Xusuustayda Marxuum Khaliil Cismaan Sabban (WQ: Cabdirisaaq Rakuub)

Walow uu dad badan luxudka dhigay, maantaa la dhigay luxudkiisii. In badan ayuu kaga soo carraabay qof iilkiisa gabbal ugu dhacay, isagana caawa ayaa iilku kow u yahay. Ilaahow marti la jecel yahay ka dhig.

Khaliil Cismaan Sabban waa dadkii aan ku garaadsaday aniga oo garanaya. Dhowr iyo labaatankii sannadood ee ugu dambeeyey jaar baanu ahayn.

Khaliil waxa lagu xusuusan karaa in uu dad badan la qaybsaday murugada geeri ku timid ehelladooda. Maanta ayey dad badan oo reer Somaliland ahi aaakiisa si milgo leh uga soo qaybgaleen

Addoon dirane ah, bashaash ah oo bulshaawi ah ayuu ahaa Ilaahay ha janneeyee. Wuxuu ahaa qof dad badan ku xidhan oo dad isku wad leh. Dhallinyarada qof la saaxiib ah oo aan iska weynaysiin ayuu ahaa.

Khaliil muu ahayn nin hanti dhaqday, haddana qof in badan lagu soo hirto ayuu ahaa. Qof la martiyo oo gurigiisa dad badan ka soo aflaxeen ayuu ahaa. Qof kastaa oo baahan nin u gargaara ayuu ahaa oo reer u eegin.

2006dii markii dad badan oo reer Muqdisho ah soo qaxeen waxa jiray dhallinyaro dagaalladaa ka soo cararay. Dad badan oo aan haysan meel ay degaan ayaa gurigiisa marti ku ahaa. Haddii aanan khaldanayn mararka qaar tobaneeyo ayey ahayeen dadkaa aan nasab xidhiidhin ee uu bani’aadannimada u hayey. Tiro ma leh dadka gurigiisa wax ja soo cunay.

Xaafadda aanu degganahay oday dadku ku soo hirtaan oo isku wada ayuu ahaa. Qof cibaado badan oo dadka ehlu diinkaa jecel oo ixtiraama ayuu ahaa.

Khaliil Ilaahay ha janneeyo oo dambigiisa ha dhaafo, safkii Rasuulka haka yeelo.