiid wuxuu ula muuqday laba wejiile.

Dharaaro yar ka hor, ciidamo hubeysan oo ka tirsan ciidanka Maxamed Caydiid ayaa qudha ka jarey 28 askari oo Baakistaaniyiin ah. Hase yeeshee, xaaladdaasi waxa ay murugo ku abuurtay Xoghyahii Guud Ee Qaramad Midoobay  iyo Golaha Amaankaba. Arrintaasi waxa ay horseedday in uu taliye ku xigeenka ciidamada Qaramad Midoobay ka joogay Soomalia “Jonathon Howe” oo hore uu ahaa sarkaal ka hawlgabey ciidamada Marykanka oo oggolaansho ka hasyta Gaali, uu ku dhawaaqo in Qaramada Midoobay ay lacag cadadkeedu yahay  $25,000 abaalmarin u siinayso cidda soo gudbisa xoggo ku saabsan sidii loo soo qaban lahaa Maxamed Caydiid.

Ficilkani waxa uu hoos dhigay qaddarintii iyo kalsoonidii ay Maxamed Caydiid iyo xullufadiisu ku qabeen kuna aqbali lahaayeen go’aanka Qaramada Midoobay ee nabadaynta iyo arrimaha xabad-joointa. Wax yar uun ka dib markii la gumaaday ciidamadii Qaramada Midooway ee Baakistaaniyiinta ahaa, Ciidamada Maryakanka ee Deelta Fooraska ayaa isku deyey in ay gacanta ku dhigaan Caydiid, laakiin suurtagal mayna noqon.

..La soco qaybta dambe…

Waxa turjumay: Khaalid Curaagte

khalidtttc@gmail.com